Muqdisho (WDN)- Muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraya 18 qof oo ku xanibnaa dagaalka ka socda Sudan, ayaa lasoo daad-gureeyey iyagoo maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho.
Sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda, muwaadiniinta lasoo daad-gureeyey ayaa laga soo qaaday magaalada Buluja ee xuduudda Sudan ay la wadaagto Koonfur Sudan.
Ku-simaha xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Cabdiraxmaan Nuur Diinaari ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dadkan ay diyaarad qaas ah, oo ay leedaha dowladda Kenya, kasoo qaaday dalka Koonfur Suudaan.
Diinaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli ku howlan tahay sidii dalkooda looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadda ka taagan dalka Sudan.
Dagaal iyo iska-horimaadyo u dhaxeeya labada ciidan ee ku loollama Suudaan ayaa sababay dagaalo in ay ka dhacaan magalaalada Khartuum, gaar ahaan xaafadaha shacabka degan yihiin, oo ka dhigay furimo dagaal. Duqeymaha iyo hubka taankiyada ayaa la sheegay in 459 qof ku dhinteen, halka dhaawacuna gaadhayo 4,000.
Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews
Leave a Reply