Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Eray-bixinta  Doorashooyinka! 

W.Q. Ashkir Nuur Axmed, Ph.D

Sidaan la wada soconno, dowladda Puntland waxay cagta saartay dhabbada doorasho qof iyo cod ah. 

Waxaa in muddo ahba dhagahayga ku soo dhacayay siday dadku uga hadlayaan arrintaan; iyadoo ay ka muuqato soo dhawayn geeddigaan ku aaddan, kala aragti duwanaan iyo bisayl siyaasadeedna aad mooddo dadku in ay gaareen!

Haddaba qoraalkaygan koobani, ka hadli maayo siyaasad, wuxuuse xoogga saarayaa eray-bixinta xagga AfSoomaaliga ah, waxaanan idiin soo gudbinayaa erayada qalaad ee aan ka aruurshay wareysiyada ay bixinayeen madaxda guddiga ku-meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland. 

Warreysiyadaas iyo doodaha lagu qabto fagaarayaasha arrinta doorashada looga hadlo, oo ay ugu dambaysay dooddii 24kii bishan ee xarunta PDRC lagu qabtay, waxaan dareemay in erayo qalaad ay si xaddhaaf ah ugu jireen carrabka dadka weeydiimaha soo jeedinayay iyo warcelinta qaar ka mid ah mas’uuliyiintii madasha fadhiyay. 

Haddaba, anigoo ka duulaya xeerkii laga ansixiyay golayaasha dowladda Puntland ee ahaa: ( Xeerka Ilaalinta Afka Soomaaliga), waxaan isku dayay in aan erayadaas ururiyo, qoro, dabadeedna aan AfSoomaali ka dhigo, waayo si wacyigalinta geeddigaan looga miro dhaliyo muwaadiniinta waa in af ay garanayaan wax loogu tabiyo maadaama ay jiraan dad badan oo aan aqoon afafka qalaad! 

Waxaan  raad-raac ka dhigtay labo dhigane oo kala ah: eray-bixinta AfSoomaaliga ee hawlaha wasaaradaha, 0kt. 1972-kii, gaar ahaan eray-bixinta wasaaradda gudaha. Waxaan kaloo kaashaday midhihii ka soo baxay    Aqoon-is-weydaarsiga Hor-u-marinta iyo Midaynta Ereyada Wararka ee War-baahinta Af Soomaaliga, ee la soo gunaanaday April 2002-dii. 

Fiiro gaar ah: 

B. Erayada hoos ku taxan waxaan dhammaantood la kaashaday labadaas dhigane ee aan kor ku xusay, marka laga reebo labada eray ee kala ah: 1- Donors: oo aan ku macneeyay “Dhowrto-bixiyayaal” waxay badi dadku adeegsadaan “Deeq-bixiyayaal” deeqna Alle ayaa bixiya. 2- Proportional representation ( matalaadda isu dheeli tiran). 

T. Akhristayaasha qaar ayaa weeydiimo ka keeni kara erayada AfCarabiga ah ee lagu macnaynayo kuwa qalaad. Waxaan dadka weeydiintaas qabaa leeyahay: in guddigii AfSoomaaliga ee uu madaxda u ahaa Dr.Shariif Saalax – Alle ha u naxariistee- ay go’aan ku gaareen in eraygii AfSoomaali loo waayo baddalkiis la qaadanayo AfCarabiga, dhawr qoraal oo cilmi-baadhisa uu lahaa marxuumku ayaan akhriyay isagoo arriinkaas difaacaya. 

Akhristow, erayadaas wax ku dar, oo qoraalkayga ka falceli! 

Eraybixinta Doorashada:- 

1- Donors ( Dhowrto-bixiye)

2- Commission (Guddi) 

3- Closed list ( Liiska xiran)

4- Electoral Commission ( guddiga doorashooyinka)

5- Elite ( Haldoor) 

6- Election ( Doorasho) 

7- Local Elections ( Doorashooyin maxalli ah)

8- Mandate ( Igmasho) 

9- Crime ( Dambi)

10- Majority ( Aqlabiyad)

11- Opportunity ( Kansho/ Fursad)

12- Participate ( ka qayb qaadasho)

13- Political activist ( firfircoone siyaasadeed). 

14- Political party ( Xisbi siyaasadeed) 

15- Priority ( mudnaan leh). 

16-   Option ( u door leh, u bannaan). 

17- Population ( Dad)

18- Opposition (Mucaarid)

19- Registration ( Diiwaan galin) 

20- Capacity ( Mug)

21- System ( Hab, Hab-dhis, nidaam).

22- Transparency ( Daahfurnaan)

23- Report ( warbixin) 

24- Representative ( wakiil)

25- result ( dhur, natiijo). 

26- Voice ( cod) 

27- Voting – Vote ( Codayn)

28-  Logo ( Summad)

29- International community ( Bulshada caalamka) 

30- Procedure ( Hannaan) 

31- Process ( Geeddi) 

32- Proportional representation ( matalaadda-isu- dheelitiran)

Haddaba miyaanay habboonayn in aynu u adeegsano afkeenna hooyo marxalad kasta iyo dhacdo kasta halkii aynu isku qasi alhayn af Soomaali iyo erayo qalaad.

W.Q. Ashkir Nuur Axmed, Ph.D

Email: [email protected]


Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland, waana qoraa ka faallooda arrimaha Siyaasadda iyo Taariikhda.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.