Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daad-gureeyay Sudan oo soo gaadhay Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraya 18 qof oo ku xanibnaa dagaalka ka socda Sudan, ayaa lasoo daad-gureeyey iyagoo maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda, muwaadiniinta lasoo daad-gureeyey ayaa laga soo qaaday magaalada Buluja ee xuduudda Sudan ay la wadaagto Koonfur Sudan.

Ku-simaha xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Cabdiraxmaan Nuur Diinaari ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dadkan ay diyaarad qaas ah, oo ay leedaha dowladda Kenya, kasoo qaaday dalka Koonfur Suudaan.

Diinaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli ku howlan tahay sidii dalkooda looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadda ka taagan dalka Sudan.

Dagaal iyo iska-horimaadyo u dhaxeeya labada ciidan ee ku loollama Suudaan ayaa sababay dagaalo in ay ka dhacaan magalaalada Khartuum, gaar ahaan xaafadaha shacabka degan yihiin, oo  ka dhigay furimo dagaal. Duqeymaha iyo hubka taankiyada ayaa la sheegay in 459 qof ku dhinteen, halka dhaawacuna gaadhayo 4,000.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.