Baydhabo (WDN)- Waxaa sidii horey loo sii saadaaliyay si dhib yar ku guuleysatay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee lagu dooranayay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Md. Cabdicasiis oo taageero lacageed iyo mid cudud-ba ka heay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), ayaa horey loo sii saadaaliyay in uu heli doono codaka ugu badan ee Baarlamaanka Koonful Galbeed.
Md. Laftagareen, ayaa wareegii koowaadba si fudud ugu guuleystay jagada madaxweyanaha maamulka Koonful Galbeed, taas oo meesha ka saartay in la galo is reebreeb labaad.
Md. Cabdicasiis ayaa helay cod ka badan 100, halka musharaxa ku xigay uu ka helay 22 cod, iyada oo tirade codeysay ay ahayd 147 xildibaan.
Doorashada madaxweynaha Koonful Galbeed, oo DFS ay is aad ah faraha ugula jirtay, ayaa keentay in loo diido Mukhtaar Roobow in uu ka qeyb galo doorashada, isaga DFS u adeegsatay ciidamada Itooobiya in la xidho, ka gadaalna Muqdisho loo qaado, taasi oo dhalisay rabshado iyo amaan daro la soo darista magaalada Baydhabo, iyo guud ahaan gobolka.
Doorashada Md Laftagareen, ayaa laga cabsi qabaa in ay dhaliso rabshado iyo iska horimaadyo horleh, iyada oo ciidamada Itoobiya ay si aad ah u joogaan dhamaan jidadka iyo guud ahaan magaalada Baydhabo.
WardheerNews
Leave a Reply