Hargeysa (WDN)- Waxaa magaalada Hargeysa lagu xidhay maalintii Axada ee bishan Diisember 16-dii Caaqil Maxamuud Cabdiraxmaan Bakri, oo ka soo jeeda beesha Reer Sheekh Abayoonis ee Geri, ka dib markii uu si toos ah uu u codsaday xadhiga Caaqilka maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Nabadoonka, waxgaradka iyo bulsho weynta beesha Geri ee ku nool ama degan magaalada Hargeysa, ayaa dhawaan isigu yimid shir ujeedadiisu ahayd sidii nabad looga shaqeyn lahaa loona joojin lahaa colaadda iyo dagaalada ka socda deegaanada Tuliguuleed, Diri-Dhawa, Mooyaale iyo goobo kaleeto oo ay qowmiyada Oromadu ka wado xasuuq iyo dhaca dhulka Soomaaliyeed, iyada oo adeegsanaysa cududii iyo taageeradii ciidamada Itoobiya.
Hoggaanka iyo maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa halkii uu ka difaaci lahaa, iskuna dayi lahaa sidii wada hadal iyo is afagarad loogu dhamayn lahaa collaadahaasi, ayuu si aan gabasho lahayn ula saftay Oromada.
Hoggaanka maamulka Soomaalida Itooobiya, oo uu madax u yahay Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa hadda bilaabay falal aad u liita ama loola yaabo, kuwaasi oo ay ka mid yihiin xidhitaanka masuuliiyiinta iyo odayo dhaqameedyada beesha Geri, isaga oo hadda ku daray in uu tabtii Cabdi Ilay uu xuduudka ka talaabo, oo Soomaaliya xitaa lagu xidhxidho odayo dhaqmeedyada Beesha Geri.
Waxa xusid muddan oo taariikhda ku cad in maamulkii ku dhisnaa cadaadiska iyo cabudhinta ee Cabdi Ilay, in uu Kenya , xeryaha qaxootiga iyo Soomaaliya uu ka soo af duubi jiray, dadka uu u arko in ay ka hadlaan dilka iyo xasuuqii uu ku hayay shacbiga Soomaaiyeed ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Falalka uu hadda ku kacayo maamulka Mustafe Cagjar, isaga oo ku taageeraya dhul balaadhsiga Ormada, ayaa haddaba aan waxba ka duwaneyn kuwii Cabdi Iley.
Arimhan uu ku kacayo maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa ay marag madoonto tahay in ay sii hurin doonaan collaada iyo dhibaatooyinka ka dhex taagan Soomaalida iyo Oromada.
WardheerNews