Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Muqdisho: Qoysas u badan beeraley ka soo hayaamay deegaannadooda oo ka cabanaya cunno xumo

Boqollaal qoys oo ka soo barakacay fatahaadaha webiga Shabeelle uu ka sameeyay Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa soo gaaray xeryaha barakaca ee degmooyinka Dayniile, Kaxda iyo deegaanka Garasbaaley billowgii bishaan December.

Qoyska Leyla Culusow Xasan wuxuu ka mid yahay 65 qoys oo ahaa beeraley ka soo barakacay Xaafadda Aaytiro oo ku taalla degmada Afgooye. Waxay ku sugan yihiin xerada Saacid ee degmada Dayniile tan iyo 27 Nofeembar.

Haweeynadan iyo carruurteeda oo ah afar ah ayaa hadda wajahaya hoy la’aan, cuno yari iyo biyo yari. Waxa ay sheegtay in 24 saac ay helaan hal mar cunno ay ku taageeraan dadka deegaanka ee aan barakaca ahayn iyo qaar ka mid ah dadka soo barakacay ee horay xeryaha ugu noolaa.

“Hadda meeshaan bariiskaas la karinaayo ayaan nafta ku ceshannaa wax kale ma jirto. Anaga wax kale oo aan heli karno ma jirto. Ka hor inta aanan soo barakicin waxaan heysanay beero. Hadda warba kama heyno wax noo soo badbaaday oo aan la nimidna ma jirto.”

Sida ay xustay ma jirto wax aqoon ah oo ay u leedahay Muqdisho, kumana lahaa dad ehel la ah, mana haysato wax dhaqaale ah. Wixii hanti ay lahaayeen qoyskeeda waxay uga soo tageen tuuladoodii.

Waxay xustay in aabbihii dhalay Carruurta ay uga soo tagtay beertii iyo deegaankii si uu ilaaliyo toddobo neef oo lo’ ah oo lahaayeen. Waxa ay ka walaacsan tahay nolosha hadda ay ku sugan yihiin iyadda iyo carruurteeda.

Leyla ayaa ka mid ahayd dadka beeraha ay u tacbanaayeen. Beertooda ah afar hektar ah waxaa ugu abuurnaa maseggo, galley, sinsin iyo babay. Waxay tilmaamtay inaysan waxba uga badbaadin oo ay qaadeen biyaha webiga ka soo fatahay.

“Biyo ayaa na soo barakiciyay dhammaan beerihii waa naga qaadeen iyo guryihii xamar ayaan iska soo aadnay waana soo gaarnay wax aan wadanay ma jiraan dadkaasi muslimiinta ah ayaan iska soo dhex galanay , hadda meeshaan aan nimid wax aan ku heysano ma jirto ilaahay ayaan iska tallo saaranay.”

Saamaynta ka dhalatay fatahaadda ee beeraha saamaysay waxa ay gaajo u horseedday qoysaskii ku tiirsanaa wax soo saarka beerahooda. Dadka ugu badanna waxa ay ka yimaadeen tuulooyinka  hoos yimaada Jowhar iyo Afgooye.

Yuusuf Cabdulle oo ah aabbaha toddobo carruur ah waxa uu soo gaaray dhamaadkii bishii Nofeember xerada Saaqo oo ku taalla degmada Dayniile markii uu ka soo barakacay Xaafadda Damaley Afgooye.

Ninkan waxa uu hadda ka welwelsan yahay xaaladda nololeed ee carruurtiisa, maaddaama ay tahay markii ugu horreysay ee uu barakac faro-maran noqdo.

Waxaa uu Raadiyow Ergo u sheegay in qoys kale oo barakac ah ay soo dul-degeen kuwaas oo ka soo horreeyay hal todobaad laakiin dhistay hal buul oo cooshado ka sameysan, islamarkaana ay seexaan karaan shan qof oo keliya.

Wuxuu intaas raaciyay inay dadka waaweyn ay seexdaan bannaanka. Wuxuu sheegay inay carruurta la galaan marka uu roob da’ayo, balse inta kale ay dibad joog ka yihiin.

Yuusuf ayaa tilmaamay in uusan garaneyn meel uu shaqo u doonto, maaddaama uusan magaalada kala aqoon oo ay tahay markii ugu horrreysay oo uu Muqdisho soo gaaro, ayna ku nool yihiin raashin laga kariyo gudaha xerada oo ah hal waqti.

Wuxuu intaas ku daray in qoys deris la ah labo mar ay maalintii ku caawiyaan caano ay u qasaan carruurta.

“Hadda qoys kale ayaan dul saar ku nahay wax aan heysano ma jirto, waligay ma barakicin waxaan noloshayda inta badan kunoolaa degaankaasi biyaha wabiga xilli habeen ah ayay nagu soo furteen wixii aan heysanay waay qaateen ilmaha ayaan kala soo carararnay meel kuma sheego dharkeygii, Cuntadii Carruurta midna.”

Ka hor inta uusan soo barakacin wuxuu deegaankiisii ku lahaa dukaan lagu iibiyo bakaashka oo lacagta saarneyd uu ku qiyaasay $1,500, islamarkaana uu ka maareyn jiray nolosha carruurtiisa.

Wuxuu sheegay in dukaankii iyo guri ay deganaa ay qaadeen biyaha fatahaadda 25 Nofeembar hore xilli habeen, waxa uuna goobta kala soo baxsaday keliya carruurtiisa.

Qaar ka mid ah qoysaska soo gaaray xeryaha barakaca ayaa sheegay in roobkii da’ay sanadkan uu ahaa midkii ugu xoogganaa ee soo mara sanadihahii la soo dhaafay, islamarkaana ay ku waayeen beerihii, guryihii iyo dhammaan wixii kale ee ay haysteen.

Muno Dhaayow oo korsata lix carruur ah oo agoon ah  oo midda ugu yari uu jiro laba sano waxa ay ka soo barakacday tuulada Mooyko ee duleedka Jowhar. Iyada iyo carruurteeda waxay hoy la’aan iyo cunno yari ku wajahayaan xerada Saacid.

Ma jiro qof u shaqeeya qoyska Muno iyo dhaqaale il kale ka soo gala, waxaase iyada iyo carruurtu ay ku tiirsan yihiin dadka kaga soo horreeyay xerada iyo maamulka oo maalintii ugu deeqa wax ay hal mar cunaan. Nolol aysan fileyn ayay ugu timid xerada oo ay timid labadii bishan.

“Naf ayaa meeshaan na keentay maanta todobo maalmood ayaan halkaan joognaa. Markaan xagga joogay waxa aan qaban jiray beer ayaan tacban jiray, sinsin ayaan abuuri jiray, bataati macaan ayaan abuuri jiray, Ansalaata ayaan abuuri jiray ayuu nooc khudaar ayaan sameyn jiray.”

“Xamar waan ku wareeray, maxaa yeelay Xamaali aan aniga qaaday, markii aan gurigii geeyay ayaa la i dhahay ninkeygii wuu maqan yahay sug ka dibna alaabka ayaa layga xirtay, dhabarkeyga ayaan kusoo qaaday lacagta aan ku siday waa todobo kun oo shilin Soomaali ah, marka dhibaatadaasi ayaa na heysta.”

Tirada dadka ay soo barakicinayaan fatahaadaha ayaa isa soo taraysa sida ay sheegeen maamulada xeryaha ku yaalla gobolka Banaadir.

Maxamed Guure Nuur oo horjooge ka ah mid ka mid ah xeryaha Dayniile ayaa sheegay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay ay soo gaareen xeryaha in ka badan 500 oo qoys kuwaas oo ka soo barakacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha dhexe.

Wuxuu sheegay markii ay soo gaareen in  ay u qeylo dhaamiyeen dadka deggan agagaarka xeryaha ee aan barakaca ahayn iyo dadka goobaha ganacsiga ku leh. Waxay u keeneen raashin si loogu kariyo hal mar, kaas oo hadda gabaabsi ku dhow. Wuxuu xusay inaysan jirin cid dowladda iyo hay’addaha ka socoto oo soo caawisay dadkan oo u badan haween iyo carruur.

Maxamed ayaa sidoo kale xusay in dadkan ay ku soo dul-dageen ku dhawaad 400 oo qoys oo horay barakac u ahaa, kuwaas oo horay ula daalaadhacaya helidda quud maalmeedka.

“Maalin walba waxaa na soo gaara dad cusub dadka waxay u imaanayaan koox koox sida 20, 30 hadba si waxay soo bilowdeen markii ay fatahadaaha ku dhufteen Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose waxay noo sheegeen in biyo ay kasoo carareen oo beerahoodii ay qaadeen habeen madow, maalinkii hal mar ayaa wax loo kariyaa oo dadka degaanka ayaan raashin kasoo aruurinay walina kuma filna”

Qoysas ayaa ku hanweynaa inay roobka dayrta uga faa’iidaystaan tacabka beeraha balse waxay ka fursan waayeen inay xeryaha ee magaalada Muqdisho soo door bidaan markii ay dhibbane u noqdeen saamaynta fatahaada webiga ee ka dhalatay Elnino.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.