Muqdisho, Abril 30, 2013 (WDN)- Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa caawa u muuqata magaala bandow ah iyadoo dadka magaalada ku dhaqanna ay goor hore guryahooda ku kala xaroodeen, kadib howl gallo adag oo ay maanta magaalada ka sameeyeen ciiddamada dowladda Soomaaliya.
Saaka, subaxnimadii hore ayay dadka reer Muqdisho ku soo tooseen iyadoo waddooyinka caasimaddu ay inta badan xiran yihiin, meel kastana ay ciiddamo gaadiidka iyo dadweynahaba baarayaa joogaan, halka waddooyinka qaarkoodna gaadiidkaba loo diidana inay isticmaalaan.
Wararka aan rasmiga ahayn ee soo baxaya, ayaa sheegaya in hawlagalladani ay ka dambeeyeen iyadoo laga cabsi qabo in koox diineedka xagjirka ah ee Al-Shabaab ay maleegayaan weeraroo isugu jira qaraxyo iyo weerarro toos ah, oo ay ka fuliyaan goobaha muhiimka ah ee caasimadda ku yaalla, iyaga oo ku soo beegaya dhammaadka bishan ilaa Bisha May kowdeeda oo ku beegan xilligii ay Mareykanku ay khaarijiyeen Aadan Xaashi Ceyrow, oo ahaa hoggaamiyihii hore ee ururka al-Shabaab oo shan sano ka hor lagu dilay magaalada Dhuusa-mareeb, iyo sidoo kale dilkii Usama Binu Laden, oo laba sano ka hor isna Bakistan lagu dilay.
Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Md. C/kariin Xuseen Guuleed, oo saxaafaddu wax ka weydiisay arinta la xariirta waddooyinka maanta la xiray, ayaa waxa uu ku soo koobay in ay aheyd howl-galladii caadiga ahaa ee ammaanka lagu sugayay.
Saraakiisha amniga qaarkoor, ayaa sheegay in howl galladii maanta lagu soo xir xirey tiro dad ah oo looga shakisan yahay inay weerrarada wax ka maleegayeen.
Waxa ay maanta hawlgalladani ahayeen kuwo wax badan ka duwan howgaldii caadiga ahaa ee magaalada inta badan ka dhici jiray, waxaana saaka sidoo kale xanibnaa isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada iyadoo waddooyinka lagu arkayay dad aad u badan oo lugeynay waddooyinka loo diiday in ay maraan gaadiidku.
Waxaa sidoo kale caawa bandaw ku jirta magaalada Muqdisho, waxaana inta badan waddooyinka daadsan ciidama aad u badan oo ka qeyqaadanaya sugidda ammaanka magaalada maadaama ay cabsi badan jirto.
Ururka Alshabaab ayaa muddooyinkan dambe qarraxyo ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen dad badani ka fuliyay magaalada Muqdisho.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews.com
Leave a Reply