Mudug: Dadka deegaanka Dhinowda oo ku dhiban hilitaanka raashiinka markii uu bacaad xiray waddooyinka soo gala iyo guryahooda

Mudug: Dadka deegaanka Dhinowda oo ku dhiban hilitaanka raashiinka markii uu bacaad xiray waddooyinka soo gala iyo guryahooda

(ERGO) Kun iyo saddex boqol oo qoys oo ku nool deegaan xeebeedka Dhinowda ee gobolka Mudug ayaa wajahaya cunno xumo, markii bacaadka guurguura uu xiray waddooyinkii ay mari lahaayeen gaadiidka raashiinka geeya deegaanka.

Hinda Sheekh Cali oo ka mid ah dadka ku nool Dhinowda oo magaalada Gaalkacyo waqooyi bari uga began 265 km ayaa sheegtay in qoyskeedu ay ku adag tahay in hal waqti ay helaan waxay cunaan.

Bacaadka guurguura oo aasay guryaha tuulooyin ka mid ah gobolka Mudug/Ergo radio

Haweenaydan ayaa xustay in raashinka uu qoysas deegaanka oo dhan u keeno hal gaari oo ka yimaada magaalada Boosaaso. Kiradiisa ayaa sare u kacday saddexdii bilood ee lasoo dhaafay. Halkii kiish gaariga wuxuu deegaanka Dhinowda ku geeyaa $8.

“Waddada baabuurta ayaa naga go’an raashinkuna waa qaali xoolahu ma gadmaan dadkuna xoolaha iyo badda ayay wax ka soo gali jireen,”

Hinda ayaa xustay in lacagta gaadiidka uu ugu keeno raashiinka ay hadda noqotay labalaab marka loo eego qiimihii hore oo ahaa 4 doollar. Bacaadka dartiis gawaaridu gudaha uma soo geli karaan deegaanka.

Dhalinyarada deegaanka ayaa ciidda ka banneeya waddada marka uu gaarigu ku soo wajahan yahay, Sidaas oo ay tahay Hinda waxay sheegtay in raashinka loo dhigo meel gurigeeda u jirta 3 km. Waxay ku qasbanaataa in bixiso $1 oo xamaali kale ah.

Haweenaydan oo qoyskeeda uu ka kooban yahay 12 qof ayaa tilmaamtay in horay ay noloshooda ugu tiirsaneyd kalluumaysiga oo maalintii ay ka heli jireen ugu badnaan $15. Shaqadan oo uu qaban jiray wiilkeeda ayaa ka istaagtay, markii uu fogaaday kalluunka saddexdii bil ee u dambeeyay.

Wiilkeeda 22 jir ah wuxuu hadda ka mid yahay dhallinyarada gawaarida ka dejiya raashinka. Wuxuu ka helaa halkii mar $17. Lacagtan ayuu ku caawiyaa qoyskiisa.

Hinda sheegtay in bacaadka guurguura uu waxyeelo u geystay ceelashii deegaanka oo ay ka heli jireen biyaha ay isticmaalaan qoyskeeda. Ceelashaas oo ah gacan qodaal waxaa duuga mar walba bacaadka.

“ceelku waa wasaq ciid baa fadhiisanaysa. Waxay ka buuxsamaysaa gudaha iyo dusha ceelka. Biyuhu waxay noqonayaan dhoobo,”

Qoyskeeda wuxuu ku hoyda labo qol oo jiingad ah oo aan ka fogeyn halkii ay ka soo guureen markii hore oo ahaa gurigeeda oo bacaad uu qariyay. Rajo badan kama sii laha inay ku nagaadaan, maaddaama mar kale uu bacaadku ku soo dhowaaday.

Waxay Hinda ka walwalsan tahay bixinta lacag dhan $750 oo dayn ah. Waxay ku qaadatay raashin iyo qalabkii ay ku dhisatay guriga jiingadda ah.

Deegaanka Dhinowda ee gobolka Mudug oo qoysas badan ay horay uga guureen saameynta bacaadka darteeda ayaa dadka ku haray waxay cabsi ka qabaan guryahooda uu bacaadku aaso haddii aan xal loo

helin. Dad qaar ayay dantu ku qasabtay inay meel tag ah u guuraan si ay uga badbaadaan dhibaatada ciidda.

Qoyska Sayid Sheekh Cabdullahi oo ku nool deegaankan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay isugu darsantay abaar iyo ciid, taas oo caqabad ku noqotay helitaanka nolol maalmeedka.

Ninkan ayaa sheegay in saddexdii bil ee u danbeeyay lagu yeeshay lacag dhan $477, taas oo uu ku qaatay raashiinka ay isticmaaleen qoyskiisa. Dhaqaale xumada haysa dadka deegaanka ayaa sababtay inuu waayo dad wax ka gata ganacsi uu ku leeyahay.

“Reerkaygu nolol ahaan waxuu ku tiirsanaa farmiyasho yar oo ii furnaa. Dadkii wax iga iibsan jiray oo xoolo dhaqato iyo kalluumeysto ahaa waxba ma haystaan, sidaas darted marka ganacsigii cid wax ka gadaneysa lama arko,”

Sayid oo ah aabbaha 17 carruur ah Caqabadaha kale ee haysta waxaa ka mid ah biyaha ay helaan oo dhanaan ah. Waxaa u sii dheer in masaafo ka durugsan uu u jiro ceelka ay ka dhaan sadaan.

Qiimaha biyaha macaanka ah ayaa deegaankiisa ka jooga halkii fuusto $10, taasi oo uu sheegay in ay ku adagtay iibsashadeeda.

Guddoomiyaha deegaanka Dhinowda Xasan Cabdi Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xaaladda deegaanka ay aad u adag tahay marka loo fiiriyo duruufaha is biirsaday oo ay wajahayaan qoysaska deggan.

Konton qoys oo ka mid ah dadka deggan ayuu xusay in markii ay u adkaysan waayeen bacaadka ay u guureen Gaalkacyo, Afbarwaaqo iyo Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa dhibaatooyinka hadda ka jira Dhinowda u sababeeyay roob yarida ka jirta deegaanka. In ka badan shan boqol oo qoys ayuu sheegay in ay ku adag tahay helidda cunno ay dabka saartaan.

Xigasho ERGO

Leave a Reply

Your email address will not be published.