Mudaaharaad looga soo horjeedo dilalka lagu hayo Soomaalida Konfur Afrika oo Nairobi ka dhacay +Sawiro

Nairobi:-Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta Kenya  ka dhacay banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo dilalka iyo xasuuqa lagu hayo Soomaalida ku nool, kana ganacsata dalka Konfur Afrika.

Inkastoo dowlada Kenya aya diiday in dibad baxan ladhigo, hadana dhalinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa ku dhiiraday in ay muujiyaan sida ay ugu xunyihiin walaalahooda Soomaaliyeed ee dadka Konfur Afrika ay ku hayaan dilalka arxan darrada ah.

Dibad-baxayaasha ayaa socod kusoo maray inta badan wadooyinka xaafada Islii,iyadoona ay wateen boorar ay ku qornaayeen erayo ka dhan ah dowlada Konfur Afrika, waxaana sidookale xusid mudan in banana-baxayaashu ay gubeen calanka Konfur Afrika.

Dowlada Soomaaliya ayaa maamulka Konfur Afrika u dirtay waraaq ku aadan in si dhaqsi ah ay ujoojiso dilalka ba,an ee ay shacabka reer Konfur Afrika ku hayaan Soomaalida ku nool dalkooda.

Wadamo badan oo ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ayaa sidookale laga dhigay mudaaharaadyo ka dhan ah Konfur Afrika,iyadoona lagu dalbaday in si deg deg ah ay dowlada usoo farageliso dilalka xoogan ee lagu hayo dadka Soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

 

 

W/Q: Maxamed Cisman “Xabiib”
Nairobi,Kenya

Leave a Reply

Your email address will not be published.