Garoowe (WDN)- Md. Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah musharaxiintii u taagnaa xilka Madaxweyne-nimada Puntland, ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha Puntland ee shanta sanno ee soo socota. Doorashadaasi oo qabsoontay maanta oo ku beegan 8-da Janaayo, 2019.
Md. Saciid Deni, ayaa wareegii 3aad ka guuleystay musharax Gen. Asad Cismaan, isaga oo helay 35 cod, halka Asad uu ka helay 31 cod.

Doorashada xilka madaxweynaha Puntland oo ahayd mid ay ku loolamayeen musaraxiin dhan 21, oo ay ku jireen dad badan oo ruugcaddaa ahi, ayaa wareegii koowaad lagu reebay Madaxweynihii hore ee Puntland Md. Cabdiwali Cali Gaas, oo la filayay in uu soo gaadho wareegyada dambe.
Md. Siciid oo hadda ku guuleystay xilka mdaxweynaha Puntland, ayaa haddaba ay horyaalaan caqabado balaadhan oo u baahan qorshe iyo wax qabad degdeg ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Musuq baahsan, amniga, caafimaadka, biyaha iyo dhaqaalaha oo aad u liita, iyo hay’addaha dowladda oo adeegoodu uu aad u hooseeyo.
Madaxweynaha la doortay oo horey u ahaan jiray Wasiirka Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ee DFS, ayaa ku soo beegmaysa, wakhti uu xidhiidhka Puntland iyo Dowladda Federaalku uu aad liito.
Md. Siciid ayaa dhawaan soo bandhigay qorshihiisa waxqabad markii uu ka jeediyay Baarlamaanka Qorshe Siyaasadeedkiisa bishan Janayo 7-dii.ee shanta sannadood ee soo socota.
Md. Siciid ayaa la dhawri doonaa tayada dowladda uu soo dhiso dhawaan haddii Eebe idmo.
WardheerNews