Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Md. Siciid Deni oo ku guulestay xilka Madaxweynaha Puntland

Garoowe (WDN)- Md. Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah musharaxiintii u taagnaa xilka Madaxweyne-nimada Puntland, ayaa ku guuleystay doorashadii  madaxweynaha Puntland ee shanta sanno ee soo socota. Doorashadaasi oo qabsoontay maanta oo ku beegan 8-da Janaayo, 2019.

Md. Saciid Deni, ayaa wareegii 3aad ka guuleystay musharax Gen. Asad Cismaan, isaga oo helay 35 cod, halka Asad uu ka helay 31 cod.

Md. Siciid Cabdiullaahi, M/weynaha cusub ee Puntland

Doorashada xilka madaxweynaha Puntland oo ahayd mid ay ku loolamayeen musaraxiin dhan 21, oo ay ku jireen dad badan oo ruugcaddaa ahi,  ayaa wareegii koowaad lagu reebay Madaxweynihii hore ee Puntland Md. Cabdiwali Cali Gaas, oo la filayay in uu soo gaadho wareegyada dambe.

Md. Siciid oo hadda ku guuleystay xilka mdaxweynaha Puntland, ayaa haddaba ay horyaalaan caqabado balaadhan oo u baahan qorshe iyo wax qabad degdeg ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Musuq baahsan, amniga, caafimaadka, biyaha iyo dhaqaalaha oo aad u liita, iyo hay’addaha dowladda oo adeegoodu uu aad u hooseeyo.

Madaxweynaha la doortay oo horey u ahaan jiray Wasiirka Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ee DFS, ayaa ku soo beegmaysa, wakhti uu xidhiidhka Puntland iyo Dowladda Federaalku uu aad liito.

Md. Siciid ayaa dhawaan soo bandhigay qorshihiisa waxqabad markii uu ka jeediyay Baarlamaanka Qorshe Siyaasadeedkiisa bishan Janayo 7-dii.ee shanta sannadood ee soo socota.

Md. Siciid ayaa la dhawri doonaa tayada dowladda uu soo dhiso dhawaan haddii Eebe idmo.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.