Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MAXAMED MAXAMUUD XANDULLE : DANJIRE HILAADIN DURUGSANAA (1956-2016 )

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Putin_with_Mohamed_Mohamoud_Handule
Danjire Xandulle oo waraaqihii aqoonsiga uu ka guddoomayo madaxweyne Putin

Maqaal aan ka qoray dhacdo aan ka qaybgalay New York oo cinwaankeedu ahaa “ Kulankii Dhallinyarada Adduunka – 1970” (WardheerNews.com) ayaan ku bilaabay ereyo murugo ka muuqato : “ Shan ayaannu ahayn .. imminkana, afar”.  Ka naga allaystay ayaan ka yara warramay sida dhagarqabta ah ee geeridiisu ku timid, intaanan shirweynihii iyo waxaanu kala kulannay u gudagelin.

Maantana tii oo kale ayaa i hor taal : “ Toban bay ahaayeen.. imminkana, sagaal.”  Waa dhallinyaro Soomaaliyeed oo hammi iyo hammad wacan xanbaarsan oo CADAN iigu timi 1980kii, ka dibna deeq waxbarasho ka helay Midowga Sofiyeetigii berigaas jirey. Maxamed M. Xandulle (IHUN), danjiraha aan halkan ku maamuus-xusayo geeridiisa, ayaa kooxdaas ugu soo horreeyay; inta kalena raadkiisa soo raacday.  Tobanku gobollo kala duwan oo dalka ka tirsan ayay ka kala yimaaddeen, summad keliya ayayse wadaageen – wadaninimo, waxbarasha-jacayl, iyo ummadooda inay u adeegaan.  Waana tan CADAN isugu keentay, markay dalkii ka soo quusteen, qaarkoodna xabsi dheer ka soo mareen.  Kooxdaasi kuwa ay ahaayeen, meeshay maanta kala joogaan, iyo waxay qabtaan, ogaalkay maqaal ayaan ka qoray- ‘Safar Aan Jaho Lahayn- qaybta 5aad’ (WardheerNews).

Maxamed M Xandulle (IHUN), judhiiba markuu dugsiga sare dhammaystay ‘73/74 , ayuu ka mid noqday dhallintii ‘kacaanka barakaysan’ shooladda ugu dhacay bilawgii toddobaatanaadkii isagoo wadaninimo qiire fatahaya.  Intii saadaashu wacnayd, ururka dhallinyarada kuwa ugu firfircoon ee ka dhex muuqda ayuu ku jiray.   Sida dad tiro badan ka soo martay taariikhdaas, dagaalkii 1977dii talisku ku qaaday Itoobiya ee ciidanka Soomaaliyeed ku hoobtay, qarannimadiisana dhaawac aan laga soo kabani ka gaarey, ayaa Xandullena ka calool go’ay wax rajo ah oo nidaamkaa laga dhawro.  Xandulle ilaah naxaristii janno ha siiyee , cilmiga falsafadda ayuu ka bartay Jaamacadda Dawladda Moosko (Moscow State University) ee ka tirsan kuwa ugu maqaamka weyn xarumaha waxbarashada dalkaas, kana soo qalin-jebiyay 1986.  Isbeddel yididiilo geliyaa ugama uu muuqan dalkii hooyo xilligaas, sidaas darteed Xandulle kuma uu soo laaban, ee Ruushkuu ku nagaadey oo waxbarasho sare iyo cilmibaaris kasii waday.

1990kii ayaa duufaan siyaasadeed taliskii iyo jiritaankii Midowga Soofeeti, kii Soomaaliyeed, kii Itoobiya dabayl-xagaaga raaciyay.. Kii Yamanta koonfureedna hogob kale ka ridey.  Gedgeddoonka adduunka ka dhacay marna M M Xandulle (IHUN) aragtidiisa iyo yoolkiisa wax kama uu doorin.  Mar walba wuxuu la soo taagnaa, dhibtu ha iska dheeraato ee maruun bay hubaal Soomaalidu ka soo kabmi doontaa iyadoo inteeda ka xooggan.  Safaaradda Soomaaliyeed ee Moosko ayuu ku biiray, isagoo mar la-taliye ka ah, mar shaqaale ka ah, tobankii sano ee ugu dambeeyeyna danjire buuxa ka ah.  Taariikh-nololeedka Xandulle qalinka uma qaadin, ee saddex aan jeclaystay inaan ku xuso ayaan ku soo ururinayaa:

Tan hore waxay tahay, xilli iyo durufo adag oo in yar mooyee, Soomaalida inteedii badnayd ka raacday: ‘ saw inaan dantay waariyaa.. dawga furan maaha !’ ayuu Xandulle tuu siddeetamaadkii la safray, la soo jiifay isagoo had walba la socda waxa adduunka ka dhacaya.

Waa tan labaad ee iyadoo Soomaalidu u aragtay in Midowga Soofiyeeti wixii la oran jiray aanu awood iyo itaal waxba dhaamin dalalka addunka saddexaad badankood, ayaa Xandulle (IHUN) mar walba arkayay in Ruushku weli yahay xoog (superpower) tixgelin mudan iyo in wax lala qabsado.  Intuu safaaradda joogay ma jiro madaxweyne Soomaaliya soo maray aanu Xandulle dhambaal arrintaas ku nuuxnuuxsanaysa aanu u dirin.  Siyaalaha gaarka ah ee Xandulle arrimahaas muhimka ah ee durugsan ugu dhuundaloolay, waxaa ku kaalmaynayay isagoo si weyn Ruushka u dhex galay, afka iyo dhaqanka si fiican u bartay, xaaskiisuna ay ka dhalatay.

Tan saddexaadna waxay tahay, in aanu marna illaawin in dhallinyarada Soomaaliyeed la gacan qabto oo siday waxbarasho u heli lahaayeen lagu dadaalo.  Muddaduu dalkaas joogay, ma qabo inay jiraan danjirayaal kale, meel kasta ha joogeen, tirada ardayda uu waxbarashada ku gacanqabtay soo cagacagayn kara.  Waana mid deeqsinimada shakhsiyaddiisa ka marag kacaysa.  Waa libin aan marna loo illaawayn, gaar ahaan sebenkan qallafsan ee ummaddeenu ku jirto.

Aniga qof iyo qoys ahaan xiriirkayagu marna ma kala go’in.  Aaskii marxuumka ee Hargeysa ka dhacay ee qoyskiisa, eheladiisa iyo asaxaabtiisa badani ka soo qaybgaleen xaadir baan ka ahaa .. Ilaa tayda xaqa ahi immanaysona midda aan marna maskaxdayda ka baxayni waa ‘mabda’-adaygga aan loodsamayn ee ninkaasi la godgalay.’

Samahuu ifka geystuu Eebaheen aakhiro ka abaal marinayaa.  Wa nicam billaah !

Sicid Jaamac xuseen
Email: [email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.