W/Q Cabdiraxamaan Cabdirisaaq Ciise
Md. Siciid cabdullahi Deni ayaa mar labaad ku guulaystay xilka madaxtinimo ee PL, isaga oo noqonaya Madexweynihii 1-aad taariikhda Puntland ee dib loo doorto. Doorashada ayaa markii shanaad ku dhacday waqtigeeda, iyada oo meesha ka saartay cabsida laga qabay in ay waqtigeeda dhaafto. Siciid Deni ayaa helay 45 cod , halka Guuleed oo ahaa musharraxii wareegga 3-aad ula gudbay uu helay 21 cod.

Markii ay soo baxeen liiska xildhibaanada, musharraxiintu waa ay diiddeen in ay aqbalaan , iyaga oo sheegay in habraacii xulista laga leexday, balse ugu danbayn waa ay aqbaleen , iyaga oo u arkay in ay xildhibaanada xodxodan karaan.
Marka laga tago in inta badan xildhibaanada uu Siciid gacantiisa ku qortay, waxaa jira arrimo kale oo sabab u ahaa in dib mar kale loo soo doorto:
Oggolaanshaha Doorashada Waqti Dambe
Siciid wuuxu mudddo ku adkaysanayay in uu qabanayo doorasho qof iyo cod ah (1q1c), balse Mucaaradka ayaa aad uga biyo diidday, waxaana jirtay cabsi xoogleh in ay dagaalo caasimadda ka dhacaan . Ugu danbayn, xilli aan la filayn 6 Desember in uu Siciid aqbalayo doorasho aan qof iyo cod ahayn ayuu sheegay in “rabitaanka shacabaka” siyaasiyiin diiddeen, uuna u tanaasulay danta guuud, dadkuna soo doortaan qofka ay rabaan. Musharraxiinta kale ma helin waqti ay isku abaabulaan oo ay olole macno leh ku sameeyaan, taas oo fursad u siisay Siciid in uu noqdo qofka kaliya ee doorashada u diyaarsanaa.
Hirgalinta Qof iyo Cod
Tani iyo markii uu ku soo guuldaraystay doorashada Madaxtinimo ee Federalka Soomaaliya , Deni wuxuu qaaday wado cusub oo ah in dareenka shacabka laga ganacsado (Populism) , siyaasiyiintana lala diriro. Si qorshahaas ugu hirgalo, wuxuu meesha ka saaray kooxdii Aaran Jaan ee kursiga kula fadhiday, wuxuuna qabtay doorashada golayaasha deegaanka oo qof iyo cod lagu soo doortay.
Doorashadaas Siciid wuxuu ku kasbaday taageerada shacabaka oo muddo u hamuun qabay in ay codkooda dhiibtaan. Siciid dadka uu qaabilo muddooyinkii dambe waxay ahaayeen da’ yarta caanka ka aha Baraha Bulshada, wuuxuna isu muujiyay in uu yahay madexweynaha shacabka. Taas oo u suuragalisay in uu isaga yareeyo culayska siyaasiyiinta , isaga oo shacabka dhabarka saaraya.
Hirgalinta hannaanka qof iyo cod markii ugu horraysay Puntland ayaa Xildhibaanadu u arkeen in uu Siciid mudan yahay in ay dib u doortaan , si uu halkaas uga sii wado.
Xiriirkiisa Federaalka
Isaga oo ol’olaha Xisbiga Kaah kaga jira magaalada Galkayo, ayaa waxaa dhaliilo u soo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamse, waxayna ku baaqeen in hannaanka qof iyo cod la joojiyo, si looga baaqsado dagaal. Hadalka Xasan iyo Xamse ayaa fursad dahabi ah u ahaa Deni oo taageeradiisu shacabaka aad u hooseesay, wuxuuna ku kasbaday taagero xoog leh oo shacab, gaar ahaan Gobalka Mudug oo wax ka tirsanayay muddo xileedkii koowaad ee Xasan Sheikh.
Ol’olaha doorashada waxay madaxtooyada Puntland u dhigtay mid u dheexeeya isaga iyo musharraxiin uu Xasan taageerayo. Deni ayaa si weyn u gaday in uu yahay qofka kaliya ee damaca Xasan Sheekh hor istaagi kara, adkayn karana nidaamka federaalka, oo uu sheegay in uu Xasan Sheekh rabo in uu burburiyo.
Xoraynta Gobolka Sool
Deni waxa kale oo caawiyay in dawladdiisu qayb weyn ka qaadatay xoraynta Gobalka Sool oo 2007 Puntland laga qabsaday. Taas oo uu ku kasbaday xildhibaanada SSC Khatumo, In kasta maamulka iyo odayaasha dhaqanku ay diiddeen in Puntland xildhibaano u dirsadaaan, kadib cadaadis kaga yimid bulshada.
Jabinta Taraha
Siciid qabashada qof iyo cod waxaa aad ugu horyimid kooxda Aaran Jaan oo saamayn weyn kuleh Gobalka Nugaal, iyaga oo ku doodday in doorashadu ay tarahooda meesha ka saarayso. Waxay ku guulaysteen in ay qori ku hor istaagaan in doorashada Golaha Deegaanka laga qabto degmooyinka beeshoodu degto. Shacabka Gobolada kale ayaa arrintaas u arkay in ay is hortaageen himilo ay bulshada Puntland muddo dheer lahaayeen.
Siciid ayaa dacaayd xoog badan ku furay Aaran Jaan iyo deegaanka ay matalaan, taas oo sababtay in ay abuurantano diimo xooggan oo lagu diidan yahay taraha Ciise Maxamuud, gaar ahaan Gobolada Bari, Sanaag iyo Mudug, waana mid ka mid ah sababaha dib loogu doortay.
Mucaaradka oo aan hayn aragti tiisa u babac dhigi karta
Mucaaradka Deni kuma guulaysan in ay abuuraan qorshe u dhiganta iyo higsi u dhigmi ka Deni oo lagu kasbanayo bulshada. Sidoo kale, Musharraxiintu kuma guulaysan in soo bandhigaan khaladaadkii, fursadihii lumay iyo dib u dhicii ku yimid Puntland muddo xilleedkii Siciid.
Siciid waxa kale oo uu abuuray marka la eego musharixiinta tartamaysay, in uusan jiran qof isaga dhaama, Taas oo shacabka inta badan ka gadmatay, sababa na u noqotay in dib loogu doorto.
Cabdiraxamaan Cabdirisaaq Ciise
Email: Cadced99@gmail.com
Leave a Reply