Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi farmaaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xog-hayaha arrimha debadda dowladda Britain Boris Jonhson oo maanta booqasho gaaban ku soo gaaraay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Debadda Dowladda Britain ayaa ka wada hadlay arrimaha ay ka mid yihiin xoojinta xirriirka dowladaha Soomaaliya iyo Britain, abaaraha, amniga , maalgashiga Soomaaliya iyo sidii dowladda Britain u ballaarin lahayd tagaeerada ay ku bixiso Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Debadda Britain, Mudane Boris Jonhson ayaa sheegay in dowladda Britain ay bixin doonto 110 Million Pound oo ay uga qeyb qaadaneyso abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulllaahi farmaajo ayaa uga mahadceliyey dowladda Britain tageerada ay ku bixiso Soomaaliya islamarkaana ku baaqay in laga dhabeeyo ballan qaadyada.
Ugu Dambeyntii, Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Debadda Britain ee maanta booqsha ku yimid dalka ayaa ka wada hadlay Ajendayaasha shirka dhaqaalaha loogu aruurinayo Soomaaliya ee 11-ka bish May ee sannadkaan ka dhaci doona London.
Dhammaan
Shador Haji Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadoor150@gmail.com
Leave a Reply