Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynihii iyo Raysal Wasaarihii oo safar u baxay wakhti ay xaaladda Soomaaliya aad u cakiran tahay!

Muqdisho (WDN)- Waxa ka jira magaalada Muqdisho walaac amni iyo siyaasaddeed, ka gadaal markii si xayiraad siyaasadeysan lagula kacay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Md. Shariif Sh. Axmed iyo Xasan Sheekh, safar ay ku tageen magaalada Beledweyn si ay uga qeyb qataan taakulenta dadka  wax yeeladu ka soo gaadhay fatahaada webi Shabeelle.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed iyo Xasan Sheekh, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdhso kadib socdaalkoodii ay ku tageen magaalada Beledweyn, ayaa sheegay in la siyaasdeedeyay safarkooda.

Md. Sheekh Shariif oo ka hadlayay dhacdadii lagula kacay ayaa yidhi “Walaahi suma Walaahi, Walaahi suma Walaahi, Walaahi suma Walaahi hadeysan joojin waan bixineynaa”.  Hadalkaasi oo uu ula jeeday hoggaanka Dowladda Soomaaliya.

Md. Xasan Sheekh oo isna goobta ka hadley ayaa sheegay in madaxda dalku ay ku sifoobeen been iyo iskadabawareeg, iyo taleefano ay ku baadi goobayaa habel halkuu tegey iyo maxaa laga sheegay, islamarkaana aanay waxba ka jirn, oo ay runta ka fogeyd waxa sababta ay uga dhigeen xanibaadda safarkooda, oo ahaa in garoonka diyaaradaha ee Beledweyn ay biyo fadhiyaan oo aanay diyaaradi ka degi karim.

“Markii aan tagnay iska daa’ in ay biyo fadhiyaan waad yaabeysaa marka ay diyaaraduhu duulayaan boorka ka kacaya Garoonka, waaba laga gabagabeysan karaa.”

Farmaajo, Fahad iyo Kheyre

Arimahan ayaa dhaliyay culeys cusub ama khalkhal siyaasadeed oo hor leh, iyada oo  uu sii xooggeysanayay dhawaanahan cadaaddiska iyo cabudhinta ay dowladdu la beegsato mucaaradka.

Waxa kale oo xusid muddan in dhawaan ay magaalada Muqdisho hadheeyeen dibad-baxyo ay abaabuleen qeybaha kala gedisan ee shacabku, kuwaasi oo lagaga soo horjeeday xidhitaanka jidadka iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Xidhitaaanka wadooyinka halbowlaha u ah ganacsiga iyo isku socodka dadka, ayaa la sheegay in aysan waxba ka bedelin xaaladda amniga iyo qaraxyada ka dhaca magaalada.

Haddaba iyada oo culeys amni darro, walaac iyo khalkhal siyaassdeed uu hadda ka jiro Muqdisho, halkii hoggaanka dalku ay la iman lahaayeen qorshe iyo waxqabad arimahasi lagu dejiyo, inta ayan faraha ka bixn, oo waan-waan iyo xal loo raadin lahaa, ayaa ay ka door-bideen Madaxweynhii iyo Raysal Wasaarihiiba in ay safar laba maalmood oo is xiga u jiheysteen.

Dhacdooyinkan iyo hab-dhaqanka hoggaanka dalka, ayaa ku tuseysa in aysan jirin wax qorshe ah oo ku saabsan sidii wadanka nabadgelyadiisa iyo xasiloonidiisa loo dhowri lahaa, oo loo ilaalin lahaa.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.