
Goday, Shirweyne xubnaha JWXO uga socday magaalada Goday dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa ergooyinka ka qaybgalayaa ay xilka guddoomiyanimada ururkaas u doorteen Md. Cabdiraxmaan Sh. Mahdi (Maaday) oo isagu hore u ahaa xoghayaha Guud ee ururkaas.
Md. Cabdiraxmaan Sh Mahdi ayaa waxa xilka kula loolamay Md. Axmed Yaasiin Sh. Ibraahim oo markii laga guulaystay u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub.

Ururka ONLF oo halgan hubaysan oo uu kaga xoreynayo shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato ku jiray tan iyo shagaashaneeyadii ayaa dhawaan heshiis nabadeed la saxiixday dawladda Itoobiya ka dib markii uu xukunka la wareeyay Ra’iisalwasaare Abiy Axmed.
Ururka ayaa hadda waxa isu diyaarinaysaa sidii uu ugu xuubsiiban lahaa xisbi siyaasi ah, ugana qaybgeli lahaa doorashada la filayo in ay dalka Itoobiya ka dhacdo badhtamaha sannadka innagu soo fool leh ee 2020 ka.
Md. Maaday ayaa waxa uu bedeli doonaa Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo isagu muddo dheer hoggaaminayay ururkaas.
WardheerNews