Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatey wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay hogaaminayso ergeyga Midowga Yurub uqaabilsan Soomaaliya marwo Annette Weber iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya marwo Tiina Intelmann, isagoo kala hadley taageerada midowga yurub ee Soomaaliya iyo sidii sare loogu qaad lahaa.

Kulankan ayey masuuliyiintu diiradda ku saareen iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh wafdiga faahfaahino ka siiyey qorshayaalkiisa ku aadan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, maadaama Midowga Yurub kaalin mug ah ku leeyahay taageeridda dawladda Soomaaliya.
Wafdiga Midowga Yurub ayaa dawladda Soomaaliya u balanqaadey sare uqaadista taageerada dhaqaale iyo barnaamijyada horumarinta ay ku bixiyaan, waxayna ku ammaaneed dawladda Soomaaliya wada shaqaynta wacan ee ay u muujisey.
Madaxweynaha dawladda Soomaaliya ayaa wada kulamo joogto ah oo uu la qaadanayo saaxiibada Soomaaliya isagoo ku dadaalaya sare uqaadista iskaashigii kala dhaxeeyey Soomaaliya.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply