Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatey wafdi Midowga Yurub ka socda

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatey wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay hogaaminayso ergeyga Midowga Yurub uqaabilsan Soomaaliya marwo Annette Weber iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya marwo Tiina Intelmann, isagoo kala hadley taageerada midowga yurub ee Soomaaliya iyo sidii sare loogu qaad lahaa.

Kulankan ayey masuuliyiintu diiradda ku saareen iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh wafdiga faahfaahino ka siiyey qorshayaalkiisa ku aadan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, maadaama Midowga Yurub kaalin mug ah ku leeyahay taageeridda dawladda Soomaaliya.

Wafdiga Midowga Yurub ayaa dawladda Soomaaliya u balanqaadey sare uqaadista taageerada dhaqaale iyo  barnaamijyada horumarinta ay ku bixiyaan, waxayna ku ammaaneed dawladda Soomaaliya wada shaqaynta wacan ee ay u muujisey.

Madaxweynaha dawladda Soomaaliya ayaa wada kulamo joogto ah oo uu la qaadanayo saaxiibada Soomaaliya isagoo ku dadaalaya sare uqaadista iskaashigii kala dhaxeeyey Soomaaliya.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.