Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Isku day la doonayey in lagu dilo madaxweynihii hore ee Mareykanka Goerge Bush 

Muqdisho (WDN)- Xubin ka tirsan FPI-da Mareykanka oo iska dhigayey inuu yahay qof ka shaqeeya hawlaha Tahriibka, ayaa fashiliyey qorshe la doonayey in lagu khaarijiyo madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush kaasi oo uu maleegayey nin ciraaqi ah oo magaciisa la yiraahdo Shihaab Axmed oo 52 jir.

Shihaab ayaa doonayey in dalka Mareykanka si sharci daro ah kusoo geliyo xubno hore oo sirdoonka dalka Ciraaq ka tirsanaa iyo xubno Daacish ah si ay u geystaan falka lagu khaarijinayo George Bush.

Ninkaan Ciraaqi ah ayaa sheegtay inuu yahay xubin ka tirsan koox jihaadi ah oo uu tilmaamey in fadhigeedu yahay dalka Qatar lana yiraahdo RACAD, waxaana laanta dambi baarista mareykanka FPI iminka baaritaano ku haya ninkaan.

Muwaadinkaan Mareykanka ah ee asal ahaan dalka Ciraaq kasoo jeeda ayaa sawiro ka qaadey guriga uu ku noolyahay madaxweynihii hore ee Mareykanka,waxaana ninkani uu wajihi doonaa 10 sano oo xarig ah oo ku aadan eedda ah inuu doonayey si sharci daro ah in Mareykanka dad kusoo geliyo iyo 20 sano oo xarig ah oo la xiriirta eedda ah inuu qorsheeyey qorshe lagu qaarijinaayo masuul sare oo Amerikaan ah.

Afhayeen u hadley madaxweynihii hore ee Mareykanka George W.Bush ayaa sheegay in ay  kalsooni ku qabaan laamaha amniga iyo cadaaladda in waajibaadkooda gudan doonaan.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.