Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey guushii ugu wayneyd ee ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka deegaanka Macawisleyda ka gaareen kooxda Alshabaab, kadib markii ay kala wareegeen saldhigii ugu waynaa ay ku lahaayeen maamulka HirShabeelle, kaasi oo degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay in guusha laga gaarey kooxdani ay cadeynayso in gabalkoodu dhacey oo ciribtirkoodu waqti badan qaadaneynin.
Madaxweynaha ayaa yiri “Kooxda Al-shabaab waa taariikh, waa tageen, maanta Aadan Yabaal oo ay dadka ku dhibaateyn jireen waxaa jooga ciidamada xoogga, taariikh na dhaaftay u arka, waa ka adkaanay, walina waa ku daba jirnaa”
Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed “Waxaa rabaa inaan u mahadceliyo madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo diyaar garow weyn ku jira, kaas oo ay iskaga xoreynayaan kooxda khawaarijta ah, waxaa toddobaadyada soo aaddan maqli doontaan war farxad leh oo ka yimaado labadaan maamul”.
Md. Xasan Shiikh ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyay in kooxda Alshabaab uu gabalkoodu dhacey waayahooduna uu soo dhammaaday, waxa uuna xusay in muhiim ay tahay in ay u diyaar garoobaan nolol Shabaab la’aan ah waxa uuna yiri “Qofkii uu shaki uga jiro in uu dhammaaday waayihii kooxda khawaarijta ah maanta ha ogaadaan, wuu soo dhammaaday mashruucii argagaxisada, waa inaan u diyaar garownaa hadda waxaan sameyn laheyn iyaga ka dib, sida horumarinta dalka, dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha dalka”.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtey in ay ka go’antahay ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab guulaha la gaareyna ay cadeyn u tahay. Dawladda ayaasidoo kale sheegtay in dhawaan deegaanada kooxdu ka joogto maamulada Jubbaland iyo koonfur Galbeed laga saari doono bulshadana laga dulqaadi doono dhibaatadooda.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho