Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday deegaanka Nuur Daqle oo dhawaan Alshabaab laga xoreeyey

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaarey Nuur-dugle oo ka tirsan deegaanada hoostaga maamulka Hirshabeelle, isagoo halkaasi ku kormeerey ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku guuleystay in Alshabaab deegaankaasi ka saaraan.

Madaxweyne Xasan ayaa hadal kooban u jeediyey bulshada ku dhaqan Nuur-dugle.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday deegaanka Nuur Daqle oo dhawaan Alshabaab laga xoreeyey

Madaxweynaha ayaa ciidamada xoogga dalka iyo shacabka ku nool Hirshabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, waxa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan halgankooda ka dhanka ah argagixisada

Md. Xasan Sheekh ayaa warbixin ku saabsan xaaladda deegaankaasi ka dhagaystey saraakiisha gacanta ku haysa deegaanka Nuur-dugle, isagoo tilmaamay in aan la aqbali karin in wiil ama gabar Soomaaliyeed aan ku weyno dagaal aan ahayn midka lagula jiro Alshabaab, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan walaalnimada iyo wadajirka isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan cadowga ummadda.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayo deegaanada laga xoreeyey maleeshiyaadka Alshabaab, ayaa ah mid lagu dardargelinayo hawlgalka ka dhanka kooxdaasi.

Madaxweyne Xasan oo dhawaanahan ku jiray booqsshooyin uu ku tagayo deeganada laga xoreeyay Al Shabaab, ayaa horey u booqday degmooyinka Maxaas ee gobolka Hiiraan iyo sidoo kale Wabxo ee gobolka Galgaduud. Md Xasan ayaa xusey in dawladda Soomaaliya ay ka go’antahay in Alshabaab guud ahaan dalka laga sifeeyo, laguna fuliyo cadaaladda saraakiishooda oo uu ku tilmaamay manaxayaal xasuuq ba.an kula kacey shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Cumar

WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.