Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho Baydhabo ku tagey

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisii ugu horeeyey maanta ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkaasi oo illaa shalay ay ka socotey qabanqaabada soo dhawayntiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho Baydhabo ku tagey

Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Md. Cabdicasiis laftagareen iyo masuuliyiin uu hogaaminaayo iyo agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sh. Maxamed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh kusoo dhaweeyey magaalada Baydhabo.

Socdaalka madaxeynaha Soomaaliya ee Baydhabo ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku bixinayo maamul goboleedyada dalka, kaasi oo loogu magacdarey Tareenka Nabadda ujeedadiisuna tahay xasilooni kusoo dabaalida dalka, dib uheshiisiinta iyo xaaladda abaaraha dalka.

Waxaa sidoo kale ujeedada socdaalka madaxweynaha qeyb ka ah la tashiyo ku aadan magacaabista Ra’iisal Wasaaraha oo dhawaan la filayo in lagu dhawaaqo.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.