Muqdisho (WDN)- Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula, oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay mid xanuun badan abaarta ka jirta Soomaaliya gaar ahaan deeganada maamulka koonfur galbeed oo uu maanta soo indho indheeyey.
Adam Abdelmoula booqashadiisa magaalada Baydhabo ka dib oo tilmaamay dhibaatada abaaruhu ku hayaan Soomaaliya waxa u yiri ” afar xilli roob la’aan oo xiriir ah Soomaaliya waxay hadda halis ugu jirtaa in ay gasho xilli roobaadkii shanaad oo roob la’aan ah, kaas oo ah mid aan horay loo arag, keentayna khatarta macaluul ay malaayiin Soomaaliyeed ay wajihi karaan. Tan lama ogolaan karo in ay dhacdo. Wax badan ayaa loo baahan yahay in la sameeyo si loo caawiyo dadkaa hadda,”
Malaayiin Soomaali ah ayaa qarka u saaran in ay macluul u le’daan haddii aan lala gaarin gurmad deg ah. Dawladda Soomaaliya ayaa dhankeeda wadda dadaalo aad u xoogan oo ku aadan badbaadinta dadka abaaruhu waxyeeleeyeen.
Dhawaan ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha iyo gargaarka bini aadminimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ku dhawaaqay in 6.1 milyan ya halis ku sugan yihiin, islmarkaana dalka ay ka jirto xaalad bini aadmino oo aad halis ah muhiimna ay tahay in si degdeg ah wax looga qabto.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
