Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo wasiir Bayle oo kulan fogaan-arag ah la qaatey mas’uuliyiin hay’adda IMF ka socda

Muqdisho, Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortey mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda maaliyadda C/raxmaan Beyle, ayaa kulan fogaan-arag (zoom) ah la qaatey mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda lacagta adduunka xilli maanta oo taariikhdu tahay 17 May ay ku beegantahay waqtigii hay’adda IMF  hore u sheegtey in ay joojinayso wada-shaqayntii ay la lahayd hay’adaha dawladda Federaalka haddii doorashada madaxweynaha waqtigeeda dib uga dhacdo.

Kulankan ayaa diiradda lagu saarey qorshaha  dibuqaabaynta dhaqaalaha Soomaaliya maadaama  IMF qeyb weyn ka qaadato kabka dhaqaalaha hay adaha dawladda iyo mashaariicda kala duwan ee dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballanqaadey in dawladdiisu wadashaqayn fiican la yeelan doonto IMF isla markaana diyaar u yihiin la dagaalanka musuqa iyo ka shaqaynta mashruuca deyn cafinta Soomaaliya, isagoo faahfaahin ka bixiyey siyaasadda dhaqaale ee dawladiisa hiigsan doonto.

Tan iyo markii la doortey madaxweynaha cusub waxaa uu kulamo kala duwan la qaatey madaxweynaha xilka wareejinaya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiin kale, waxa uuna wadaa dadaalo ku aadan soo bandhigidda siyaasadiisa maamul ee 4ta sano ee soo socota ayadoo maalmaha inagu soo aadan si rasmi ah xilka uu ila wareegi doono.

Maxamed Cumar Adan

WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.