Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

Labada Madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed.

Mudane Isaias Afwerki oo Muqdisho booqsho ku soo gaadhay

Sidoo kale, kumannaan shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.
Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Booqashadan ayaa salka ku haysa abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Ereteriya, iyo dardargelinta qorsheyaasha wadajirka ah ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Soodhaweynta Wafdiga Madaxweynaha dalka Ereteriya waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.