
Jigjiga (WDN), Wararka aan ka helayno magaalada Jigjiga ee caasimadda deegaanka Soomaalida, ayaa sheegaya in toddobaadyadii ugu dambeeyay uu maamulka Oromiya ka wadday dooxada Marar oo ka tirsan degmada Tulli Guuleed ee gobolka Faafan, dhaqdhaqaaq mashruuc qodis biyo-xidheen ay ka samaysanayaan halkaas.
Mashruuca qodista biyo-xidheenkan, ayaa sida aanu wararka ku helayno aanay habayaraatee wax lug ah ku lahayn deegaanka Soomaalidu, islamarkaana aan waxba lagala socodsiin shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan goobta biyo-xidheenka Oromadu ka qodanayso.
Qodista biyo-xidheenka oo hore loo hakiyay ka dib markii shacabka halkaasi deggani ka dhiidhiyeen, ayaa la sheegayaa in mar kale maanta ay hawshiisii dib u billaabeen maamulka Oromiya iyadoo sida aan warka ku helayno uu goobtaas booqday guddoomiyaha degmada Jinacsani ee deegaanka Oromiya.
Mashruucan ayaa la sheegayaa haddii sida ay Oromadu rabto uu u hirgalo uu sababi doona in shacab ka tirsan deegaanka Oromada la soo dejiyo dhulkaas Soomaaliyeed, sidaana ay ku hantiyaan. Arrintan ayaa ah qaab dhul-ballaadhsi oo xeeladaysan.
Falkan uu deegaanka Oromadu ka wado dooxada Marar, ayaa laga cabsi qabaa in ay dib u soo cusboonaysiiso colaaddii u dhexeysay shacabka labada degmo ee Tulli Giuuleed iyo Jinacsani oo in dhawayto laga yara nastay.

Badhtamihii sannadkii dhammaaday ee 2021kii uun bay ahayd markii mas’uuliyiin ka socday deegaanka Oromadu ay yimaadeen qabaleeyo ka tirsan degmada Tulli Guuleed, ayna ka taageen calankooda, iyagoo sheegaya in halkaasi ay ka fulin doonaan mashariic dhinaca waraabka ah.
Waxaa la yaab leh in madaxweyne Mustafe Cagjar iyo adeegayaashiisu ay iska indhotiraan xadgudubyadan ay Oromadu ka waddo deegaanka Soomaalida oo aanay habayaraatee wax xil ah iska saarin ilaalinta dhulka deegaanka Soomaalida ee ay mas’uulka ka yihiin.
Waxaa sidoo kale damiir xumo ah in madaxweyne Cagjar oo ku goodinayay in uu ciidamo Soomaaliyeed u diri doono si ay uga difaacaan magaalada Addis Ababa xoogaggii TPLF, aanu difaaci karin dhulka Soomaaliyeed oo ku yaalla duleedka caasimadda Jigjiga oo la rabo in la dhaxal wareejiyo.
Madaxweyne Cagjar oo ah shakhsi aan isku kalsoonayn, kuna caan baxay kaboqaadnimada qawmiyadda Oromada ayaan aalaaba wax tallaabo ah laga fili karin si kasta oo ay Oromadu ugu soo xadgudubto dhulka Soomaaliyeed, isagoo ilaashanaya kursiga magac-u-yaalka ah ee Abiy Axmed ku fadhiisiyay.
WardheerNews, Jigjiga
Leave a Reply