Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Mas’uuliyiin Ka Socday Maamulka Oromiya oo Calankooda Ka Taagay Meelo Ka Mid ah Degmada Tulli Guuleed

Golmaayo

Jigjiga, (WDN) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee caasimadda DDS, ayaa sheegaya in maalintii darraad ay mas’uuliyiin ka socday maamulka Oromiya soo gaadheen tuulooyinka Golmaayo iyo Derbiga oo ka tirsan degmada Tulli Guuleed ee Deegaanka Soomaalida.

Mas’uuliyiintan oo uu hoggaaminayay wasiirka beeraha ee deegaanka Oromiya Daba Dabele, ayaa calanka Oromiya ka taagay tuulooyinkaas iyagoo isla markaana dhagaxdhigay wax lagu sheegay mashaariic dhanka beeraha ah.

Haddaba booqashada mas’uuliyiinta Oromiya ayaa imanaysa xilli ay sii xoogaysteen weerrara ay ciidamada iyo maleeshiyooyinka Oromada ee degmada jinacsani ku hayso, shicibka beeraleyda ah ee degmada Tulli Guuleed ay sii xoogaysteen muddooyinkii ugu dambeeyay.

Dagaaladadaas ayaa sababay in shacabka Soomaaliyeed laga soo barakiciyo dhulkooda iyadoo ugu dambeyntiina hadda laga taagay calanka Oromiya.

Ma ahan markii ugu horreysay ee ay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Oromiya yimaadaan deegaamada ka tirsan degmada Tulli Guuleed iyadoo hore uu u yimid tuulada Golmaayo wasiirka waraabka beeraha ee Oromiya Shifrow Jaarso oo xilligaas sheegay in ay ka fulinayaan mashruuc biyo-xidheen ah.

Afti ku sheegtii sannadkii 2004 Itoobiya ka dhacday, ayaa sababtay in qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay magaalada Jinacsani loo gacangeliyo deegaanka Oromada inkastoo dhinac walba ay kaga hareeraysanyihii qabaleeyo ka tirsan deegaanka Soomaalida.

Haddaba maamulka Oromiya oo sii wada damaciisa dhulbalaadhsiga, ayaa hadda markale la wareegay dhulka Soomaaliyeed ee ku hareeraysan magaalada jinacsani ka dib markii ay ka barakiciyeen shacabkii Soomaaliyeed si ay go’doonka uga saaraan Jinacsani.

Dhanka kale ilaa hada ma jirto wax wara oo kasoo baxay dhinaca Dawlad Deegaanka Soomaalida oo la xidhiidha falalkan dhul-ballaadhsiga ah ee ay mas’uuliyiinta Oramadu ka wadaan deegaanka Soomaalida siiba degmada Tulli Guuleed.

Kusime Cagjar

Saddexdii sano ee Kusime Cagjar iyo adeegayaashiisu ka talinayeen Deegaanka Soomaalida, ayaa waxay ku caan baxeen in aanay habayaraatee wax xil ah iska saarin difaaca iyo ilaalinta dhulka iyo dadka Soomaaliyeed siiba degmada Tulli Guuleed, taasoo u muuqata in ay heshiis kula yihiin Oramada sidii ay ula wareegi lahayd dhulkaas.

Waxaa sidoo kale damiir xumo ah in ay difaacaan dadkaas iyo dhulkaas Soomaaliyeed iska daaye in ayba u gacan qabtaan Oromada, iyagoo cadaadis iyo hub ka ururin joogta ah ku haya shacabka degamada Tulli Guuleed, halka aanay habayraatee wax tallaabo ah ka qaadi karin maleeshiyooyinka ka soo duulaya dhinaca Oromiya.

Kusime Cagjar iyo adeegayaashiisa ayaa la ka arkayay dhawaanahan iyagoo u barooranaya islamarkaana gurmad naf iyo maalba leh u fidinya deegaanka Axmaarada halka ay indhaha ka qarsadaan shacabka Soomaaliyeed ee Galbeedka Siti iyo Tulli Guuleed sida joogtada ah loogu xasuuqayo marwalba.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.