Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Madaxweyne Cagjar iyo Ciidankiisa Baraha Bulshada

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Guud ahaanba caalamka, waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya ahmiyadda iyo saamaynta ay baraha bulshadu (social media) ku yeelanayaan dadyawga adduunka. Baraha bulshadu waxay xilligan door weyn ka cayaaraan nolosha dadka, waxaanay noqdeen shay daruuri ah oo ay badankoodu qabatimeen.

Baraha bulshadu waa meelaha ugu badan ee ay dadku warka iyo wacaasha ka helaan, islamarkaana xogaha isku weydaarsadaan saaxiibbada iyo qaraabadu. Waxaan sidoo kale ka madhnayn saamyn xoogganna leh u adeegsiga baraha bulshada dhinaca siyaasadda, ganacsiga, waxbarashada iwm.

Haddaba Soomaalida oo sideedaba ah dad war ku nool ah, waxaa muuqata in ay si aad ah ula falgaleen baraha bulshada, saamayn weynna ay ku yeelatay dhaqankooda iyo akhlaaqdooda intaba.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan jeclahay in aan qormadan kooban ku soo qaato u adeegsiga dhanka dacaayadaha iyo iskudayga cabbudhinta aragtiyaha dadka ka biyo-diida qaabka ay wax u wadaan maamullada Soomaalida, anigoo si gaara diiradda u saari doona dawlad deegaanka Soomaalida.

Maadaama ay baraha bulshadu siiba Facebook yahay madal ay dadku aragtiyahooda si maqal/muuqaal iyo qoraalba ah ugu gudbin karaan, kuna gaadhsiin karaan  kumanaan qof, waxaan shaki  lahayn in ay yihiin qalab saamayntiisa leh oo aan la dhayalsan karin.

Haddaba qofkii u badheedha in uu xil qaran ummad u qabato, waa in uu diyaar u ahaadaa in la dhaliilo, iyadoo shacabkuna fiirinayaan tallaabo kasta oo uu qaaddo, rabaanna in ay ogaadaan ujeeddada uu ka leeyahay. Dhaliishu waxay keentaa isla xisaabtan iyo daahfurnaan marka hoggaanku yahay mid isku kalsoon, shacabkana ugu adeegaya si sharci ah oo caddaalad iyo daacadnimo ku salaysan.

Haddaba Baraha Bulshadu waa madal  dawladaha iyo maamullada xasaasiyadda ka qaba dhaliilaha iyo saluugga laga muujiyo habdhaqankoodu  adagtahay in ay u xakameeyaan sidii ay hore uga yeeli jireen amaba iminkaba ka yeelaan warbaahinta caadiga ah sida wargeysyada, Telefishinnada iyo idaacadaha. Markaa sida ugu fudud ee ay uga hortegi karaan dhaliilaha iyo waxyaabaha aanay jeclayn ee lagu faafiyo baraha bulshadu waa iyagoo hawgaliya ciidan ammaanta ku miisa maamulka, islamarkaana dacaayado iyo aragtiyo lid ku ah waxyaabaha laga fidinayo ku soo bandhiga Baraha Bulshada.

Ciidankan oo iminka Soomaalida dhexdeeda caan ka ah, loona yaqaan Cayayaanka baraha bulshada (CBB), shaqadoodu ma aha keliya arrinta aan kor ku xusnay ee waxaa dheer in ay xagxagtaan cay, magac bi’is iyo fadeexado been-abuur ahna ka faafiyaan cid kasta oo ay u arkaan in ay khatar ku tahay sumcadda iyo sii jiritaanka maamulka. Tabahan oo si aad ah loogu xasuusto rajiimkii Ina Ilay, ayaa hadda ah kuwo laga adeegsado meelo badan oo uu ka mid yahay deegaanka Soomaalida ee uu horjoogaha ka yahay MW Mustafe Cagjar.

Mustafe Cagjar intii aan xukunka loo dhiibin ka dib isbeddelkii ka dhacay dalka Itoobiya iyo iminkaba waxa uu ka mid yahay dadka sida weyn u adeegsada baraha bulshada isagoo si aad ahna dhaliilo ugu soo jeedin jiray maamulkii uu talada ka dhaxlay ee Ina Ilay

Inkastoo si aad ah loogu hanweynaa Mustaf Cagjar markii xukunka loo dhiibay, shacabkuna si niyadsami ah u soo dhaweeyeen haddana saddex sano ka dib waxaa muuqata in uu lumiyay inta badan kalsoonidii ay shacabka deegaanku ku qabeen hoggaamintiisa.

Waxay hadda taageeradiisu ku soo ururtay qaab beelaysan iyo shakhsiyaadka u adeega maamulkiisa. Waxaan shaki lahayn in maanta uu madaxweyne Cagjar deegaanka Soomaalida uu kaga macag iyo maamuus badan yahay midka Amxaarada oo uu intuu xilka hayay iska gadayay. Xataa Amxaarada qurbaha ku nool haddii aad kulantaan waxa ugu horreeya ee ay kugu salaamayaan waa ammaanta Cagjar. La yaab ma leh in hadda shacabku u bixiyeen naanaysta Mesfin Cagjar.

Waxaan filayaa mas’uul Soomaali ah oo Amxaar xagjir ahi ammaanayaa in ay ka tarjumayso nin qadiyaddiisii gatay, kana tanaasulay oo wax aan macno lahayn ku doorsaday.

Haddaba maadaama ay xilligan sumcadda Cagjar dhulka gashay, shacabkuna si joogto ah ugu soo jeediyaan dhaliilo iyo tabashooyin tiro badan, halkii uu ka garaabi lahaa waxna ka qaban lahaa basarxumada maamulkiisa, waxa uu ka doorbidaa sida lagu yaqaan hoggaamiyayaasha fashilma isdifaac, faan, cabbudhin iyo adeegsiga damiir laawayaal uu ka dhex hadlo oo baraha bulshada ka yooyootama.

Ciidanka Baraha Bulshada ka difaaca Cagjar oo isugu jira kuwa Ilaah u sakhiray oo ay iyaga qaadday xamaasad reernimo, xukunkana u arka mid ay beeshoodu iska leedahay, oo ay waajib tahay in ay gar iyo gardarraba ku taageeraan iyo kuwo u guulwadeeya oo aan iyagu damiir iyo hadaf midna lahayn, haseyeeshee ku qadhaabta, waxoogaa yarna kolba loo tuuro , ayaa waayadan dambe dardar geliyay hawshooda.

Waxaa layaab leh in kooxdan guulwadayaasha ahi ay u badanyihiin isla shakhsiyaadkii uu adeegsan jiray Cabdi Ilay markanse shaati kale soo xidhay, taariikhdoodii horena is hilmaansiiyay.

Labadan kooxood waxaa weheliya shakhsiyaad maamulku ku naasnuujiyay qandaraasyo aan loo soo marin dariiqii sharciga ahaa oo iyagu gudaya abaalkii maamulka Cagjar u galay ee hantida xaaraanta ah lagu siiyay.

Iyadoo haddaba xilligan ay imbaraadooriyaddii Itoobiya burbur ku soo wajahanyahay, ayaa Madaxweyne Cagjar iyo ciidankiisa baraha bulshada waxaa ka muuqda argagax iyo anfariir joog iyo jiifba u diiday.

RW Abiy Axmed

Haddii RW Abiy Axmed ku amray dhammaan madaxda Itoobiya in ay qoriga qaataan oo aadaan aagga dagaalku ka socda, Mustafe Cagjar waxa muuqata in uu adeegayaashiisa ku amray in ay baraha bulshada ka hawlgaan sida laga dareemi karo dhaqdhaqaaqooda xilligan. Taasi oo ka dhigan in hadda maamulkii oo dhammi isu beddelay cayayaan baraha bulshada ka hawlgala.

Waxaa la yaab leh in ciidanka baraha bulshada ee Cagjar ay ka dhex muuqdaan rag siyaasiyiin hore ahaa iyo kuwo magac culumo wata oo u go’doomay ammaanta Abiy Axmed iyo adeegihiisa deegaanka Soomaalida.

Waxaa isna indhawaydba hawshii lagu yiqiin billaabay Telefishinka deegaanka Soomaalida (Qudhunwada 2) oo isla kuwii shalay uu u adeegsan jiray cayda iyo aflagaadada Ina Ilay, hadda Cagjar adeegsanayo.

Qof kasta oo dhaliila Cagjar iyo maamulkiisa islamarkaana aan la dhacsanayn dagaalka uu Abiy Axmed ku qaaday gobolka Tigray, waxay caado ka dhigteen in lagu shaabadeeyo in uu yahay TPLF.

TPLF waxay noqotay hadda hubka uu Cagjar ku dagaal galo iyo aalad ay isaga iyo cayayaankiisu ku wasakheeyaan qof kasta oo saluugsan qaabka uu wax u wado. Waxaa cad in TPLF ay Cagjar hadda ugu jirto meeshii ay Cabdi Ilay ugu jirtay ONLF ama waxii uu ugu yeedhi jiray UBBO iyo nabad-diid.

Waxaan shaki lahayn in shacabka Deegaanka Soomaalidu ay Cagjar, Abiy iyo TPLF intaba ka soo horjeedaan, mawqifkooda dagaalada waqooyiga Itoobiya ka socdaana yahay in cadawgoodu (Amxaaro iyo Tigray) isku jabaan.

Faan, manno sheegasho, cay iyo aflagaado midna xukun ay shacbku sanka ka qabsadeen laguma sii waarin karo, sidaadarteed waxaa habboon in Cagjar iyo adeegayaashiisu garwaaqsadaan xaaladda dhabta ah ee xilligan taagan oo aanay xaqiiqada iska indho tirin.

Deeaaganka Soomaalidu xilligan uma baahna qabyaalad iyo kala qaybin shacabka la dhex dhigo, waxayse u baahan yihiin talo iyo hadaf lagu midoobo, laguna wajaho xaaladda hubanti la’aanta ah ee hadda ka jirta Itoobiya.

Lama joogo xilligii la kala adkaan lahaa ee inta khilaafka meel la iska dhigo ha loo midoobo mustaqbalka iyo aayo ka tashiga shacabka Soomaaliyeed ee muddada dheer cadaadiska iyo gumaysiga Itoobiya ku hoos jiray.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.