Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo Gaadhay Magaalada Addiis Ababa

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu horkacayo, ayaa caawa ka degay gegida dayuuradaha ee magaalada Addis Ababa iyagoo la sheegay in ay booqasho hal maalin ah ku joogi doonaan waddanka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo waftigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka cadaaladda iyo garsoorka Md. Faarax Sh. Cabdulqaadir, wasiirka gaashaadhigga Md. Maxamed Sh. Xasan iyo wasiirka batroolka iyo macdanta Md. Daa’uud Maxamed Cumar, ayaa la filayaa in inta ay joogaan magaalada Addis ababa ay kulamo la yeeshaan ra’iisal wasaaaraha dalka Itoobiya Md. Xaylamariyam Desalegn iyo Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Senator  John Kerry oo isagu hadda booqanaya dalka Itoobiya.

xasan3Wadalahadallada uu madaxweyne Xasan la yeelan doono madaxda dalka Itoobiya iyo Senotor Kerry, ayaa la filayaa in ay u badnaan doonaan arriamah dhinaca ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxda xagjirka diineed lagu tilmaamo ee Alshabaab iyo guud ahaan taageerada ay dawladda Maraykanku siiso Soomaaliya siiba dhinaca dhaqaalaha iyadoo xilligan ay dhibaatooyin dhaqaale haystaan dawladda Soomaaliya oo awoodi kari weyday in ay mushaharrooyinkooda siiyaan shaqaaalha dawladda dhawrkii bilood ee aan soo dhaafnay.

xasan4Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay Md. Cabdifataax Sheekh Cabdillaahi oo ka mid ah wasiirrada Soomaaliyeed ee ka tirsan xukuumadda federaalka Itoobiya, wasiirka maaliyadda Soomaaliya Md. Xuseen Cabdi xalane iyo hawlwadeennada safaaradda Soomaalida ee Addis Ababa.

Dawladda Itoobiya, ayaa waxay ka mid atahay waddamada ciiddamadu ka joogaan dalka Soomaaliya iyadoo islamarkaana ahayd waddanka ugu saamaynta badan xaaladda cakiran ee Soomaaliya tan iyo intii ay jabhadihii hubaysnaa ee ay taageeri jirtay ay xukunka ka tuureen dawladdii kelitaliska ahayd ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre, kuna guuldarraysteen in ay dhisaan mid bedesha.

WardheerNews

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.