Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Macallin Cumar Abuukar: Xirfadle In Badan La Xusuusan Doono

W/Q Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)

Barqadii Jimcaha 29/05 ayaa Maxamed Siciid Eelaayoow, gool-hayihii Xidigaha Xaawa Taako, oo Baraawe jooga, ayaa madasha WhatsApp-ka ee saaxiibadu ku kulansanaayeen, dhawaanna uu sameeyay Cabdixakiin Ciise Geeddi Farayre, waxa uu soo dhigay tacsi: “Inaa Lilaahi wa Inaa ileyhi raajicuun, geeridu waa xaq, waxaa geeriyooday Macallin Cumar”. Cabdiqaadir Godeey ayaa ku celiyay, saaxiib Eelaayoow, qofka geeriyooday waa kuma? Dabadeedna farriin cod ah ayuu ku soo jawaabay, Macallin  Cumar, Falcao aabihiis, tababarihii Batroolka.

Kooxdii Booliiska ee uu Macallin Cumar ( safka taagan ee bidixgta qofka 2-xaad) u ciyaari jiray 1953-1966

Falcao waa Maxamed Cumar (Maxamed Yarow), oo garoomada kubadda cagta looga yaqaanay Falcao, iyadoo saaxibadiisii kubaddu ay ku samiyeen, ciyaartooygii xulka Qaranka Brazil, isla markaana kooxaha Sao Paulo iyo Roma uga ciyaari jiray khadka dhexe, Paolo Roberto Falcao. Maxamed Cumar dugsigii sare ayaannu isku fasal ahayn, waana xilligaas, xilliga uu ku biiray ciyaartooydii kooxdii Batroolka oo aabihii Macallin Cumar uu kamid ahaa tababarayaasha kooxda.

Ma xusuusan karo xilligii isugu kaaya dambaysay Maxamed Yarow, oo aanan kala war helin dhowr iyo soddon sanadood, haseyeeshee tacsidii Macallin Cumar ayaa sabab u noqotay inaan dib u wada xiriirno, ugana tacsiyeeyo geerida aabihii. Baadigoobka telefoonka Maxamed Yarow waxa uu xusuustayda dib ugu soo celiyay Macallin Cumar iyo kooxdii Batroolka.

Alle ha u naxariistee Macallin Cumar oo subaxnimadii Jimcaha 29/05 ku geeriyooday gurigiisa, oo ku  yaalla xaafadda Macmacaanka, agagaarka dhismaha Xaaji Gaaboow ee degmada Dharkeenley, waxa uu ahaa ciyaartooy iyo Macallin (tababbare)  kubadda cagta ah in ka badan 70 sanadood, ardaydiisii iyo dadkii ay isku xaafadda ahaayeenna waxa ay ku yaqaaneen inuu ahaa nin dabeecad macaan, dulqaad badan, kaftama, cibaado  badan, macallinimaduna ay u dheerayd waalidnimo.

Macallin Cumar waxa uu yaraantiisii u ciyaaray kooxdii degmada Xamarweyne, oo uu ku dhashay sanadkii 1926, kadibna waxa uu ku biiray kooxdii Booliska, isaga oo horraantii lixdameeyadii qarnigii tagayna kamid noqday ciyaartooydii xulka Qaranka, 1966 ayuu ciyaaraha ka fariistay, isaga oo u wareegay dhanka Macallinmada, waxa uuna macallin u noqday kooxihii degmooyinka Wardhiigleey, Xamarweyne, Waaberi iyo Wadajir, ugu dambeyntiina waxa uu kamid noqday macallimiintii wax ka aas-aastay kooxdii Batroolka 1973-1990, waxa uuna qeyb ka noqday soo saarista ciyaartooy badan oo aad uga muuqday ciyaarihii Horyaalka iyo Janaraal Daa’uud iyo ciyaartooydii u safatay xulka Qaranka. Mukhtaar Cuti, Suufi, Cabdalla Quuq, Iftin, Oscar, Deysane, Aweys Xaaji, Guudle, Nuur Itoobiyaan, Falcao, Dhiigga, Senigaal iyo kuwa kale oo faro badan ayaa kamid ahaa ardaydii Macallin Cumar.

Kooxdii Batroolka, marka laga soo tago labadii kooxood ee Horseed iyo Jeenyo, oo sida talantaaliga ah isugu weydaaran jiray qaadista koobabka Horyaalka iyo Janaraal Daa’uud, waxa ay kamid aheyd kooxo dhowr ah oo culays ku hayay labadaa kooxood, iyada oo marka ay la ciyaarayaan kooxda Batroolka culays badan kala klumi jiray, sababtuna waa ciyaartooyda kooxda oo ahaa farsamo-yaqaanno, ciyaar miisaaman oo wadaag ah ciyaari jiray.

Mid kamida ciyaarihii ugu macaanaa ugu cuslaa, uguna qaraaraa dhanka kooxdii Batroolka iyo dhankaygaba, xusuustaydana baaqiga ku sii ah, waa tii ay Batroolku la ciyaareen kooxdii Horseed, ciyaar kama dambays ah, oo kooxdii guleysta ay qaadayso koobka Janaraal Daa’uud, waxaan qiyaasayaa in sanadku ahaa 1983, waa habeennimo iyo Muqdisho Stadium, Batroolka ayaa ku hormaray gool, waxayna soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo ay goolkooda ku difaacayaan. Weeraryahannadii Horseed waa ku guulaysan waayeen inay deynta horay isaga gudaan, oo goolkii ayaa diiday – sida la yiraahdo- halka difaacoodii birta ahaa ee Shaash, Siciid Cayroow, Aweys Fuundi iyo Dujuuma ay xaglaha ka dhidideen. Nasiib-darro daqiiqadii ugu dambaysay oo kala bar maraysa, garsoorihiina uu siiriga afka suray, ayaa laad dadab kore ahaa, oo dhanka midig ka yimid, ayuu Nuur Shaarkeey oo Horseed dhexda iyo weerarkaba uga ciyaarayay, sidii uu qaalama-roganayo hawada galay oo asaga oo sii jeeda, labadiisa lugoodna is weydaaranayaan, kubaddii oo sidii gantaalkii u ganmaysa dhex dhigay goolkii kooxdii Batroolka, 89 daqiiqadood iyo dhowr sakan guushii ay difaacayeen ay mar qura barbar-dhac isu badashay.

Habeen kale ayaa ciyaartii dib la isugu soo laabtay, Horseed ayaana 1-0 ku qaadday koobkii. Dhowr sano kadib ayay Kooxdii Batroolku u suurogashay in ay ka guuleystaan kooxdii Madbacadda oo qaadaan koobkii Jenaaraal Daa’uud, halka fursad kale oo ay ku guuleysan lahaayeen koobkii Horyaalka ay ka luntay, kadib markii ay kooxdii Muqdisho oo ay ciyaartii kama dambaysta ahayd wada lahaayeen ay guushu raacday.

Macallin Cumar ( safka taagan qofka bidixda u xiga) iyo Kooxdii Batroolka ee uu Tababaraha u ahaa 1973-1990

Dhacdooyinka xusuusta mudan ee dhexmaray Macallin Cumar iyo ardaydiisii waxaa kamid ah: In xilli ku aadan 1985, oo aan filayo inuu yahay sanadkii ay kooxdu ku guuleysatay koobkii Janaraal Daa’uud, in maamulka kooxda laga wareejiyay Wakaaladdii Batroolka, iyadoo la hoos geeyay Iskaashatooyinka, arrinkaa oo uu ka dhashay is maandhaaf la xiriira cidda qaadaysa mas’uuliyadda maalgelinta iyo daryeelka kooxda. Wakaaladda Batroolku waxa ay ciyaartooyda u sheegtay in masuuliyadda kooxda lagu wareejiiyay Iskaashatooyinka, halka qolyahan dambana ay u sheegeen in ciyaartooydu weli ku xisaaban yihiin Wakaaladda Batroolka. Ciyaartooyda ayaa dhankooda go’aansaday in aanay ka qaybgelin tartanka, tan iyo inta laga caddaynayo halka xuquuqdoodu saaran tahay, muddo kadibna waxaa u yimid madaxdii Xiriirkii Kubadda Cagta oo u sheegay haddii ay tartanka ka baaqsadaan in xabsiga loo taxaabi doono, oo ay yihiin kacaan-diid!.

Macallin Cumar xiliyadii uu ciyaartoyga ahaa iyo markii uu tababarraha noqday

Ciyaartooydu xaafadahoodii ayay kala qabteen, haseyeeshee waxa ay ka war-heleen fiidnimadii, iyaga oo intoodii badanayd ku sheekaysanaya halkii ay ku fiidsan jireen, waa dukaankii cajaladaha lagu iibin jiray ee uu lahaa Oscar oo ku yaalay degmada Hawlwadaag, waxa ay ka war-heleen Macallin Cumar oo dul taagan. Wiilashaydii ayuu hadalkii ku bilaabay, waa ogtihiin, dowaladda amarkeeda haddii la diiddo waa xarig, aniga xariigiina waa i dhibaa, waalidkiinna oo kale ayaan ahay, waxaan idin ka codsanayaa in aad tartanka ka qeyb gashaan, mushkiladda na haysta xalkeedana aan raadino. Muddo yar kadibna ciyaartooydii waxa ay ku qanceen hadalkii Macallinka, sidii ayayna tartankii ugaga qeyb qaateen, koobkiina waa ay ku guuleysteen, mushkiladoodiina waa la xalliyay. Mukhtaar Cuti oo sheekadan nooga sheekeeyay aniga iyo Abshir Ciise (Saleebaan) waxa uu yiri Macallinku sida waalidkeen oo kale ayuu noo ahaa.

Dhanka kale, Macallin Cumar uma qarin jirin ardaydiisa dhaliilaha ay leeyihiin, mana ogolaan jirin in ciyaarta la musuqo, oo qof aan karti iyo xirfad lahayn la ciyaarsiiyo. Sagaashameeyadii dhexdooda  xilli uu tabobare ahaa ayaa nin kooxihii hubaysnaa kamid ahaa, ka codsaday in wiil uu dhalay uu tartanka ka qaybgeliyo, Macallinku wuxuu arkayay in wiilku awood ahaan iyo xirfad ahaanba liito, kadibna waxa uu ku yiri ninkii, orod oo wiilka gee dhakhtarka, oo ka keen ogolaansho in uu tartanka ka qeyb geli karo!. Macallinku kaftanka ayuu caan ku ahaa, wardiga iyo salaadda jamaacadana waa uu ku dedaalli jiray, jamaacada masaajidka Macmacaanka ayuu kamid ahaa, ilaa markii dambe ay duruufaha caafimaad u saamixi waayeen oo uu guriga ku ekaaday, sida uu ii sheegay Cabdishakuur Suufaay oo la kulmay sanadihii 2014 iyo 2019.

Dhowr bilood ka hor ayaa Macallinka caafimaad ahaan loogu qaaday dalka Turkiga, waxa ayna dhakhaatiiru sheegeen in uu qalliin u baahan yahay, waxa uuse ka codsaday ehelkiisii inaan isaga oo da’daa ah la qalin, dalkana dib loogu celiyo inta aanay duulimaadyadu istaagin. Waxa uu ii sheegay Ibraahin Shiine -oo ay Maxamed Yarrow saaxiibbo ahaayeen- in  Macallinku 2 bilood ka hor uu ka soo laabtay Turkiga.

Ibrahim Shiine oo kamid ahaa ciyaartooydii kooxdii Dekadaha, waxa uu xasuustaa Macallin Cumar oo willkiisa Maxamed Yarow u soo raaca tartamada kubadda cagta ee dugsiyada, halka ardayda kale ay waalidkood ka soo dhuuman jireen si ay u ciyaaraan kubadda.

Alle ha u naxariisto marxuumka, qabrigiisana ha u waasiciyo, jannaddii Fardawsana ha ka waraabiyo, eheladii, asxaabtii, ardaydii iyo dhammaan intii jeclaydna samir iyo iimaan ha ka siiyo, Aamiin.

Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.