
Jabuuti, Dibadbaxayaal cadhaysan ayaa isugu soo baxay qaar ka mid ah waddooyinka Jabuuti ka dib markii Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo in muddo ah u xidhnaa dawladda Jabuuti uu muuqaal ka soo duubay meesha uu ku xidhanyahay oo ah qol musqu ah oo nadaafaddiisu aad u liidato.
Muuqaalka oo 24kii saacad ee ugu dambeeyay aad looga hadalhayay baraha bulshada ayay si cadho leh uga jawaabeen muwaadiniinta reer Jabuuti iyagoo dareenkooda ku muujiyay mudaharaadyo ay ka dhigeen magaaladaas.
Waxgarad kala geddisan oo ka mid ah shacabka Jabuuti oo uu ka mid yahay maxbuuska walaalkii ayaa xadhiga Fu’aad Yuusuf Cali ku tilmaamay mid xaq darro ah.
Fu’aad ayaa la sheegay in muddo laba bilood ah uu xabsiga ku jiro iyadoo aanay weli qoyskiisa u suurtogelin in ay arkaan ama booqdaan. Maxbuuska ayaa xaaladdiisa caafimaad aad looga dayrinyaa sida laga dheehday muuqaalada uu ka soo diray musqusha uu ku xidhanyahay.

Dalka Jabuuti ayay ka talinayeen hal qoys tan iyo intii uu xornimadiisa ka qaatay dalka Faransiisk bishii Juun 27, 1977kii iyado Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda xukunka hayaana uu jagada kala wareegay adeerkii Xasan Guuleed Abtidoon sannadkii 1999kii. Xasan Guuleed aya isagu tala qabtay markii ay jabuuti ka Xorowday gumaystihii Faransiiska.
Ilaa xilligaas kama dhicin waddanka Jabuuti wax lagu tilmaami karo doorashooyin xor ahi iyadoo shacabkuna aanay aragtiyahooda siyaasadeed si xor ah u soo bandhigi karin, awoodda wadanka oo dhammina waxay ku urursantahay keligiitaliye Ismaaciil Cumar Geelle iyo qoyskiisa.
Mandiqadda istratiijiga ah ee ay ku taal Jabuuti ayaa u suurtogelisay in ay saldhigyo milateri ka samaystaan quwado kala geddisan oo ay ka mid yihiin faransiiska, Maraykanka iyo Shiinuhu iyadoo waddamada reer Galbeedkuna aanay wax cadaadis ah saarin xukunka Keliteliska ah ee Jabuuti oo danaha ay dalkaasi ka leeyihiin ka doorbidaan dimuqraadiyad in lagu soo dabbaalo Jabuuti.
WardheerNews
Leave a Reply