Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Maamulka Farmaajo oo Rajo Fiican Ka Qaba In Mar Kale Dib Loo soo Dooran Doono (Warbixin)

Fahad Yaasiin

Agaasimaha Hay’adda Nabdsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), Fahad Yaasiin X. Daahir, ayaa sheegay in ay rajo fiican ka qabaan in maamulka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dib loo soo dooran dooono, doorashada madaxtinimada ee la filayo in horraanta sannadka 2021ka ay ka qabsoonto Soomaaliya.

Taliyaha oo booqasho shaqo ku joogay magaalada London ayaa sida ay warar xogogaal ah oo ay heshay WDN xaqiijinayaan ka sheegay arrintan kulan gaara oo uu la yeeshay xubno ka mid ah jaaliyadda beesha reer Aw Xasan ee UK.

Kulanka oo ka dhacay Hotelka Hilton oo ku yaallla badhtamaha London ayna ka soo qaybgaleen dad tiradooda lagu qiyaasay kontameeyo oo dhammaantood ka soo jeeda beesha Agaasimaha ee reer Aw Xasan ayaa ahaa mid si aada ammaankiisa loo adkeeyay iyadoo dadka goobta soo galayana baadhitaan lagu samaynayay lagana reebayay dhammaan telefoonada iyo aaladaha kale ee wax lagu sawiro ama codka lagu duubo.

Fahad Yaasiin oo ka mid ah shakhsiyaadka ugu awoodda badan maamulka Farmaajo, saamayn weynna ku leh qaabaynta siyaasadda gudaha iyo dibadda ee dawladda F. Soomaaliya oo goobta hadal ka jeediyay ayaa ka xog warramay guud ahaanba xaaladda dalka iyo qorshayaasha maamulka madaxweyne Farmaajo.

Sida ay WDN ka soo xigatay goobjoogayaal madasha shirka ku sugnaa waxa uu agaasimahu carrabka ku dhuftay mar uu ka hadlayay arrinta khilaafka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya in madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Madoobe uu ka dhego-adaygay wadashaqaynta iyo fulinta awaamiiirta dawladda Federaalka, taasina ay sababtay xaaladdaha hadda ka taagan jubbaland.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay rajaynayaan in arrintaasi si dhkhso ah u soo gabagabowdo, maamulka Axmed Madoobana uu meesha ka bixi doono.

Md. Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay xidhiidhk dawladda F. Soomaaliya iyo dawlad goboleedka Puntland sheegay in aanay u suurtogelin in doorashadii Puntland ay u dhacdo sidii ay iyagu rabeen. Agasimaha ayaa sababta  fashilka musharixiintii ay wateen ku tilmaamay iyadoo shacabka, isimada iyo guud ahaanba maamulka Puntland ay yihiin kuwa midaysan.

Hadalka agaasimaha ee doorashada Puntland ayaa loo fasiran karaa in Villa Soomaaliya ay ku adkaatay in ay kasbato hoggaamiye-dhaqameedyada Puntland iyo xubnihii baarlamaanka ee ay soo xuleenba iyadoo adeegsanaysa lagacaha laaluushka ah ay ku caanka yihiin.

Xogta ay ka heshay WDN kulankaas uu agaasimha NISA la yeeshay jaaliyadda beeshooda ee ku dhaqan dalka Biritayn ayaa sidoo kale uu Fahad Yaasiin ka sheegay in madaxweynaha Puntland tan iyo doorashadiisii aanu weli Muqdisho iman isagoo islamarkaana waddamo dibadda ah booqashooyin ku tegay, lana soo saxiixday heshiisyo kala geddisan. Kuwaas oo aanay dawladda Federaalku dhankooda aqoonsanayn, fulinna doonin.

Mar uu ka hadlayay xaaladda ammaanka ee dalka iyo ururka Al Shabaab ayaa waxa uu agaasimuhu sheegay in dawladaha reer galbeedka siiba Biritayn iyo Maraykanka oo dhinaca ammaanka ka taageera Soomaaliya ay wadaan qorshe wadahadal lagula yeelanayo ururka Al Shabaab. Hindisaha arrinta la hadalka Al Shabaab ayuu agaasimuhu sheegay in ay ka timid dhinaca Maraykanka iyo Biritayn iyadoo dawladda Soomaaliyana aanay waxba ka qabin arrintaas.

Dhanka kale waxa uu Fahan Yaasiin warwar ka muujiyay xaaladda dalku ku sugnaan doono haddii iyaga lagaga guulaysto doorashada soo socota. Warwarka agaasimaha ayaa u muuqda in maamulka Farmaajo aaminsanyahay in iyaga mooyaane aanay jirin cid kale oo ay lexojeclo ka hayso dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Faragelinta iyo siyaasadaha Villa Soomaaliya ee ku jihaysan dawlad Goboleedyada ayaa  qayb ka ah qorshaha madaxweyne Farmaajo ee dibugusoonoqashada mar kale xilka madaxweynaha doorashada la filayo in 2021 ay ka dhacdo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guulaystay ilaa hadda in xubno ka mid ah xertiisa Nabad iyo Nolol uu gacanta u geliyo guddoonka baarlamaanka F. Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed iyo midka Hirshabeele iyadoo ilaa hadda ay Villa soomaaliya la tacaalayso sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd maamulka Galmudug halka maamullada Jubbaland iyo Puntland ay iyaga fiintu dhex miranayso Villa Soomaaliya.

Inkastoo hay’adaha sirdoonka iyo nabadgelyadu ay yihiin kuwo ka madaxbannaan arrimaha siyaasadda haddana waxa muuqata in maamulka farmaajo uu u adeegsado hay’adahaas cabbudhinta iyo qorshayaasha lagu wiiqayo muwaadiniinta saluugsan siyaasadaha maamulkiisa iyadoo uu Fahad Yaasiin hormuud ka yahay ololaha burburinta dawlad goboleedyada iyo guud ahaanba nidaamka Federaalka ee ay Soomaalidu ku heshiisay, jidaynayana dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Fahad Yaasiin ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay qofkii u suurtogeliyay in Madaxweyne Farmaajo ku guulayso xilka madaxtinimada Soomaaliya bishii Fab. 2017 iyadoo islamarkaana uu yahay iskuxidhaha Villa Soomaaliya iyo dawladda Qadar oo hanti badan oo aan ku dhicin xisaabaadka iyo khasnadda dawladda ku bixisa Soomaaliya.

Waxa yaab leh in aan beryahan dambe maqalno halkudhegyadii ay dawladdi kelitaliska ahayd ee Kacaanku adeegsan jirtay si ay cagta hoosteeda u geliso dadka ay u aragto in aanay la dhacsanayn siyasadaheeda. Waxaa la gaadhay in maanta ciddii wax ka sheegta Farmaajo iyo maamulkiisa lagu shaabadeeyo Qaran-dumis iyo wax la mid ah.

Waxa muuqata in Villa Soomaaliya ay cagta saartay dhabbe ay shacabka Soomaaliyeed hore ugu halaagmeen, xallnta foolximooyinkii ka dhashayna ilaa iminka loo maarala’yahay.

Haddaba arrinta isweydiinta mudan ayaa waxa ay tahay, shacabku xiise ma u qabaan daawashada filim ay hore u galeen, ogyihiina xaaladda natiijada uu ku soo gabagaboobi doono.

WardheerNews, London.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.