Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Lifaaq (addendum) Sharciga Doorashadda DFS

W/Q Daahir Mirreh Jibriil, Ph.D

Mudada ka hartay waqtiga ay tahay in la qabto doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya  (DFS) ee madaxweynaha iyo labada aqal ee Baarlamaanka dastuuriyan waa hal sano. Waqtigaas waa ku filan yahay in la diyaariyo, lana qabto doorasho fiican oo ay dadka Soomaaliyeed ku kalsoon yihiin.

Kalsoonida, midnimada, Cadaaladda iyo amniga dadweynaha dhexdiisa, ayaa ah ujeedooyinka aynu ka leenahay doorashada. Sharci kasta oo la xiriira doorasho waa in laga eego waxa uu ku soo kordhinayo hadafkaas guud.

Qodobada aan halkan ku qoray waxaa saldhig u ah:

  • In aynaan ka weecan hadafka guud oo ah kalsoonida, midnimada, cadaaladda iyo amniga dadweynaha Soomaaliya;
  • In la horistaago laaluushka iyo musuqmaasuqa ba’an oo ah sababta keentay halaaga, nabad la’aanta, faqriga, iyo dib u dhaca dhan kasta.  
  • Doorashada 2020 ee DFS in loo qabto hab suuragal ah, oo hanan kara kalsoonida dadka Somalia.

Si ay u hirgalaan ujeedooyinka kor ku xusan, waxaan ku talinayaa in la qaado talaabooyinkan:

  1. In dad aqoon iyo waayo-aragnimo u leh doorashada qoraan  lifaaq (addendum) sharciga doorashada, una gudbiyaan madaxda hay’adaha qaranka iyo dawlad-goboleedyada (Institutional Leaders), dabadeedna   labada aqal ee Baarlamaanku ka dhigaan hindise sharciyeed (parliamentary bill), lifaaqaas oo qeexaya hab u gaar ah doorashada Baarlamaanka labada aqal iyo madaxweynaha JFS 2020;
  2. In madaxda hay’adaha (Institutional leaders) qaranka iyo kuwa dawlad-goboleedyadu doorashada ka gaaraan muwaafaqo iyo go’aamo siyaasaddeed oo gundhig uu u yahay lifaaqa sharciga doorashada;
  3. Metelaadda dadweynaha oo ka baxsan hal-qof iyo hal-cod waxaa kali ah oo ay ku suuragali kartaa go’aan siyaasaddeed oo ay isku raacsan yihiin dhamaan madaxda qaranka iyo dawlad-goboleedyadu.  
  4. In laaluushka iyo musuqmaasuqa lagu horistaago sharci iyo hay’ado madaxbanaan;
  5. Xildhibaan kasta waa inuu matalo dad iyo meel mucayin ah;
  6. Waa in ayna jirin cid ka baxsan xaqa matalaada ee ku qeexan nidaamka doorashada 4.5., taas oo micnaheedu yahay dadka Xildhibaanku matalo waa ka heshiin karaan jifada xildhibaanku ka imanayo, balse ergada wax dooranaysa waa in ay ka timaadaa dhamaan dadka uu matalo xildhibaanku;
  7. In xubin kasta oo baarlamaanka ka tirsan lagu soo doortay si xor ah oo sharciga waafaqsan, kana madax banaan laaluush iyo musuqmaasuq;
  8. In dadka soo doortay  xildhibaanka lagu soo xulay sharci iyo nidaam ay diyaarisay GMDQ, kaas oo ilaalinaya xaqa iyo sinaanta dhamaan dadka xildhibaanku matalo;

Habraaca doorashada ee baarlamaanka

  1. In sharci qaran lagu qeexo dadka soo xulaya ergada xildhibaanka  dooranaysa, xalinta khilaafka ka dhasha doorashada, waqtiga doorashada iyo goobta ay doorashadu ka dhacayso;

Ka hortagga Laaluushka iyo Musuqmaasuqa:

  1. In khubaro Somaliyeed diyaariso sharci adag oo gaar u ah Laaluushka iyo Musuqmaasuqa ka dhaca doorashooyinka heer kasta, ayna ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanka federalka ah;
  2. In la dhiso Maxkamad gaar ah oo heer federal ah, kuna shaqo leh laaluushka, musuqmaasuqa iyo xalinta khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka;
  3. In la dhiso ciidan sirdoon ah oo qaabilsan laaluushka iyo musuqmaasuqa doorashooyinka, loona sameeyo sharci adag, tayo, iyo mushaar ku filan;
  4. In Golaha Amaanka ee Qaramada Midooobay iyo dalalka saaxiibka ah  laga codsado taageero farsamo, dhaqaale, iyo diiwaan-galinta liiska madow ee dalalka, shirkadaha, iyo shaqsiyaadka lagu helo dambiyada laaluushka iyo musuqmaasuqa.

Daahir Mirreh Jibriil, Ph.D
Ex-Secretary General
National Independent Electoral Commission
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.