Libin iyo Laaluush!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

kay
Nicholas Kay

“Waxaan aad uga walaacsanahay laaluushka la siinayo xubnaha baarlamaanka si ay awoodda uga tuuraan ra’iisalwasaaraha,” sidaa waxaa yidhi ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Md. Nikolas Kay.

Ma ahan arrin sahlan in diblomaasi mas’uuliyad heerkaas ah u haya Qaramada Midoobay ay ka soo yeedho eedayn intaas le’eg, isagoon u hayn caddaymo arrintaas. Sidaa darteed waxaan shaki lahayn in Md. Nikolas Kay uu xogogaal u yahay qaabka ay wax u socdaan.

Ma aha wax cusub in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xulafadiisa lagu eedeeyo in ay laaluush siiyaan xubnaha baarlamaanka si hankooda siyaasaddeed ugu suurtogalo balse waxa innagu cusub in hadda xaalku gaadhay heer aanay beesha caalamku indhaha ka qarsan karin fool xumooyinka laga soo abaabullo xafiiska madaxweynaha.

mooshinErayga mooshin (motion) waa erey Af Ingriisi ah haseyeeshee waayadan dambe Soomaaliyoobay ka dib markii adeegsigiisa iyo maqalkiisuba si joogto ah ugu soo noqnoqdeen dhegaha bulshada Soomaaliyeed.

Waa eray markasta oo ismaandhaaf soo kala dhexgalo madaxda sare ee dawladda siiba madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha aan maqalno. Waa eray ay ku caano-maalaan xildhibaannada damiirkoodu liito ee aan aragati iyo mawqif siyaasaddeed midna lahayn balse codkooda siiya hadba ciddii caloosha u buuxisa.

Waxaa yaab iyo amakaag igu noqotay jawaab uu ka bixiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ku sugan Muqdisho oo aan arrinta laaluushka wax ka weydiiyay.

Waxaan filayay in uu iska dheerayn doono falalka noocaas ah ee mudanayaasha baarlamaanka sumcaddooda waxyeelaynaya, hasyeeshee waxa uu isku dayay in uu u qiil sameeyo laaluush qaadashada xildhibaannada.

“Walaal xildhibaannadu waa iska dhibbanyihiin oo xaalad adag bay ku noolyihiin Muqdisho, markaa ciddii wax u soo fidisa ma filayo in uu qof diidayaa jiro,” taasi waxay ahayd jawaabtii uu i siiyay xildhibaankaasi.

Laaluush bixinta waxay u ahayd mar walba ta uu libinta ku hanto madaxweyne Xasan ilaa doorashadiisii.

culusow

Waxaa mar walba la sheegaa in madaxweyne Xasan oo ahaa nin ku cusub masraxa siyaasadda Soomaaliya in ay u suurtogelisay in uu ku guulaysto doorashadii madaxtinimada Soomaaliya lacag ay bixisay dawladda Qadar oo laaluush ahaan loogu qaybiyay xildhibaannada baarlamaanka. Eedayntan waxaa lagu xusay warbixintii kooxda dabagalka cunaqabataynta Soomaaliya iyo Ereteriya (SEMG).

Madaxweyne Xasan oo ay kursiga madaxnimo ku fadhiisiyeen saaxiibaddiisa Damul Jadiid iyagoo adeegsanaya lacago laaluusha, ayaa looga bartay marka ay u gudboonadaan danta qaranka iyo raaligelinta saaxiibadii in uu mar walba doorbido danta iyo rabitaanka asxaabtiisa.

saacidRa’iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (saacid) oo dad badan ay la yaab ku noqotay markii uu madaxweyne Xasan Sheekh ka soo dhex xushay siyaasiyiin aqoon iyo waayo-aragnimaba lahaa, ayaa ugu dambeystii eersaday ka dib markii ay iskhilaafeen saaxiibada Damul Jadiid ee madaxweynaha maskaxda u sida ee uu hormoodka u yahay Faarax Cabdulqaadir.

Aqoonyahan aad ugu dhuun daloola siyaasadda Soomaalida ee xilligan, ayaa markii uu khilaafka ra’iisalwasaare Saacid iyo madaxweyne Xasan soo shaac baxay ii sheegay in haddii uu madaxweynuhu la shaqayn kari waayay Saacid ay adkaan doonto sida uu ra’iisalwasaare kale ula shaqaeeyo waayo waxaynu wada ogeyn in Saacid xilkiisu iska ahaa uun mid maqaarsaar ah.

Si kastaba ha ahaatee Saacid xil ka qaadistiisii, ayaa iyana ahayd mid loo adeegsaday lacago laaluush ah oo loo qaybiyay xildhibaannada iyadoo aan hadda maqlayno in qaarkood ay arrintaas ka qoomamaynayaan Eebbe iyo mas’uulkii ay xilka ka tuureena casif weydiisanaya!

presid Hassan and PM AbdiwaliHaddaba khilaafkan cusub ee hadda ka dhex aloosan madaxweyne Xasan iyo ra’iisalwaare Cabdiweli in Damul Jadiid adeegsadaan tabihii lagu yaqaanay ee laaluush bixintu ma ahan wax cir-kasoo dhac ah ee waa arrin aan wada filaynay.

Xidhiidhka madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha oo ku billaabmay muran iyo ismaandhaaf ay sabab u ahaayeen kaadiriinta Damul Jadiid oo caado ka dhigtay inay hadheeyaan hannanka maamul ee dawladda, ayaa hadda soo gaadhay heer ay adagtahay in ay dib u wada shaqeeyaan.

Haddaba iyadoo hadda uu dalku marayo marxalad xasaasi ah oo uu dib ugaga soo kabanayo aafooyinkii dagaallada sokeeye, ayaa khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhu dib udhac ku keenayaa habsami u socodka hawlaha dawladda iyo hiigsiga in sannadka 2016ka ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho ay shacabku codkooda ku soo doortaan mudanayaasha baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan oo eedaymo isdabjoog ah oo falal musuqmaasuq iyo leexsasho hantida ummadda ay sumcaddiiisa dhulka dhigeen, ayaa hadalka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay noqon karaa mid sii kordhiya shakiga ay beesha caalamku ka qabto in qorshayaashii loogu talogalay lagu fuliyo lacagihii ay Soomaalida ugu yabooheen.

faarax
Faarax Cabdulqaadir

Waa ayaan darro in madaxweynaha, gudidda abaalka saaxiibadii ay kala weynaato qaranimada iyo habsami u socodka hawlaha dawladda.

Ugu dambeystii waxaan shaki lahayn in haddii madaxweynaha saaaxiibaddii ay suurtogeliyeen in uu ku fadhiisto kursiga madaxtinimada Soomaaliya, in ay islamarkaana sababi karaan inuu waayo xilkiisa, illeen waa tii Soomaalidu hore u tidhi saaxiibkaa mar waa kuu sed marna waa kuu sababe.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: khaliilha484@hotmail.com