Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Kenya oo u yeertay Safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana dalka ka saartay Safiirkii Soomaaliya

Nairobi -Kenya (WDN)- Warqad ka soo baxday Dowladda Kenya bishan Feb 16, ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya ay u yeertay Safiirkeedii u fadhiyay Soomaaliya Amb Lucas Tumbo, islamarkaana ka codsatay Safiirka Soomaaliya in uu Kenya ka baxo.

Warqad ay cadho badani ka muuqato, oo ka baxsan qaabka xidhiidhka diblomaasiyadda, ayaa Xoghayaha Joogtada ah, ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Kenya Md. Macharia Kamau,ku sheegay in “ Dowladda Soomaaliya ay u dhaqantay si ka baxsan nidaamka casriga ah ee Dowladduhu u shaqeeyaan oo ay ka muuqato in ay aanay gaadhin heer Dowlad.”

Amb Lucas Tumbo

Kenya ayaa arinkan la soo noqoshada Safiirkeeda Soomaaliya kaga jawabaysa , iyada oo bishan Feb 7, Soomaaliya ay ku qabatay magaalada London ee dalka Ingiriiska shir  shirkadaha Shiidaalka ee aduunka loo qabtay, kaasi oo looga gol lahaa soo bandhiga iyo suuq geynta Shiidaalka Soomaaliya ku jira.

Kenya ayaa ku sheegtay warqadaasi in dhulka badda ee wali uu ka taagan yahay muranku , islamarkaana ay ka socota dacwadda Maxkamadda Aduunka, aysan Soomaaliya sheegan karin, shiidaalna ka baari Karin.

Md. Macharia Kamau ayaa sheegay in “ in Soomaaliya si qeyr masuulnimo ah (carelessness) iskaga indho tirtay nidaamka iyo qaabka loo maareeyo dhulka uu muranku ka jiro (boundary disputes).

Soomaaiya wali wax jawaab ah kama soo saarin hadalka iyo eedeynta culus ee Kenya u soo jeedisay,

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.