Sunday, May 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion

Kala Garo Laba Wax

W.Q. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

deeqAbuur ahaan aadanuhu sida uu baahi ugu qabo inuu helo cabid, cunto iyo caafimaad ayuu ugu qabaa inuu helo ixtiraam, qaddarin, magac iyo waynayn. Sidaa darteed qofku marka uu dhasho illaa inta uu dhimanayo wuxuu dareemaa dhinnaansho gudeed, heerarba ha kala lahaatee. Dhinnaanshahaasi wuxuu abuuraa kalsooni darro nafsadeed, oo iyaduna keenta baqasho iyo is go’doomin.

Haddaba, si uu uga takhaluso arrintan in uun, una muujiyo jiritaankiisa ayuu laba dariiq midkood maraa; Inuu si dhab ah, geesinimo ah u abbaaro nuqsiga uu dareemayo, intii itaalkiina buuxiyo, Iyo inuu qab dhalanteed ah oo aan meel fog gaadhsiisnayn ku buuxiyo, sida: Aabahay baa geel lahaan jiray, Laan dheeraan ahay, Xaqii oo idil baa gacantayda ku jira iyo sheegashada wax aannu ahayn.

Haddaba, sida hore waa qadhaadh badan tahay, waana qalafsan tahay bilowga, laakiin gadaal bay ka dhadhantaa oo waxay leedahay raandhiis danbe oo wanaagsan. Sida danbena waa fududahay bilowga farxad danbena maba laha oo waxa looga sii dhaadhacaa uun mugdi iyo horumar la’aan. Sidaa darteed, haddii aad aragto qof sheeganaya, amma raalli ku ah in lagu jaado wax aannu ahayn, amma aad tahayba, ogow in qofkaasi hammuun u qabo ixtiraam iyo magac, laakiin uu si qaldan u raadinayo. Si beena u raadintanina waxay qofka ku keentaa inuu si dareen la’aan ah u baahiyo qofnimo la’aantiisa.

Haddaba, si aannay middaasi inoogu dhicin waxa jira laba shay oo inta badan dadka isaga qaldan. Labadaa shay oo kala ah: “Jeclaansho” iyo “Ahaansho”. Tusaale ahaan qofku wuxuu jecel yahay inuu Suugaanta, Caafimaadka, Dhaqaalaha, Siyaasadda, Beeraha, Sharciga iwm midkood barto, laakiin taasi kama dhigna inuu yahay Suugaanyahan, Siyaasi, Diktoor iwm. Xataa, haddii uu ku guda jiro barashadooda, waa laga habboon yahay inuu sheegto, isaga oo xeerinaya milgaha iyo meeqaanka mihnadahan. Waase goorma? Waa marka ay qofka laba shay ku kulmaan; kaw inuu si dhab ah u jecel yahay laan aqooneeddan iyo inuu si dhab ah ugu baraarugsan yahay kaalinta ay bulshada kaga jirto. Dhab u jeclaanshuhu wuxuu keenaa inuu ka masayro, ka murugoodo mar kasta oo uu arko cid kufsanaysa, qasbaysa, qaawinaysa maaddadii uu jeclaa, isla jeerkaana ku farxo, kuna faano mar kasta oo uu arko cid kobcinaysa, qurxinaysa, qaabaynaysa.

Sidoo kale, kaalinta ay bulshada horumarkeeda kaga jirto oo uu gartaa waxay qofka ku keentaa kaadsiimo fara badan iyo inuu si uun uga war wareego in lagu magacaabo xataa haddii uu yahay. Haddii lagu magacaabana wuxuu dareemaa culays iyo diiqad gudeed. Waayo, wuxuu og yahay inaanu ka soo dhalaalin kaalintii ay mihnadi lahayd. Haddiise inahaasi meesha ka baxaan, waxa dhaca magac boob, oo qof waliba wixii uu rabo ayuu la baxaa. Abwaan, Qoraa, Siyaasi, Suxufi, Sheekh, Aqoon-yahan, Suldaan, iwm. Magac boobkan sumcad xumo ayuun baa looga dhaadhacaa ogaalkay.

Waayo, Abwaannimadu waa ka xeel dheer tahay erayo la isku toos toosiyo, Aqoontuna waa ka xeel dheer tahay shahaadooyin la qaato, Sheekhnimaduna waa ka xeel dheer tahay gadh la daysto iyo dirac carbeed oo la gashado. Muwaadinimaduna waa ka xeel dheer tahay calan la huwado. Qoraanimaduna waa ka xeel dheer tahay Buug la qoro. Siyaasadduna waa ka xeel dheer tahay shirar jaraa’id oo la qabto, Saxafinimaduna waa ka xeel dheer tahay, warar aan sal iyo raad lahayn oo la tebiyo. Haddaba, Magac faleed-yadan(Abwaan, Fanaan, Qoraa, Siyaasi, Aqoon-yahan) haddii si fudud la isugu jaado waxa luma tayada wixii ay xanbaarsanaayeen iyo maamuuska qofkii ku magacawnaa. Haddii la adkeeyana waxa tamaraysta nuxurka wixii ay xanbaarsanaayeen iyo milgaha qofka ku magacaaban.

Sidaa darteed, xaq baad u leedahay inaad doorato, jeclaato, wixii aad rabto inaad noqoto, laakiin, xaq nooguma lihid inaad sheegato wax aanad ahayn, wax aanad garanayn waajibaadka ka dhalanaya noqoshadooda. Xaq baan u leeyahay inaan jeclaado inaan qoraa noqdo, laakiin xaq kuuguma lihi inaan qoraa kuu sheegto. Waayo, waxaa ka horraysa inaan ogaado: Sidee lagu noqon karaa qoraa dhab ah? Waa maxayse doorka looga baahan yahay qoraa dhab ah?

Allaa Mahad Leh

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

Email:[email protected]
___________________________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2013 WardheerNews, All rights reserved


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.