Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

Joe Biden-na ma Midgaan baa?

WQ: Ibraahim G. Sharmaarke

Murbeedka Murtidu wuxuu la da’yahay murtida lafteeda. Sida tuugaysiga kale ee la wada yaqaanno, falkani wuxuu ku qotomaa doonista mamman ee ama ha dhaco ama ha xadee qofka ku xambaarta in uu inta xaf-gooyo xeradiisa ku shubto xoolo aanu isagu tabcan. Laga soo billaabo maalmihii ay joogeen tiirriyadii jaajaalennimada ee reer Giriig ilaa maalinka aannu joogno, murtida sir iyo caadba waa loo kala xantoobsanayey, haaraanka arrintaa ku saabsanina waa uu socday.

Waayahaa hore ee Giriigga iyo Roomaankii ka dambeeyeyba, maqnaanta teknoloojiyada casriga ah ee dunida haatan koobtay awgeed, ciduna ma ogaan karin murtida boolida ah, taa ayaana sahashay in sheeko gaaban iyo gabayo inta laga gudbo, buuggaag dhan si duudduub ah loo meersado. Mararka qaar arrinta buug-meersi loogama hari jirin ee waxaaba loo abtir-gadi jirey nin-qarro muhiim ah oo looga gol-lahaa in ay qowmiyadi ku dhaadato ka mid ahaanshahooda. Isagoo murbeedka murtida xalaalaynaya, Aristotle waa kii lahaa:

“Ku soo-celinta hadal uu qof kale yiri waa wax dabiici ah oo
ka soo bilowda carruurnimada, waxa ugu horreeya oo uu qofku bartana
ku soo-celinta hadal qof kale ayuun bay ku billowdaan.”

Isagoo jidkaa ku taagan, abwaankii madaddaalinta ku caan-baxay ee reer Ingiriis ee sheekooyinka gaaggaaban, riwaayadaha iyo gabayadaba curin jirey ee William Shakespeare (1564? – 1616,)  wuxuu ka mid ahaa buuniyada lagu qorday in ay boolyadeen gabayo iyo sheekooyin aanay iyagu lahayn. Waxaa la weriyaa in uu Shakespeare inta badan bandhigyadiisa ka garab-dooxay ama toosba uga min-guuriyey murti ka soo maaxatay maskaxaha abwaaniinta kala ah Richard Barnfield,  Thomas Deloney, Thomas Weekes , Christopher Marlowe, Bartholemew Griffin iyo kuwo kale. Waagaasi waa buu ahaa.

Haddaba markii la soo gaarey dhammaadkii qarnigii 17aad oo ku aaddan Kacaankii Warshadaha ee Koowaad, maalmihii ay buug-qoriddu xirfadda noqotay, aaladda casriga ahina ay suurogal ka dhigtay in la ogaado iyamaa tiriyey gabay hebel ama qoray buug hebel, waxaa billowday in ay ceeb noqoto in la murbeedo murtida qof kale. Waxaase berigii horena daw ahaa, haatanna weli toolmoon in murtida qof kale si asluub iyo xusid leh loo ergado.

Wixii ka dambeeyey bilowgii qarnigii 18aad, iska daa gabay ama buug e, waxaa meel-ka-dhac iyo fal in la quudhsado mudan noqotay in hadallada, oraahda iyo maahmaahyaha la kala murbeedo. Dadkii waqtigan casriga ah meel-ka-dhacyada murti-murbeedka lagu eedeeyey waxaa ugu magac dheeraa Martin Luther King. Waxaa isaguna ay hirarkaasi dafeen oo fara-ciddidood uga samata-baxay Joseph Robinette Biden, madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka oo aad magiciisa ka arki kartid ciwaanka maqaalkaygan gaaban. Dulucda sheekada waannu u tegi doonnaa.

Haddii si kooban loo sheego, Joseph Biden wuxuu xagaagii 1987-dii isagoo ka mid ah Aqalka Odayaasha isu sharraxay in uu noqdo murashaxa Xisbiga Dimuqraaddiga ah ee madaxweynennimada dalka Maraykanka. Iyadoo aanay arrini ka qasnayn lana aaminsan yahay in uu leeyahay fursad aad u fiican, ayaa la ogaaday in uu murbeeday hadal uu horay u jeediyey nin hoggaamiye ka ahaa Xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska oo la oran jirey Neil Kinnock. Sheekooley dhulka la-gilgishay ayay arrintaasi Biden ku noqotay, markiibana waxaa bilowday in dib loo eego oo dal-daloollo laga raadsho xaashiyihii aqooneed ee uu u gudbin jirey jaamacaddii uu ka soo baxay; qaddar ka gadaalna Joseph Biden wuxuu qirtay meel-ka-dhacyadaa, waxaanu bustihiisa ka qaatay oo ka huleeelay doorashadii uu u geyfanaa kuna cad-caddaa.

Haddaba, dabayaaqadii sanadkii tegay, markii ay soo if-baxday in uu walaalkay Mahdi Cumar Ismaaciil (KaydMedia) kob fagaare ah ku yeerinayo buun (murti) uu soo xaday (murbeeday) waxaan markiiba iska jeclaystay in uu dib isugu laabto oo cajalad yar oo saddex daqiiqo ah inta soo duubo yiraahdo:

“Qaar ka mid ah erayada aan Maansooley ku isticmaalay waxaa iska lahaa
Axmed Faarax Cali Idaajaa, Aw Jaamac Cumar Ciise…. il-duuf iyo farsamo xumo keliya
ayaa sababay in aanan abwaannadaa siinin abaalkooda,
meel-ka-dhacaana waan ka cudur-daaranayaa.”

Nasiib darro, rajadaa waan ku hungoobay, arrintaasina ma dhicin ee walaalkay Mahdi inta uu geedaha isku jeexay buu soo bandhigay hadalladii xanafta lahaa ee ay ku jireen: Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye… Falcelintaasi ma ahayn mid loo fadhiyey, waxaanay abuurtay jahawareerka maanta soo gaaray meesha ay arrintu sii caga-cagaynayso.

Marin-gefka ugu weyn ee qaddiyaddani halkaasuu ka billowday, xaajaduna kobtaa uun bay ka qalloocatay. Run ahaantii meesha dhirbaaxo iyo quudhsi midna horayna uma ool haatanna ma yaalliin. Meesha waxa yaalla waa arrintaa aan taariikhdeeda kooban kor ku xusay, hortayna ay jaallayaashay badan wax uga qoreen: Murbeedka Murtida.

Murbeedka Murtidu in uu meel-ka-dhac caalami ah yahay waa iska caad-yaal ah aan dood u baahnayn. In uu arrintaa Mahdi ku tallaabsadayna waa marag-ma-doonto oo isagaaba la soo taagan. Haddii si kale loo dhigo, arrintan markii uu walaakay Mahdi (qoraagan iyo Mahdi waa isku qabiil) ku tallaabsaday ka dib dembi lagama dhigin ee iyadoo ceeb ah ayuu Mahdi ku tallaabsaday. In marka arrintii murtida joogtey la siyaasadeeyo oo inta qaac la huwado la isireeyo oo quudhsi salka loo gesho waa meel-ka-dhac kale iyo aflegaaddeyn caqli oo ay Mahdi iyo inta la jaalka ahiba haatan qalinleyda Soomaaliyeed la markanayaan.

Haddii Mahdi Cumar la quudhsanayo oo uu Midgaan yahay Joseph Biden isaguna ma midgaan baa? Maxaase hawsha ilaa xadkan calawsan odayaasha dhaqanka loo soo gelinayaa; maxaa habboonaysiiyey in Ugaas Cali Yaabarak Warsame inta hawsha si cayn-rogan loo geliyo arrin aanu mudac ka daabnayn difaaceeda lagu tirtirsiiyo?

Arrintani waxay leedahay labo khatarood oo aan kala dhicin: 1-Waxay daw ka dhigaysaa in la kala xado murtida Soomaalida oo aanay markaa ciduna cid kale u dabaggelin. Tani waxay oggolaanaysaa in ay baahdo anshax-darrada qoraalka iyo kaydintaba, waxaanay meesha ka saaraysaa baahida loo qabo hal-abuurka Af-Soomaaliga. 2- Khatarta labaad (ee igu khasabtay in aan maqaalkan qoro) waxa weeye in ay sheegashada Mahdi Cumar nuxur-tirayso Qaddiyadda Quudhsiga oo ah cudur ay maanta Soomaalidu ku baraarugtay jiritaankiisa, kana qoomamaysay taariikhdiisa, in badan oo ka mid ihina ay diyaar u yihiin in ay daweeyaan.

Waxaan si kal iyo laab ah, odaynimo Soomaaliyeedna ay ku dheehan tahay u soo jeedinayaa in uu walaalkay Mahdi inta ay goori goor tahay inta fardaha jaan ka dego uu dib caqligiisa ula faqo, oo inta runta wajaho ka cudur-daarto meel-ka-dhicii hore (murbeedkii) iyo midkan dambe (qaac-isku-qarinta) labadaba.

Ibrahim G. Sharmaarke
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.