Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

ITOOBIYA (2-4): MAWJADAHA FURFURIDDA IMBARAADOORIYADDA

W. Q. Mustafa Fayruus

Nus qarnigii u dambeeyay, Imbaraadooriyadda Abasiiniya waxaa ku dhuftay mawjado isbedello bar-kulankoodu yahay furfuridda Imbaraadooriyaddii Abasiiniya ee soo dhismaysay muddadii 1855-1974. Saddex isbeddel ayaa kala dhacay 1974, 1991 & 2018; waxay beddeleen hannaanka dawladeed iyo siyaasadeed ee Itoobiya. Saddexdan isbeddel aan midba si kooban u sifaynno.

Isbeddelka 1aad (1974): Tirtiridda Hannaanka Boqortooyada 

Mingiste Xayle Mariyam

Boqor Xayle Salaase wuxuu dhaxlay kursiga Imbaraadoorka Itoobiya Abriil 1930, waxayna milatarigu afgambiyeen 44 sanno ka dib, 12kii Sebtembar 1974; lix bilood ka dib waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay baabi`iyeen hannaankii boqortooyada, dalkana u beddeleen “jamhuuriyad”. Milatarigu waxay dhidbeen kacaan Hantiwadaaga, waxayna wacad ku mareen inay Itoobiya ku dhaqaan mabaadiida Maarkis & Leenin, ayna dhisaan bulsho “horusocod” ama “progressive” ah. Qaabdhismeedkan jamhuuriyadda kacaanka ayaa lagu sargooyay dastuurkii Itoobiya ee 1987kii. Kacaankan milatariga Itoobiya wuxuu caan ku yahay magaca “Dergiga” oo u macne dhow “Golaha Sare ee Kacaanka”.

Isbeddelkani wuxuu burburiyay tiirarkay ku dhisnayd Imbaraadooriyadda Abasiiniyada; wuxuu tirtiray hannaankii boqortooyada dhaxaltooyada; Dastuurka 1987 wuxuu qiray in Itoobiya ka kooban tahay shucuub ama quruumo (nationalities) kala duwan ayse ka dhexayso dawlad mid ah“unitary” (qodob 2); waxaana awoodda siyaasadeed gacanta ku hayay Xisbiga Shaqaalaha Itoobiya (qodob 6); waxaa meesha ka baxay mudnaantii dastuureed ee ay lahayd Kaniisadda Orthodox (Dastuur 1987, qodob 46).

Marba haddii la tirtiray boqortooyadii, Itoobiyana noqotay jamhuuriyad; taas macnaheedu waa in qof kasta oo muwaadin ahi, dastuur ahaan, uu dalka ka qaban karo xilalka ugu sarreeya, oo horraantii u xirnaa gobta reer boqor.

Hase yeeshee, inkastoo taajkii boqortooyada meesha laga tuuray, haddana, weli waxaa sii socday hannaankii “Amxaaraynta”, oo shucuubta kala duwan lagu beerayo afka iyo dhaqanka Amxaarada; awooddii siyaasadeedna weli waxay ku urursanayd gacanta Qowmiyadda Amxaarada.

Midhaha ugu weyn ee nidaamkii Dergiga laga dhaxlay waa “jamhuuriyad dadweynuhu wada leeyahay oo aan ahayn dhaxaltooyo qoys/qowmiyad gaara u xiran”.

Isbeddelka 2aad (1991): Qarammo Federaal ah

Males Sanawi

Dawladdii Milatariga ee xukunka qabsaday 1974 waxaa ku kacay jabhado mucaarad hubaysan ah, oo ku guulaystay inay xukunka ka tuuraan bishii Meey 1991. Waxaa xukunkii la wareegay Isbahaysiga Jabhadda Dimuqraadiga ee Kacaanka dadka Itoobiya “Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF)”, oo ay horseed u tahay Jabhadda Tigreega TPLF (Tigray People’s Liberation Front); waxaa ku weheliyay Jabhadda Amxaarada (ADP), tan Oromada (ODP), iyo tan Shucuubta Koonfureed (SEPDM).

Isbahaysiga EPRDF waxay dibuhabayn ku sameeyeen hannaankii Dawladda Itoobiya. Waxay seeska u dhigeen “Jamhuuriyad Federaal Dimoqraadi ah”. Hannaankan waxaa qeexaya dastuurka 1995kii. Waxay ka shaqeeyeen siday xididdada ugu siibi lahaayeen awooddii Amxaarada una joojin lahaayeen Amxaarayntii qowmiyadaha kale ku socotay.

Itoobiya waxaa lagu qeexay qowmiyado iyo shucuub federaal ah; wada leh dal ka kooban “dawlado ama qarammo/states [kilil]”, oo ah sagaal kilil oo federaal ah, koodii doonaana ka bixi karo dalweynaha Itoobiya shuruud la`aan (Dastuur 1995, qodob 39).

Qowmiyaddii ama shacabkii kale ee doona inuu dawlad noqdo, yacnii kilil gaar ah yeesho, iyana waxaa ka xiga “afti dadweyne” iyo raacidda tallaabooyinka dastuurku qeexayo. Waxaa waddadan qaadday qowmiyadda Siidaama, oo ah qowmiyadda ugu badan Shucuubta Koonfureed. Aftidii Noofambar 2019 waxay u codeeyeen inay yeeshaan kilil gaar ah, oo noqonaya kililka 10aad.

Dawladdii/kililkii doona inuu ka baxo Federaalka Itoobiya, oo noqdo jamhuuriyad madaxbannaan, dastuuriyan way u furan tahay, iyadoo la raacayo habraac ay ugu muhiimsan tahay “afti dadweyne”. Waddadaa waxaa maray Eritereeya oo sannadkii 1993 noqotay dawlad madaxbannaan (Markaa waxa jiray Cahdi-qarameedkii 1991, oo u xuubsiibtay dastuurka 1995).

Waxaa intaa raaca waxaa meesha laga saaray Amxaarayntii [dhaqan, af iwm] ay dawladdu ku wadday qowmiyadaha kala duwan.

Dhinaca luqadda, sida uu qeexayo qodobka 5aad ee dastuurku, isla markaana hirgashay, waxaa meesha laga saaray mudnaantii ay luqadda Amxaarigu keligeed lahayd, dawlad-deegaannada waxaa loo oggolaaday inay xafiisyadooda kaga shaqeyn karaan luqadda ay doortaan, yacnii kilil walba luqaddiisa ku shaqayn karo. Amxaariga waxaa lagu soo koobay inuu dawladda dhexe u ahaado luqad ay ku shaqayso “working language”. Sida muuqata kaalintan af Amxaarigga loo reebay way sii shiiqi doontaa mar kasta oo uu kobco adeegsiga luqadaha kale. Waxaa tusaale innoogu filan Kililka Dawlad-Deegaanka Soomaalida, oo kaalinta af Soomaaligu sare u socoto halka adeegsiga Amxaariguna hoos u sii dhacayo. Dabcan, waxaan ka hadlaynaa luqadda lagu adeegsanayo maamulka, waxbarashada, warbaahinta iwm. Waxa iyana kaalin soo kobcaysa helay af Ingiriisiga, dhinaca waxbarashada iyo maamulka labadaba, waxayna u muuqataa inuu kaalinta dhexe ka riixanayo af Amxaariga, waa haddayna Oromadu carshacarshayne.

Dhinaca diinta, dawladdu masaafo is le`eg ayay u wada jirtaa diimaha, oo ma jirto diin gaara oo ah “Diinta Dawladda” (Dastuurka 1995, qodob 11). Halkaa waxa laga saaray kaalintii Mad-habta & Kaniisadda Orthodox ay ku lahayd dawladda ee dastuurkii 1955 ku nuuxnuuxsanayay. Waxaa intaa raaca (qodob 27) in dadweynuhu maamulanayaan arrimaha diimahooda, una samaysan karaan ururro iyo hay`ado uga shaqeeya. Mudnaanta rasmiga ah ee laga xayuubiyay Kaniisadda Orthodox waxay kaalin hor leh siinaysaa diimaha kale. Siday ila tahay fursadda ugu badan waxaa helaya Muslimiinta, siday uga faa`iidaystaanse kartidooda iyo hoggaankooda ayay ku xiran tahay.

Hirgelinta qaabdhismeedka Itoobiyada cusub, Jabhaddii Tigreega iyo isbahaysigay hoggaaminaysay waxay ka shaqeeyeen taabbagelintiisa, tallaabooyin muuqda ayayna qaadeen. Qiimayntayda, tallaabooyinkan waxaa ugu mudan: (1) samaynta dastuurka 1995, (2) baahinta awoodda & dhisidda dal federaal ah, (3) kilillada oo la siiyay awoodda aayakatalinta, iyo (4) joojinta Amxaarayntii shucuubta kale lagu waday.

Isbeddelka Itoobiya ka dhacay 1991, waa guul iyo fursad ballaaran oo u soo hoyatay shucuubtay Amxaaradu xoogga ku qabsatay, kuna wadday Amxaaraynta joogtada ah. Qowmiyadihii ahaa, ama dareemayay inay yihiin, muwaadiniin darajada 2aad ah, isbeddelkani wuxuu siiyay fursad ay ku hanan karaan muwaadinnimo loo siman yahay Itoobiya dhexdeeda, ama ay ku yagleelaan dal iyaga u gaar ah.

Dabcan, mar kasta waxaa jiraya in xuquuqda dastuurku bixiyay ay u baahan tahay karti iyo awood lagu hanan karo. Arrintan inteeda badani waxay ku xiran tahay hoggaanka & waxgaradka kilil kasta, iyo siduu kaalintiisa u qaato. Fursaddu waa meesheeda, ka faa`iidaysiguna waa arrin kale.

Roobka da`aya marba waa weelka loo dhigto iyo biyaha laga dhaansado e, su`aasha ay tahay inay is weydiiyaan Soomaalidu, waa Dawlad-Deegaanka Soomaalida e, intee ayay ka faa`iidaysteen marxaladdaa 1991-2018?! Dabcan, waa su`aal ummad kastaa ay gaarkeeda isu weydiinayso.

Gabagabadii, midhaha ugu weyn ee isbeddelkii 1991 laga dhaxlay waa “dal federaal ah oo ay wada leeyihiin quruumo iyo dawlado dastuur ku wada jooga”. Isbeddelkan ayaa seeska u dhigay, wacyi ahaan iyo dastuur ahaanba, isbeddelka dhashay 2018 ka dib markii la waayay himilooyinkii la quuddaraynayay, cudurrada dilayaasha dawladnimaduna ku bateen isbahaysigii talada hayay!

Waa innoo qormada 3aad iyo isbeddelka 3aad ee curtay 2018.

Mustafa Fayruus
Email: [email protected]

Mustafa Fayruus waa xeeldheere  ka tirsan xarumo cilmiyeed dhowr ah, sida: Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed (Institute for Somali Studies – ISOS) ee Jaamacadda Muqdisho; Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ikk.

ITOOBIYA (1-4): IMBARAADOORIYADDA ABASIINIYADA CUSUB


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.