Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

ITOOBIYA (1-4): IMBARAADOORIYADDA ABASIINIYADA CUSUB

W. Q. Mustafa Fayruus 

R/W Abiy Axmed

Bishii Abriil 2014 ayuu billowday gadood teelteel ah, gadaashiina isu rogay burkaano qarxay oo galaaftay hoggaankii siyaasadeed ee Itoobiya. Afar sanno ka dib Dr Abiy Axmed Cali ayaa noqday Ra`iisalwasaaraha Itoobiya Abriil 2018. Ku dhowaad laba sanno iyo bar ayaa ka soo wareegtay muddaduu Abiy Axmed xilka hayay, welina xaaladda Itoobiya way heehaabaysaa, mararka qaarna waxaa laga cabsadaaba inay faraha ka baxdo!

Falanqaynta iyo iftiiminta xaaladda taagan iyo dhacdooyinka ku xeerani, waxay keensanayaan inaan dib u milicsanno taariikhda Itoobiya iyo dhismaha Imbaradooriyaddii Abasiiniyada Cusub laga soo bilaabo bartamihii qarnigii 19aad, waa sannadkii 1855. Waa sooyaal xambaarsan waayo murugsan, oo nus qarnigii ugu dambeeyay ay dhaceen saddex isbeddel, oo daarranaa furfuridda imbaraadooriyad la soo falkinayay 120 sanno ee ka sii horreeyay.

Waa sooyaalka muddo qarni iyo bar ka badan kuna astaysan kalamaan xididaystay iyo loolan qoto dheer!

Ku darsoo, Itoobiya waa dalka ay Soomaalida isugu saamayn badan yihiin shalay, maanta iyo berriba. Haddana, haddaynu Soomaali nahay wax weyn kama naqaanno, mana danayno, Itoobiya taariikhdeeda, dadyowga ay ka kooban tahay, meeshay ka timid iyo meeshay u socoto midna; ugu yaraan waa siday ila tahaye. Caqliga iyo dantuna waxay innoo tilmaamayaan, inaan si cilmiyaysan u darisno waayaha iyo wacaalka Itoobiya, inaan isku dayno inaan si qotodheer u fahamno, si aan si miisaaman ula falgalno.

Sidaas darteed, waxaan halkan idinkula wadaagayaa qormooyin si kooban isu kor taagaya waayaha iyo wacaalka Itoobiya laga soo bilaabo bartamihii qarnigii 19aad ilaa xaaladda maanta taagan. Waa iftiimin kooban oo sawir guud bixinaysa aanse hoos ugu degayn tixidda iyo faahfaahinta dhacdooyinka.

Fiditaanka Hal Qarni & Dheeraad

Bartamihii qarnigii 19aad ayay midoobeen imaaradihii Amxaarada ee “Gonder, Gojam & Shoa”, iyagoo taakulo iyo tabantaababa ka helaya Imbaraadooriyaddii Ingiriiska. Halkaa waxaa sannadkii 1855 ka unkamay Imbaraadooriyadda Abasiiniya (Xabashida) cusub ama Imbaraadooriyadda Itoobiyada cusub. Waxaa boqor u noqday Boqor Tewdoros II. Labada arrimood ee udub-dhexaadka u ahaa siyaasadda boqorrada Abasiiniya waxay ahayd: (1) dhisidda imbaraadooriyad ballaaran iyo (2) Amxaaraynta (Amharization) quruumahaa kala duwan ee lagu fidayo.

Boqorradii kala dambeeyay waxay ka shaqeeyeen siday u ballaarin lahaayeen dhulka Imbaraadooriyadda cusub, isla markaana wax ula qabsan lahaayeen dalalkii gumaystaha reer Yurub ee Afrika boobayay.

Imbaraadooriyaddan waxay himiladeedu ahayd inay dhanka Waqooyi ka gaarto ilaa Khartuumta Suudaan, dhanka Koonfureedna laga bilaabo dhulka Oromada ilaa Kiiniya, dhanka Barina ilaa Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, dhanka Galbeedna ilaa Harada Fiktooriya. Waa damac ah min Raas Casayr ilaa Harada Nyanza ama Fiktooriya! Warqad uu Boqor Minilik u diray dalalkii Reer Yurub 10/4/1891 ayuu xuduuddan ku sheegtay, iyaguna way la tabantaabiyeen, hub iyo rasaasna ugu deeqeen.

Abasiiniya waxay u fiday Bari, Galbeed iyo Koonfur; noqotayna Imbaraadooriyad baaxad weyn. Muddo hal qarni ah 1855-1955, marba qowmiyad ama deegaan bay liqaysay. Dawladda Ingiriiska ayaa iyaduna siisay qaybo ka mid ah dhulka Soomaalida, Qaramada Midoobayna waxay ugu dartay Eriteriya.

Haile Sellassie I

Imbaraadooriyadan waxaa tiirarka u taagay saddexdii boqor oo talinayay muddooyinka Tewdoros II (1855-1868), Minilik II (1889 – 1913) iyo Haile Sellassie I (1916-1974). Xilligii Boqor Minilik II (1889 – 1913) ayay Abasiiniya ku fiday dhulka ugu ballaaran; sidoo kale wuxuu dhisay hannaan maamul oo xudduntiisu tahay magaalada Addis Ababa, oo caasimad laga dhigay 1889. Boqor Xayle Salaase wuxuu xilligiisii qaaday tallaabooyin uu imbaraadooriyadda ku casriyaynayo. Wuxuu bilaabay dhisidda kaabayaasha dawlad casri ahi u baahan tahay. Wuxuu sameeyay dastuur sannadihii 1931 & 1955, oo xididdada loogu sii aasay hannaanka boqortooyada iyo awoodda Kaniisadda Orthodox. Dastuurkan, erayada “imbaraadoor, imbaraadooriyad iwm” waxay ku soo arooreen 175 jeer, halka erayga Orthodox ku soo arooray toddobo jeer.

Abasiiniya waxay ku dhisantay Amxaarada oo oo xoog ku “qabsatay” qowmiyadaha kale, una darbatay inay Amxaarayso af, dhaqan iyo diin ahaanba; in buuranina way uga hirgashay arrinkaa.

Haddii qarniga 19aad ahaa qarnigii imbaraadooriyadaha, qarniga labaatanaad wuxuu ku caan baxay qarnigii burburka imbaraadooriyadaha. Dagaalkii koowaad (DD1) iyo labaad (DD2) ee dunida waxaa ku burburay ama ku wiiqmay imbaraadooriyadihii baaxadda iyo awooddaba lahaa. Itoobiya waxay ka mid noqotay dhowrka imbaraadooriyadood ee burburkaa ka badbaaday. Dhul hor leh ayayba ku fiday DD2 ka dib, waa dhulka Soomaalida iyo Eriteriya e.

Hawshaa qarniga iyo dheeraadka soo taxnayd, ee Amxaaradu calanka u siday, tabantaabada iyo taakulayntana ka helay gumeystayaashii reer Yurub oo ay ugu firfircoonayd Imbaaadooriyaddii Ingiriisku, wuxuu miraheedu noqday dalka ugu dhul, dad iyo awoodba weyn dalalka Geeska Afrika; isla markaana ka mid ah dhowrka dal ee Qaaradda Afrika ugu muhiimsan.

Itoobiyada Maanta

Itoobiyada maanta, waa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya “Federal Democratic Republic of Ethiopia” waa dalka ugu dhul iyo dadba badan shanta dal ee Geeska Afrika. Dhul ahaan waxay ka tahay ku dhowaad 45%; halka tirada dadkana ay ka tahay 60%. Sannadkan 2020, Itoobiya waxay ka tahay 115 milyan Geeska Afrika oo tiradooda guud tahay 191 milyan.

Qaaradda Afrika, Itoobiya waa dalka labaad ee ugu dad badan, waxaa ka dad badan keliya dalka Nigeria (206 milyan), dalka saddexaadna waa Masar (102 milyan).

Itoobiya waxaa ku nool ilaa 80 isir; kuna kala duwan diimaha, luqadaha iyo dhaqanka. Markaan tixraacno tirakoobkii 2007, shanta qowmiyadood ee ugu tirada badan iyo boqoleyda ay ka yihiin tirada guud ee dadka Itoobiya waa sidan: Oromo (34.49%), Amxaaro (26.89%), Soomaali (6.20%), Tigree (6.07%), Siidaama (4.01%) oo ah qowmiyadda ugu weyn Shucuubta Koonfureed.

Qowmiyadda Soomaalidu waa qowmiyadda saddexaad dhanka tirada dadka, dhul ahaanna waa tan koowaad ama labaad.

Kala Maan & Loolan Qotodheer 

Itoobiya waa dal (state) ka kooban quruumo (nations) kala duwan. Sooyaalka samaysanka “Dalka Itoobiya” siyaabo kala duwan ayuu ugu jiraa xusuusta iyo dareenka quruumahaas. Waa sooyaal qowmiyadba tafsiir gaar ah u leh.

Dhulalkii ay Abasiiniya ku fiday muddadii 1855-1955, Amxaarada wuxuu uga dhigan yahay dadaallo imbaraadooriyadda lagu “midaynayay”, kuwa ka soo horjeedaana mudnaayeen in xoog lagu muquuniyo, dhib kalena maba jirin! Dhinaca kale, badiba quruumaha kale waxay u arkaan “dhul-ballaarsi” ay waday Amxaarada, oo u xoog sheegatay kuna qabsatay “gumaysi”, iyadoo garab iyo gaashaanba ka helaysay gumaystayaashii Reer Yurub. Gumaystayaashan doolaallada ku yimid, kuna habsaday Afrika deedna qaybsanayay ayay iyaduna, waa Abasiiniya e, kula daaratay oo dhankeeda ka boobtay qaybteedana ka qaadatay!!

Sidaas darteed, kacdoonnada taxanaha ahaa waxay quruumaha qaarkood uga dhignaayeen “halgan xornimo doon ah” ama “aaya-ka-talin”; erayga “Xorayn – Liberation” ayay ku xardheen magaca jabhadaha ay samaysteen, sida: Jabhadda Xoraynta Oromiya (OLF), Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed (WSLF), Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (ONLF), Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray (TPLF), Jabhadda Xoraynta Dadka Eritereeya (EPLF). Waa halgan himiladiisu ahayd inay taabaan “guusha” EPLF ku dhistay dalka Eritereeya oo kale, ka dib markay iska tuurtay “heeryadii gumaysiga”!

Si taas ka duwan, Amxaarada kacdoonka waday wuxuu uga dhignaa “caddaalad darro & maamul xumo laga dhiidhiyayo”; waxayna u kaceen inay iska tuuraan xukun qalloocday, oo kelitalis noqday.

Arrintan kala maanka waxaa tusaale fiican u ah sida dhacdooyinku u leeyihiin laba dhadhan ama laba fasir oo iska soo horjeeda. Magaalada Addis Ababa waxaa 05/03/2020 lagu qabtay xus loo bixiyay “Guushii Kaaraamardha”, waa 42guuradii markii ciidamada Itoobiya & huwantu dib u qabsadeen Buurta Kaaraamardha 05/03/1978.

Dhowr bilood dabadeed, 19/05/2020, waxaa Buurta Karaamardha dusheeda lagu qabtay xus loo bixiyay “Xasuuqii Kaaramardha”, oo lagu xusayay 43guuradii ka soo wareegtay boqolaal dadweyne oo ay ciidanka Itoobiya ku xasuuqeen Jigjiga iyo deegaanka ku xeeran 19/08/1977. Dadweynahaa la xasuuqay waxaa ka mid ahaa salaadiin, nabaddoonno iyo waxgarad kale oo bulshada magac ku lahaa.

Aragtiyahan kala maanka ah ayaa qaabeeya, quudiyana, sooyaalka loolanka qotadadheer ee Itoobiya ka taagan; isla aragtiyahan ayaa hagaya himilada iyo habka ay u dhaqmayaan quruumaha kala duwani.

Waa innoo qormada 2aad iyo furfuriddii Imbaraadooriyadda Abasiiniya nus qarnigii u dambeeyay.

Mustafa Fayruus
Email: [email protected]

Mustafa Fayruus waa xeeldheere  ka tirsan xarumo cilmiyeed dhowr ah, sida: Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed (Institute for Somali Studies – ISOS) ee Jaamacadda Muqdisho; Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ikk.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.