Muqdisho (WDN)- Xubin ka tirsan FPI-da Mareykanka oo iska dhigayey inuu yahay qof ka shaqeeya hawlaha Tahriibka, ayaa fashiliyey qorshe la doonayey in lagu khaarijiyo madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush kaasi oo uu maleegayey nin ciraaqi ah oo magaciisa la yiraahdo Shihaab Axmed oo 52 jir.
Shihaab ayaa doonayey in dalka Mareykanka si sharci daro ah kusoo geliyo xubno hore oo sirdoonka dalka Ciraaq ka tirsanaa iyo xubno Daacish ah si ay u geystaan falka lagu khaarijinayo George Bush.
Ninkaan Ciraaqi ah ayaa sheegtay inuu yahay xubin ka tirsan koox jihaadi ah oo uu tilmaamey in fadhigeedu yahay dalka Qatar lana yiraahdo RACAD, waxaana laanta dambi baarista mareykanka FPI iminka baaritaano ku haya ninkaan.
Muwaadinkaan Mareykanka ah ee asal ahaan dalka Ciraaq kasoo jeeda ayaa sawiro ka qaadey guriga uu ku noolyahay madaxweynihii hore ee Mareykanka,waxaana ninkani uu wajihi doonaa 10 sano oo xarig ah oo ku aadan eedda ah inuu doonayey si sharci daro ah in Mareykanka dad kusoo geliyo iyo 20 sano oo xarig ah oo la xiriirta eedda ah inuu qorsheeyey qorshe lagu qaarijinaayo masuul sare oo Amerikaan ah.
Afhayeen u hadley madaxweynihii hore ee Mareykanka George W.Bush ayaa sheegay in ay kalsooni ku qabaan laamaha amniga iyo cadaaladda in waajibaadkooda gudan doonaan.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply