Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Is-fahamka Galmudug iyo Is-mariwaaga Jubbaland

W/Q Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)

Dhawaan waxaa magaalada Dhuusamareeb lagu gaaray is-faham dhex-maray Federaalka iyo Ahlu Sunna kaas oo meesha ka saaray mad-madowgii hareeyay doorashada Galmudug bilihii la soo dhaafay, sida ku cad qoraaladii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (11/12/19) iyo hoggaanka Ahlu Sunna (12/12/19).

Hoggaanka Ahllu Sunna iyo RW Kheyre

Is-fahmkan oo ay ka shaqeeyeen wax-garad reer Galmudug ah iyo xubno kamida beesha caalamka oo ka hawl-gala Muqdisho, waxaa  lagu tilmaami karaa mid taariikhi ah oo yimid xilli baahi badan loo qabo in laga gudbo is-mariwaaga siyaasaddeed ee ka jira deegano kala duwan oo dalka kamida.

Sanad ka hor suuragal ma ahayn in laga hadlo ama la maleeyo inuu dhici karo heshiis noocan oo kale oo ku dhisan isu-tanaasul iyo xeerin danta guud iyo sidoo kale in xubnaha beesha caalamku soo hadal-qaadan arrimo caynkan oo kale ah, waase Alle mahaddii in maanta uu jiro biseyl siyaasaddeed oo ka dhashay khibradihii laga kororsaday dhacdooyinkii sanadihii tagay.

Madaxda Federaalka, hoggaanka Ahlu Sunna iyo dhammaan dhinacyadii ka shaqeeyay xal u helidda xaaladda Galmudug, waxa ay muddan yihiin boggaadin iyo dhiirigelin. Tillaabadan ay qaadeenna waxa ay abuuraysa rajo ku aadan furdaaminta khilaafaadka kale ee aanan weli la xallin, gaar haan khilaafka Fedraalka iyo Jubbaland oo in muddo ah soo jiitamayay.

Bilihii la soo dhaafay Fedraalka iyo Jubbaland mid walba waxa uu adeegsaday waraaqihiisii siyaasaddeed oo uu u arkayay inuu ku meel-marin karo qorshihiisa, suuragalse uma noqon in midkoodna kan kale u duso oo uu difaaciisa jebiyo, marka laga reebo xag-xagasho iyo gacan-togaalaysi sii kordhinaya murugsanaanta xaaladdaha siyaaddaseed iyo kuwa bulsho ee ka jira deeganadaas.

Kol haddii xilligii madaxda Federaalku gabaabsi yahay, muddo sanad ka yarna la qorshaynayo in loo dareero doorashooyinka baarlamaanka, hawlaha Federaalka looga fadhiyo inay dhamaystiraanna ay fara-badan yihiin, taas oo qeyb kamid ah ay tahay hagaajinta xiriirka wada-shaqayn ee kala dhexeeya maamul-goboleedyada si la isula jaan-gooyo qorshaha sugidda amniga, deyn cafinta, dhamaystirka dastuurka iyo doorashooyinka, is-fahamka Dhuusamareebna uu muujiyay dhabaha cusub ee Federaalku u qaaday xallinta khilaafaadka siyaasiga ah, waxaa qumman in wadaxaajoodka Federaalka iyo Jubbaland uu noqdo tillaabada xigta ee mudnaanta leh.

Jubbaland ayaan sinaba uga baaqsan karin wadaxaajood ay la gasho Federaalka, kaas oo u suuragelinaya inay dib u dardargeliso maamulkeeda oo ay habacsanaan badani soo waajahaday khilaafka kadib, iyadoo saamayntaasu aanay ku koobnayn maamulka oo keliya balse hoos ugu daadagtay bulshada.

M/weyne. Axmed Madoobe iyo M/weyne Farmaajo

Astaamaha ay wadaagaan hoggaanka Jubbaland iyo Ahlu Sunna ayaa ah inay labaduba siyaasadda ka soo galeen albaab qura oo ah inay deegaanadooda ka saaraan Alshabaab iyaga oo maleeshiyadii ay hoggaaminayeen Raas Kaambooni (Jubbaland) iyo Ahlu Sunna (Galmudug) oo gacan ka helayay beesha caalamka ay ku guuleysteen inay iska-caabbiyaan Alshabaab. Waxayse maanta ku kala duwan yihiin in Raas Kaambooni uu ku milmay Jubbaland oo aanu ahayn koox gooni u taagan, halka Ahlu Sunna ay weli gooni u taagan tahay, waxaase xusid mudan inay weli ka midaysan yihiin baahida loo qabo inay gaarka ka hayaan in Alshabaab dib ula wareego deegaanada ay ka taliyaan.

Haddaba haddii wadashaqaynta iyo iskaashigu ay lama-huraan u yihiin Federaalka iyo Jubbaland, beesha caalmkuna danaynayso in laga gudbo is-mariwaaga u dhexeeya labada dhinac, is-fahamka Dhuusamareebna aanu ka marnayn “Sidee xeego loo xagtaa ilkana ku nabad-galaan” ?

Waxaan laga fursanayn in Federaalku la yimaado go’aan geesinimo oo uu kula xaajoonayo Jubbaland.

Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.