Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Hoggaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida: Maxaa Daran, Maxaa Dan ah?

W.Q. Xasan C. Madar

Marka ummad, dad, bulsho ka xorowdo cadaadis gumaysi shisheeye ama kelitalis sokeeye oo noloshooda si adag u taabtay, farxadda iyo reyreynta degdegga ah ka sokow, waxa ay xejin waayaan nimcada xorriyadda oo waxa ay u ekaadaan kuwo si aan muuqan ugu muhanaya dhibaatadii ay dhowaan uun ka soo baxeen, maxaayeelay dhibaatada ayaa noqotay mid noloshooda si adag ula falgashay oo ay si ahaan ula qabsadeen ama u qaayibeen. Isbeddelka cusub ee xorriyaddu markaa waxa uu u baahan yahay la qabsi cusub, inta nidaamka cusub lala qabsanayana xorriyadda cusubi halis bay gashaa, waxana ay khalkhalisaa maamulka cusub ee dawladeed.

Dareen sidaas ah baa laga dhadhansan karaa degaanka soomaalida  Itoobiya iyada oo dad badani durba ka badbadiyeen ku sugnaanta xaydaabkii macaanka xorriyadda ay heleen iyaga oo soohdinta dhinaca shishe ee qadhaadh uga tallaabaya. Layaab maleh oo waxa ay u baahan yihiin cid muddo ku ilaalisa ku sugnaanta xayndaabka xorriyadda. Arrin degaankan u gaar ah ma aha, waase mid dadyowga dunida ee dhibaato isku mid ah soo maray ka siman yihiin.

Intaa waxa dheer kooxo kala duwan oo iyagu isku hawla ka faa’iidaysiga debeca xorriyadda oo abuurma ama madaxa la soo kaca xaaladahan oo kale. Waxa soo baxa kooxo isku arka inay isbeddelka qayb ka ahaayeen oo ay tahay inay wax walba iyagu helaan, jihaynta siyaasadda iyo dhaqaalahana iyagu cid walba ka yeeshaan, haddii ay tooda noqon weydana olole mucaarad aloosa. Maamulka cusub dhiniciisa wuxu aad iskaga dhowraa wixii xanaf iyo xurguf u keenaya xorriyadda, wuxu xasuusan yahay wixii la soo maray oo iskuma dayo inuu si adag uga falceliyo diidmooyinka ka hor imanaya. Halkaa waxa ka dhasha debec maamul oo ka dhasha tudhaalaha dawladda ka dhalatay dulmiga. 

Marka debecsanaantaasi timaaddo waxa iyana madaxa la soo kaca kooxihii nidaamkii hore qaybta ka ahaa oo debeca maamul iyo xorriyadda isku daya inay si qaldan uga faaiidaystaan oo saaxadda ku soo noqdaan iyaga oo midabgeddistay oo muuqaal miskiin isku yeelay, hawshooduna tahay furfurista iyo fashilka nidaamkan wanaagsan ee iyaga ka dambeeyey si dulmigoodii u noqdo mid dib loogu xiiso.

Xaaladda sidaas ah bay ku sugantahay Dawlad Deegaanka soomaalida, madaxweynaha oo dulmiga isbeddelku ka dhashay qof ahaan iyo qoys ahaanba u taabtay, inta aan ka arkayno, wuxu ku dedaalayaa inaanay wiiqmin xorriyaddii la helay dulmi adag kadib. Sidaas darteed buu iskugu deyayaa inuu cid kasta oo gobolka deggan isbeddelka ka qayb geliyo, qabaa’ilka soomaalidana isku dayo inuu soo wada dhoweeyo oo itaalkii u simo xuquuqaha ay leeyihiin. Taas mid la wada jeclaanayo ma noqonayso oo dad badan oo si weyn loogu arkayey inay sedbursadeen iyaguna isa siiyey sed aanay lahayn ayaa si adag uga hor imanaya. Dadkaasi waxa ay u badanyihiin qabiilka guud ee madaxweynaha qudhiisa, kumase koobna. 

Madaxweyne kasta oo xaalad sidan ah ku sugani wuxu isku dayaa inuu isku miisaamo laba arrimood: inuu xorriyadda iyo dimuqraadiyadda sugo iyo inuu ka fogaado intii itaalkii ah adeegsiga gacan adag inta sharcigu u oggolyahay. Dantu waxa ay ku jirtaa in dadku si debecsan oo xor ah u noolaadaan iyaga oo tabashooyinkooda u muujinaya qaab nabadeed iyaga oo ka fogaanaya qas iyo qalalaase, dawladduna ay markaa u dhego yeelato. Haddii labada dhinac sidaa noqon waayaan waxa imanaysa in dadweynuhu si qalalaase ah dareenkooda u muujiyaan iyaga oo ku kacaya rabshado nabadda iyo xasilloonida waxyeela, dadka dhulka wada degganna qaybiya, dawladduna markaa waxa ay kaga falcelinaysaa jawaab adag oo maamulka iyo shacabka kala fogaysa. Taas waa in mar kasta laga fogaado. DDS waxa ay wax ka baran kartaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ay deriswadaag bulsho, dhaqan iyo soohdimeed yihiin, laguna majeerto xorriyad, furfurnaan iyo dimuqraadiyad marka la eego dawladaha gobolkan geeska Africa. Sababta sidaa loo yeelayaa waxa weeye in dawladda iyo dadkuba waqti u helaan ka shaqaynta adeegyo bulsho oo ummadda wada gaadha iyo horumar halka la taaganyahay looga sii gudbo.

Waxa kale oo iyaguna Madaxweynaha darafka haysta qabaa’il dhulka deggan se intii rejiimkii hore xukunka haystay u arka in meesha laga saaray xuquuqihii ay lahaayeen iyo sedkii saami-wadaag ee dawladda. Tanina waa arrin u baahan in fiiro iyo deggannaan lagu wajaho, go’aanno aan cid walba raalligelinna laga qaato.

Maxaa halis ku ah Madaxweynaha?

Marka aan soo ururinno, arrimaha halista ku ah xilgudashada madaxweynaha iyo ka libkeenka himiladiisa waxa ka mid ah:

  • Qabiilkiisa oo u arki kara isbeddelka uu samaynayo mid waa siin kara sed ay leeyihiin iyo iyada oo reerka uu ka dhashay madaxweynihii ka horreeyey ay ficiltan reernimo oo salka ku haya qabyaalad iyo dano ay kala hor yimaadaan. Reeruhu sidooda mushkilad uma aha, balse waxa ay u nuglaan karaan qofafka danaha sisaasadeed ee gaarka ah leh.
  • Qabaa’ilka kale oo isha ku haya sida uu Madaxweynuhu u sameeyo isbeddel u cuntama oo sed ay u arkayeen in laga duudsiyey filaya inuu soo celiyo
  • Soomaalida soomaaliyadii hore oo iyagana badhkood isku arka inay hayb-wadaag la yihiin Madaxweynaha iyo iyaga oo uu soo jiitay dareenka soomaaliweynimo ee uu astaanta u yahay calanka buluugga ah ee Jigjiga ka hely soodhoweynta uu ka waayey soomaaliyadii lahayd.
  • Aragtida dawladda federaalka iyo qoomiyadaha kale ee Itoobiya oo u arki kara DDSI mid ka go’an Itoobiya inteeda kale dhaqan ahaan, siyaasad ahaan iyo dareen ahaan oo u janjeedha dhinaca soomaalida dalalka kale kolka laga eego shucuurta dadka, muuqaalka calanka buluugga ah ee jigjiga iyo khudbadaha madaxda siyaasadda DDSI oo muujiya soomaalinimo halkay ka muujin lahaayeen Itoobiyaannimo taas oo mindhaa weli tilmaan u ah magaca soomaalida Itoobiya. Miyuu jiraa magac ah tusaale ahaan  Canfarta Itoobiya, Tigreega Itoobiya…?
  • Jabhadihii dagaallamayey oo magaca “Ogaden” ku heli kara taageero qabiil, magacaas oo qabaa’ilka kale ee DDS ay xasaasiyad ka qabaan, ayna ka doorbidi lahaayeen magac kasta oo kale sida DDS, soomaali galbeed, iwm.
  • Xildoon iyo xukundoon mar walba u taagan siday dawladda meel uga heli lahaayeen ama madaxweynaha ay jagada uga riixan lahaayeen, haddii ay ka waayaanna u fashilin lahaayeen. Waa arrin caadi ah ayse tahay in aanay dib u celin dedaallada dhismaya ee kor u socda.

Maxaa la gudboon Madaxweynaha?

  • Inuu yeesho feejignaanta iyo awoodda hoggaamineed ee uu aragtiyahaa kala duwan ee ku gedaaman iyo sidii uu iskugu wadi lahaa. Aragtiyahaas oo ka imanaya aqoonyahan, qurbajoog, jabhado, taageerayashaa rejiimkii uu beddelay, qabaa’il kala duwan, siyaasiyiin  iyo siyaasiyiinta Itoobiyada kale
  • In aan loo dhexayn isaga iyo dawladda federaalka, xidhiidh wacanna uu u abuuro qoomiyadda soomaalida iyo qoomiyadaha kale ee dalka gaar ahaan kuwo la deriska ah soomaalida. Iskaashiga iyo isfahanku waa u lafdhabar guulaha siyaasadda.
  • In uu iska ururiyo siyaasadda soomaailyadii hore iyo calankeeda buluugga ah oo uu u arko deris ay tahay in xidhiidh sokeeye oo dhow la yeesho, la iskaashado, balse siyaasadda iyo soomaalinimadu kala laba yihiin.
  • In aragti qabiil oo aan meelna saldhigan karin lagu beer laxawsado.
  • Inuu isaga oo xorriyadda qofka dhowrayo ku ad-adkaado fulinta sharciga.
  • In uu iska illaawo qadiyaddii soomaaliweyn ee dib u dhaca ballaadhan, colaadaha iyo xasillooni darrada u keentay dalalka gobolkan iyo gaar ahaan qoomiyadda soomaalida oo ay qayrkood ka reebtay. Guuldarro guul lagama raadiyo sidaa darteed waa inuu garto dhinaca guushu ka xigto, inta ay u jirto iyo waxa kaga baxaya.
  • Inuu isha kor u hayo, dhegtana dhulka ku hayo si uu u maqlo dhawaaqa kiisa sare, fogaanna wax uga arko. 
  • Inuu reebo taariikh isbeddel horusocod ah oo aan dabadii dib u soo noqon, wanaagga  isbeddelku keenayna noqdo mid waara.
  • Inuu abuuro fac ku midaysan aragti oo ka fayow qabyaalad iyo dano soke.

Arrimahaas aan tilmaannay ma aha kuwo si fudud loo maareyn karo ama looga gudbi karo. Waxa ay u baahanyihiin dhaqaale, ilbaxnimo bulsho, biseyl siyaasadeed, xidhiidh diblomaasiyadeed iyo indheergaradnimo, intubana way ku yaryihiin siyaasiyiinta iyo bulshada soomaalida guud ahaan. Waa sababta soomaalida ku nool dawlado kale sida Soomaaliya, Kiiniya,  Somaliland iyo Jabuuti ay isugu arkaan kuwo wax ku leh degaanka DDSI oo ay tahay inay faraha kula jiraan siyaasaddiisa, taas oo si ahaan la odhan karo waxa ugu wacan degaankan oo ah degaanka keliya ee badiba qabaa’ilka soomaalidu degsiimooyin ku leeyihiin, ha ku kala badnaadeene. Sidoo kale waa sababta culayska siyaasadeed ee deegaankani uu uga badan yahay ka Soomaaliya, Somaliland, Kiiniya iyo Jabuuti, maxaayeelay ka sokow qabaa’ilka soomaalida ee dalalkaas, waxa aan marna faraha kala bixin madaxda iyo siyaasiyiinta dalalkaas. 

Inta faragelintaasi jirto nidaamka dimuqraadiyadeed, horumar bulsho iyo siyaasadeed ee gobolkani wuxu noqonayaa mid liita. Haddii habdhaqankaas aan wax iska beddelin, halkii gobolku wax la qabsan lahaa Itoobiyada weyn ee boqolka milyan kor u dhaaftay ee uu xuquuqdiisa u soo dhacsan lahaa, siyaasadda sare ee hoggaaminta Itoobiyada federaalkana u hanan lahaa markiisa, waxa uu ku mashquuli doonaa oo cid kasta oo madax u noqota waqtigu kaga lumi doonaa maareynta siyaasadda gudaha gobolka, xafiiltankaa hoose iyo faragelinta siyaasiyadda soomaalida ka baxsan degaanka.

Inkasta oo madaxda Afrika oo dhammi yihiin maamulayaal dalalkooda u maamula yurub, ameerika iyo shisheeye kale, haddana qaarkood khaslado hoggaamineed waa ku jiraan kuwaasna waa lala dagaalaa, maamulayaasha qudhooduna way isa sii muquuniyaan halkay iska kaashan lahaayeen. Arrintaasi waa in hoggaanka dawlad degaanku ku baraarugsanaado oo tisqaadka hoggaaminta iyo tayeynta maamulka isku daro.

Mustafe M. Cumar

Haddaba, maamulka Madaxweyne Mustafe M. Cumar iyo isaguba gaar ahaan wuu haybsan karaa halka ugu sarraysa, soomaalida degaankana fursad baa u taal aan la garanayn si ay mar kale ku soo mari doonto, sidaa darteed aqoonyahanka iyo siyaasiyiintu waa inay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa kala shaqeeyaan ka libkeenka arrintaa. Xilligan waa in la iska illaawo dano gaar ah, kursi kalariixasho qabiil salka ku haysa, tartanka iman doonaana noqdo mid hufan, dimuqraadi ah oo ummadda midaynaya aanse hayb qabiil ku qaybinayn. Aragti ha lagu qaybanaadee qabiil yaan lagu qabysanaan.  Ha la arko sawirka weyn ee in qoomiyado kale wax lala wadaagayo, tahayna in loo taliyoh balse aan gudaha iyo sawirrada qabiil iyo gobol dib loogu soo noqon. Si gaar ah waxa Madaxweynaha u taal meelmarinta himiladaa, waanan ku tuhmayaa inuu hoggaaminteeda iyo aqoonteedaba leeyahay, ifafaalaha mustaqbalku ma xuma, yuhuunta walaalnimo ee abuurayna waa mid durba midhaheedii laga arkayo sida soomaalida DDS talada sare ee dawladda fedraalka uga gaadhay meelo aanay abid hore u gaadhin. Waa mid lagu mahadiyo, Ilaahay ka sokow, iskaashiga hoggaanka DDSI iyo madaxda kale ee heer federal.

Ugu dambayn, digniintu waxay tahay in wixii soomaaliyadii soomaaliya burburiyey uu burburin karo soomaalida Itoobiya, taas oo ah: In loo arko in soomaalidu dhulkan iyo dawladnimadiisa si siman u wada leedahay. Soomaaliya waxa laga dhigay meel soomaalidu wada leedahay, kadibna waxa ay noqotay meel aan cidina lahayn, meel aan cidi lahayna cidi ma lexejeclayso oo ma ilaashato, dabeeto waa tii burburtay. Deegaan walba soomaalida deggani ha wada lahaato, oo yaan qabiilnimo lagu wada yeelan weeye taladu, waxanay ku urursantahay:

Ama waxaydin noqon 

Alla doorigii lagu iishayee

Adhax lagaga jabay

Ama ubad sanoo

Ifka aayo iyo

 Intifaac ka taga

Ka dambe ayeydun noqon Insha’Allaah.

W.Q. Xasan Cabdi Madar

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.