Hay’addaha Amniga Puntland oo warabixn ka soo saaray falkii argagixiso ee ka dhacay xarunta Shirkadda Almacruuf ee Boosaaso

Hay’addaha Amniga Puntland oo warabixn ka soo saaray falkii argagixiso ee ka dhacay xarunta Shirkadda Almacruuf ee Boosaaso

Boosaaso (WDN)- Hay’addaha Amniga ayaa warabixn ka soo saaray falkii argagixiso ee ka dhacay xarunta Shirkadda Almacruuf ee Boosaaso, sida lagu qoray warbixin uu daabacay Booliska Puntland. 

“Hay’adaha Amnigu waxay aqoonsadeen ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee ka dhacay Shirkadda Almacruuf waxaana wax looga qaban doonaa sida ugu dhaqsaha badan” ayaa lagu yiri Warbixinta. 

Warbixantan oo lagu daabacay barta Facebook-ga ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa u qornayd sidan: 

Hay’addaha Amniga Puntland oo warabixn ka soo saaray falkii argagixiso ee ka dhacay xarunta Shirkadda Almacruuf ee Boosaaso

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Mumin Cabdi Shire oo ka qayb galay shirka Amniga Gobolka Bari oo todobaadkan looga hadlay howlgadii amni ugu danbeeyay ee lagasameeyay Gobolka Bari. 

Shirka waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha gobolka Bari,Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka,Duqa degmada boosaaso,Taliyaha ciidanka Daraawiishta,Taliyaha nabadsugida,wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo saraakiil kale. 

Shirka ayaa laga soosaaray qodobadan hoos ku xusan. 

1. Guddiga Amniga marka hore wuxuu ka tacsiyeynayaa, xanuunka la qaybsaneynaa qoysaskii ay ka baxeen labadii muwaadin ee ku shahiiday falkii argagixiso ee ka dhacay xarunta Shirkadda ganacsiga Al-macruuf ee magaalada Boosaso taariikhdu markey ahayd 5th April, 2023, sidoo kale waxaan xanuunka la  qaybsaneynaa guud ahaan ganacsatada gaar ahaan maamulka, mulkiilayaasha iyo shaqaalaha Shirkadda ganacsiga Al-macruuf oo argagixisadu ay xoolahoodii gubtay falkaas oo ahaa fal ku cusub deegaanada Puntland laguna banaystay dhiiga iyo maalka Muwaadiniin Soomaaliyeed. 

2. Guddiga Amniga Dawladda Puntland wuxuu dardargalin iyo xoojin amino ka bilaabay guud ahaan Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosaso si argagixisada looga sifeeyo gacantana loogu soo dhigo kuwii fuliyey falkii waxashnimada ahaa ee lagu beegsada shirkadda ganacsiga Al-macruuf xarunteeda Bosaso. 

3. Hayádaha Amnigu waxay aqoonsadeen ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee ka dhacay Shirkadda Almacruuf waxaana wax looga qaban doonaa sida ugu dhaqsaha badan. 

4. Guddiga Amnigu wuxuu farayaa Maamulka, masuuliyiinta iyo mulkiilayaasha shirkaddaha ganacsiga iney wadashaqayn la yeeshaan Hay’addaha amniga Puntland ee ka hawlgala magaalada Bosaso, si ay ula wadaagaan wixii culays amni la xiriira ee ku soo kordha shirkaddaha iyo shaqaalohooda. 

5. Gudsiga Amnigu wuxuu farayaa shirkadaha ganacsiga in ay wax ka bedelaan habka amnigooda gudaha sida ilaalada xarumaha ganacsiga, Kaamirooyinka qarsoon(CCTV), sidoo kale waa iney dab-damis u sameyaan xarumoohada. 

6. Guddiga Amnigu wuxuu ogaysiinayaa Shirkadaha isgaarsiinta iyo lacagaha danabaysan (electronic money) ee aan u marin hab sharci ah markii ay muwaadiniinta u furayaa lambarada iyo akoonada lacagaha danabaysan lagu shubo in laga qaadi doono tallaabo sharci, sidaas awgeed shirkaddii lagu helo inay furtay lambar iyo akoon aan waafaqsanayn habka u degsan ganacsi ama lagu ogaado inay la macaamishay shaqsi argagixiso ah, waxaa Dawladdu ka qaadaysaa tilaabo sharciga waafaqsan, waxayna qaadayaan masuuliyadda dadkii iyo ganacsatadii lagu dhibaateeyey lambarada iyo akoonada ay u fureen argagixisada. 

7. Hay’adaha Amniga Puntland waxay diyaar u yihiin iney si dhow u la shaqeeyaan shacabka, kana qaataan wixii xog amni ah ay soo gudbiyaan, shacabka waxaa laga codsanayaa iney kor u qaadaan heerka feejignaanta, xiriirka iyo wadashaqaynta ay la leeyihiin Hay’addaha amniga Puntland.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.