Hay’adda lacagta aduunka oo sheegtay in ay la shaqayn doonto dawladda Soomaaliya iyo hay’addaheeda Maaliyadda

Hay’adda lacagta aduunka oo sheegtay in ay la shaqayn doonto dawladda Soomaaliya iyo hay’addaheeda Maaliyadda

Muqdisho (WDN)- Dawladda Soomaaliya iyo hay’adda lacagta Adduunka  ee IMF, ayaa gaarey heshiis ku aadan geedi socodka deyn Cafinta Soomaaliya iyo dib u eegista wajiyada 2aad iyo 3aad barnaaminka ECF ee dib u qaabaynta hanaanka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Hay’adda IMF ayaa sheegtey in ay sii wadi doonto wada shaqayntii kala dhaxeysay dawladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda Maaliyadda.  IMF ayaa tilmaamtey in dhaqaalaha Soomaaliya sare u kac uu sameeyey, ayadoo dhibaatooyin badan dhaceen sida abaaraha iyo amni darida deegaano badan ka jira.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya  Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo heshiiskan ka hadlay ayaa yiri “Waxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka”.

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa waxaa  socdey wada hadalo u dhaxeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda lacagta adduunka  IMF.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ee dhawaan la doortey md. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeygb galay dhawaan wadahadal fogaan arag ahaa, waxaa ka ayaa la wadaagey qorshayaasha dawladiisa ee ku aadan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo IMF ka codsadey in ay sare u qaado wada shaqayntii iyo iskaashigii ay la lahayd dawladda Soomaaliya.

15-kii bishaan ayey ahayd markii Soomaaliya ay dooratey madaxweyne cusub oo dalka maamuli doonta 4ta sano ee soo socota . Waxaana umadda Soomaaliyeed dawladda cusub ka rajaynaysaa waxqabad wax ku ool ah la timaaddo.

Maxamed Cumar Aaden
Wardheernews, Muqdisho.