Muqdisho (WDN)- Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF, ayaa soo saartay warbixin ku aadan qiimeynta barnaamijka ECF ( Extended Credit Facility) ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo habraaca geedi socodka deyn cafinta. Kaasi oo dadaal badan ay ku bixisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

IMF ayaa sheegtay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka gudubtay dhammaan sharuudihii loo dajiyay in lagu horumariyo hannaanka kobcinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya ee loo yaqaano ECF, kaas oo sidoo kale ah hannaan lagu hago habka deyn cafinta.
Warbixinta hay’adda lacagta aduunka ayaa lagu yiri “ Wadatashigii waafaqsanaa Qodobka 4-aad ee u dhaxeeyay IMF iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-eegistii afaraad ee mashruuca deyn cafinta Soomaaliya ECF waxa ay muujineysaa isbeddel xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah, iyadoo ay waddanka saameeyaan xaaladaha ka dhashay isbeddelada cimilada iyo dhaqaale xumida adduunka soo wajahday ee ka dhashay karantiilka caabuqa Covid 19” .
Guddiga Sare ee IMF ayaa waxa ay si wayn loogu xusey in waxqabadka barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha uu ahaa mid xooggan, waxayna ku amaaneen horumarka joogtada ah ee ay dowladda federaalka ka sameyneyso geeddi socodka barnaamijka deyn cafinta (HIPC) ee u gogol xaaraya in la gaaro dhammaadka sanadka 2023 ee dhamaystirka deyn cafinta Soomaaliya.
Guddiga Sare ee IMF ayaa ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelinta hannaanka dib u habeynta maaliyadda si kor loogu qaado dakhliga gudaha, waxayna soo jeediyeen in dadaal dheeri ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku bixiso siyaasadda canshuuraha iyo dib u habeynta iyo daah furnaanta maamulka, oo ay ku jiraan casriyeynta laamaha canshuur qaadista iyo dhameystirka sharciga canshuuraha dalka.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa soo dhaweeyay warbixinta hay”adda lacagta aduunka ee ku saabsan in Soomaaliya guulo weyn ka gaartey hanaanka dib ueegista 4-aad ee barnaamijka ECF ee deyn cafinta iyo dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya waxa uuna yiri “Waxa aan soo dhaweynayaa warbixinta wax ku oolka ah ee ka soo baxday guddiga sare hay’adda IMF ee ku saabsan natajiida ka dhalatay shirarkii iyo wadatashiyadii aan ka yeellanay dib u eegistii 4-aad ee barnaamijka ECF ee dib u habeynta hannaanka maaliyadda dalka iyo dhamaystirka arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.
Warbixinta IMF ayaa waxa ay guul wax ku ool ah u tahay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dadaalo badan ku bixisay sidii lagu cafin lahaa deynta Soomaaliya lagu leeyahay oo balaayiin dollar gaareysa, waxa ayna wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo ku aadan horumarinta maareynta maaliyadda dalka iyo casriyeyntiisa ayadoo sidoo kale la dagaalantey musuqa maaliyadeed ee lunsashada hantida qaranka.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
