Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Hargeysa: Qoysas ka soo barakacay colaad oo cunno yari iyo hoy xumo wajahaya

Caasho Cabdullaahi iyo saddex carruurteeda ah oo cunno yari ay hayso/Naciimo Siciid/Ergo

Caasho Cabdullaahi iyo carruurteeda waxay dulsaar ku yihiin qoys ka kooban lix qof oo la daalacaya helidda nolol maalmeedka. Waxay u awoodaan hal qol oo cabirkiisu yahay labo mitir oo habeenkii ay carruurta kula xarooto.

Haweeynadan iyo oo haysata afar carruur ah oo agoon ah ayaa hal waqti maalintii oo dhan hesha wax ay cunaan. Waxay sheegtay in mararka qaar ay ay maciin bidaan maqaayadaha oo ka soo helaan cunnooyinka soo hara.

Wuxuu qoyskeedu ka mid yahay boqolaal qoys oo ka soo cararay colaad ka jirta gobolka Sitti ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxay nolol adag ku wajahayaan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

“Dad wax sita ma nihin. Dad wax haysta ma nihin. Waxaan nahay dad barakac ah oo nolosha ay ku adag tahay. Weli wax na kafaala qaada maanan helin. wax shaqo ah weli maanan helin. Weli xaalada nolosheenna waa adag tahay.”

Dadkan oo u badan waayeel haween carruur haysta ayaa ku tiirsanaa dhaqaale ay ka heli jireen tuugsi. Waxay subixii ku kallihi jireen dukaamada oo siin jiray saddaqo joogta ah. Somaliland ayaa soo saartay amar ay ganacsatada ugu sheegtay inay aysan lacag siin karin dadka aan ka soo jeedin deegaannadeeda.

Caasho ayaa sheegtay in lacag ugu badnaan hal doollar ay soo heli jirtay markii ay soo tuugsi aaddo aysan helin saddexdii bil ee u dambeysay, taas oo sii adkeysay noloshooda.

Waxay xustay in noloshooda ay hadda tahay middii ugu adkeyd ee soo marta. Caasho ayaa xustay guriga ay ku nool yihiin uusan ka celin karin qabowga, isla markaana aysan awoodin in carruurta ay u iibiso Bustayaal iyo marakaneeco.

Waxay intaas ku dartay in ay waysay xiriirka qoyska ay ka soo jeeddo oo aysan war ka maqlin shantii bil ee la soo dhaafay, taasina ay ku abuurtay welwel joogta ah.

“Qoyskeyga xiriirradii aan ka hayeey way iga lumeen. Hadda kama war qabo inay dhinteen iyo inay nool yihiin. Rajada keliyee aan leeyahay waa inaan helo qof ka yimid deegaanka oo iga warrama xaaladda. Waxaa lay sheegaa in dagaalo dambeeyeen dhaceen, balse ma haysto meel aan kala xiriiro.”

Waxay bishii May ee sanadkan Caasho ka soo barakacday Degmada Tulli-guleed oo 60km waqooyiga uga beegan magaalada Jigjiga.

Inta ka hor inta aysan Hargaysa imaan nolosha qoyskeedu uu ku tiirsanaa saygeeda oo ahaa Fuundi. Waxay sheegtay in bishii Feberaayo ee sanadkaan lagu dilay dagaallada u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida ee gobolka Sitti.

Qoysaskan oo qaarkood ay dedgan yihiin guryo kiro ah ayaa awoodi waayay in ay iska bixiyaan lacagta billaha ah ee laga rabo. Waxaa qaar laga saaray guryaha halka kuwo kalena ay ka cabsi qabaan in banaanka loo dhigo carruurtooda.

Shamso Maxamed Ibraahim waxaa ku tiirsan qoyskeeda oo ka kooban lix qof, waxa ay ka tuugsataa waddooyinka magaalada Hargeysa si ay u hesho nolol maalmeedka Carrurteeda. Shamso waxaa ku adkaatay in ay dadka ka hesho wax dhaqaalle ah saddexdii toddobaad ee u dambeysay.

Waxay hadda hal waqti kaliya ku quudisaa qoyskeeda cunnooyinka ka soo hara maqaayaddaha ee laga soo helo xilliyada dambe ee habeenkii. Waxaa mar mar lagu xiraa si cuntaas loo siiyo in ay qabato shaqooyin ay ka mid tahay in alaabta ay dhaqdo.

Haweeynadan ayaa sheegtay in markii hore qoyska uu la caawin jiray saygeeda oo qaban jiray shaqo muruq-maal ah, balse hadda uu ka dhaawacan yahay lug oo uu ka jabay.

“Lacag ma jirto, shaqana waan kari waayay, sida aad u arkayso meel aan masaxo xitaa waan heli waayay. Saaka ayaan imaannay aniga carruurta ilaa hadda waxba maanaan helin. Caawa casho ma heysano. Waxaan ku sheegaa walaal dhibaato ayaa na haysata.”

Shamso ayaa sheegtay in ay awoodi waayeen in ay bixiyaan lacagta guriga ay ku nool yihiin oo ah qol saddex mitir ah oo buush ah. Bishii boqol iyo kontan shilin oo lacagta Somaliland ah ayaa laga rabaa in ay bixiyaan.

Bishii May ee sanadkan ayay kasoo barakacday gobolka Sitti ee Dowlad-deegaanka Soomaalida markii ay saameyeen dagaallada Canfarta iyo Soomaalida. Waxay ahayd xoolo dhaqato ku nool caanaha iyo hilibka oo ay geyn jirtay magaalooyinka.

Shamso iyo qoyskeeda oo ku nool xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in ay tahay xaamilo oo ay ku adag tahay in ay u adkeysato qabowga daran ee dhacaya haddii guriga laga saaro.

“Iga baxa ayuu leeyahay ninka guriga iska leh. Maxaan sameeyaa Ilaah ayaa sidaasi noo galaye. Saddexdii bilood ee la soo dhaafay ayaa nagu la leeyahay. Guiga waa kiro aniga iyo carruurta iyo odaygana waa nagu filan yahay. Hadda waan ku nabad galnaa balse haddii naga saaro sidee la yeelaya.!”

Dad isugu jira qaxooti iyo barakac ay tiradoodu gaarayso 16,576 qoys oo ka kala yimid dalka Itoobiya, Koonfurta Soomaaliya iyo gudaha Somaliland ayaa ku nool magaalada Hargeysa.

Hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha ee Somaliland ayaa sheegtay in qoysaskan xaaladda nolol xumada ah wajahaya aysan haysan kararka qaxootiga ee ay bixiso hay’adda.

Madaxa diwaangalinta hay’adda u qaabilsan hay’adda Hana Cabdisalaan ayaa sheegtay in sababta aan dadkan weli loo gaarsiin gargaar in ay tahay in aysan diwaanka ugu jirin oo aysan soo gudbin hay’adda Socdaalka ee Somaliland.

Waxay Raadiyow Ergo uga warrantay in taageerada ay qaxootiga siiyaan iyo waxa ay kala socdaan dadka ku dhibaateysan magaalada Hargeysa.

“Waxaa jirta adeegyo loo qabto dadka qaxootiga ah. Waxaa ka mid ah in dadka la siiyo lacag kab ah. Lacagtaas waxa loogu tala galay dadka ay noloshooda ay adag tahay ama qoysaska badan ah. Qof kasta oo aan ka diwaangasheyn hay’addan kuma jirto mandate ay leedahay. Hay’adda socdaalka ayaa u madax banaan dadka soo galaya dalka.

Hana ayaa sheegtay in ay jiraan qoysas la mid ah dadkan oo taageero dhaqaale ay siiso hay’adda oo kaashanaysa hay’addaha ka shaqeeya Arrimaha samafalka ee fadhigoodu yahay Somaliland balse ay ku xiran tahay in la diiwaangeliyo.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.