Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Hargeysa: Hoygii Qoraalka!

Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)

Ammin lagu hilaadiyo laba toban-tirsi( labaatan sano ka hor) ayaan akhrin jiray qalinlayda Carabta oo yidhaahda: Qaahira ayaa wax qorta, Bayruudna way daabacdaa, halka Khartuumna ay akhriso. 

Hargeysa

Imminka, geyiga Soomaaliyeed waxaa ugu wax soo saar badan dhinaca wax qorista reer Hargeysa. Marka aan sidaa leeyahay, ulama jeedo magaalo ahaan, ee waxaan uga jeedaa dadka waqooyiga Soomaaliya dega oo dhan bay noqon karaan cidda sifayaalahaa xambaarsani.

Qoraalkaygaan waa mid cabbiraya aragtidayda aqoonyahan ee daneeya buug uruurinta, ee ma ahan mid ay wax kale daabanyihiin. Muddo dhawr sano ah ayay “Hargeysa” ii tahay meel aan buugta ka dalbado, buuggii cusub ee soo baxana aan markiiba ka helo. Saaxiibkay abwaan Yuusuf Shaacir ayaa mar kasta ila socodsiiya buuggii cusub ee soo baxaba, maalinkii shalay ahaa ayuuna ila soo xiriiray oo ii sheegay in uu ii hayo buug cusub oo dhawaan soo baxay looguna wan-qalay “Afka Hooyo waa Hodan” oo uu qoray Alle ha u naxariistee- Maxamed Baashe Xaaji Xasan. 

Hargeysa waa siduu hobolkii reer Jabuuti Cawaale Aadan tilmaamay oo ku heesay “ Hibo eebbe siiyiyo hawraarta Maansada…”. Waa hal-abuur Eebbe ku galladay ayaan odhan karaa wax qorista iyo buug soo saarista ay hadda -Soomaali inteeda kale- hogganka ugu yihiin.

Buugtii u dambeeyay ee aan akhriyo

Marka laga yimaado buugta aan afka carabiga ku akhriyay, haddaan tusaale u soo qaato kuwii ugu dambeeyay ee aan afkeenna hooyo ku akhriyo waxay kala ahaayeen:- 

1- Ma innaguun baa! Oo uu qoray Siciid Jaamac. Waa buug aanu Siciid Jaamac oo ah ruux aan aad saaxiibbo u nahay aanu ii sheegin markii hore, balse aan gadaal ka ogaaday in uu leeyahay buug cinwaankaas xambaarsan. 

2- Adduun iyo taladii waxaa qoray Rashiid Sh.Cabdullaahi, horay qoraagaas waxaan uga akhriyay buug kale ee uu qoray oo la magac baxay “Qaran iyo Qabiil” 

3- Kacaa-kufka Siyaasadda Soomaalida: waa xasuus-qor laga qoray Ismaaciil Cali Abokor.

4- War-jire: waxaa qoray saxafigii BBC-da muddada u shaqeenayay  Axmed Siciid Cige. Waa buug xog xambaarsan, waxaase ii muuqatay in deg deg lagu daabacay oo uu u baahnaa tifaftir xagga qoraalka ah. 

5- Taariikhda Soomaalida: Xogogaalnimo: Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib, waa buug xog fara badan xambaarsan, arartiisa hore uu Jeneraalku dagaal ku qaaday qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida, waxa kale oo aan ku arkay Jeneraalka oo qorista far-Soomaaliga si aan hore loo baran u qoraya; weliba daafacaya ra’yigiis ah in uu isagu ku saxanyahay sidaas. 

Shantaas  dhigane ee aan kor ku xusay waxaan u soo qaatay tusaale oo kaliya, way jiraan kuwa kale oo Hargeysa iiga yimid oo ay reer Hargeysa qoreen. Kuwaas baanse ku kaadtoomayaa.

Xusuus-qorrada

Xusuus-qorku waa dhigane lagu ururiyay waxyaalo dhab ahaan u soo mara qofka waayihiisa ama wixii uu u soo joogay. Qoraalada jaadkaas ah waxaan qabaa in ay calanka u sidaan reer Hargeysa. Xusuus-qorradii raadka igaga tagay waxaa ka mid ah mid uu qoray nin la yiraahdo Maxamed Siciid Gees uguna wan-qalay“Dharaaro Xusuustood”. Gees waa nin reer Sanaag ah, xilalse ka qabtay Somaliland, wuxuuna qoray xusuus-qorkaas aadka aan u jeclaystay qaab-qoraalkiisaa farshaxannimo. Waxaan kaloo bishii Ramadaan ee sannadkii hore gacantayda soo galay xusuus-qor laga qoray madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.

Xusuus-qorradii aan marnaba maskaxdayda ka baxayn waxaa ka mid ah: kii uu qoray Danjire/ Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ahaa danjire Soomaaliyeed muddo aad u badan, waayo-aragnimo dhinacaas ahna xambaarsanaa. Dhaxalna uga tagay Soomaalida dhinaca shaqooyinka diblomaasiyadda. 

Soomaalida kale badiba ma qoraan xusuus-qorradii ay soo mareen, waxaan anigu isku dayay siyaasiyiin mug ku lahaa ummadda Soomaaliyeed in aan ku qanciyo in ay xusuus-qorradooda umaadda u bandhigaan, waxayse dhinaca Alle u xijaanteen -qaarkood- iyagoon waxba qorin. Waana nasiib darro weyn arrinkaas! 

Maktabado casri ah

Arrinka kale ee aan arkay waxaa ka mid ah in “Hargeysa” ay la socoto dhinaca Taknaloojiyada casriga ah ee buug iibinta, waxaan mararka qaarkood ka dalban jiray buugta adeeg Online wax looga iibsado oo la yiraahdo “ Saami Online” , waxaa kaloo ka furan “ Aqoon-jire” oo iyaguna sidaan maqlay buugta Online ku iibiya. 

Maktabadaha sida xowliga leh ku socda waxaa ka mid ah “ Hiil Press” oo soo kordhisay in buugta afafka qalaad ku qoran la soo turjumo, qalinlay badan oo aan anigu ku jirana buug u daabacay. 

Waxaanan marna la ilaawi karin kaalinta dhallinyarada “Baraarug” oo ah dhalin reer Hargeysa u badan oo ku hawlan dhinac kaloo “Thaqaafi ah” oo kaalin mug leh ka qaadatay koboca aqoonta iyo wax akhriska. 

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay i xanuujisay geeridii ku timid Ustaada Layla Cabdullaahi oo Ahayd haweenay kaalin lixaad leh ka qaadatay dhinaca maktabadaha dalka iyo faafinta buugta, waxaan u ahaa macmiil ku taxan maktabadda “Al-Risaala” oo ka iibsada buugta fikriga u badan oo ay bahda qalinlayda carabtu qoraan.

Maktabadda kale ee Moqdisho ku taal ee la yiraahdo “ Al-Zaylac” qudheedu wax badan oo buug Soomaalidu qortay baa lagu iibiyaa. 

Shirkaddii ugu horraysay ee buug daabicidda Soomaalidu ogaalkay waa “Scansom” Maxamed Sheekh Xasan oo ah madaale aan nasan, noloshiisana waxaan buug ahayn aan ka shaqeyn, markii aan la sheekaysto runtii waan la yaabaa sida ninkaas dadaal ugu bixiyo buug daabicidda!

Baraarugga qoraalka Soomaalida ee iminka  hanaqaadaya wax badan baa sabab u ah, oo ay ugu horrayso dadaallada ay wadaan rag uu ku jiro Dr. Maxamed Daahir Afrax ( Aasasihii Somali Speaking Pen) oo ah hay’ad aruurisay qalinlay Soomaali oo dhan leh, dabadeedna bilaabay in ay dhisaan Akeedeemiyad-goboleed ku hawlan horumarinta afka Soomaaliga. 

Waxaa kaloo sabab u ah Bandhigyadii buugta ee ka hirgalay magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa iyo naadiyada akhriska oo aan filayao in ay iyana ka billaabmeen Hargeysa.

Gunnnaanadkii waxaan leeyahay wax lagu tartamo aqoontaa u wanaagsan, wax qoristuna waa madal na kulmin karta, waxaana ii muuqda in Hargeysa dhinacaas ay ku horumartay ee aan ku dayanno. Aqoontu waa dhabbada keliya ee aan Soomaali midaysan ku raadin karno, tallow dhinaca is- dhexgalka aqooneed ma ku fiirinnaa markaan in ay kalsoonidii luntay soo celin karto?!! Bal adba boowow!

Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)

Email: [email protected]


Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland, waana qoraa ka faallooda arrimaha Siyaasadda iyo Taariikhda.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.