Garowe, Eebbe naxariistii janno ha ka waraabiyee waxaa la soo sheegayaa in uu guddoomiyihii gobolka Nugaal ee dawlad goboleedka Puntlaan mar dhawayd ku geeriyooday isbitaalka magaalada garowe oo lagula tacaalayay dhawaawac culus oo ka soo gaadhay qarax ka dhashay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday caawa fiidkii.
Wararka ay helayso WardheerNews, ayaa sheegaya in weerarka uu geystay qof ismiidaamiyay lana beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Md. Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore ee qeybta Booliska gobolka Nugaal sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.
Weerarkan ayaa la sheegayaa in uu argagax weyn ku dhaliyay shacabka ku dhaqan magaalada Growe iyadoo deegaannada Puntland siiba magaalada caasimadda ee Garowe ay ahayd goob nabdoon oo aan looga baran qaraxyada noocan ah.
Ururka aragagixisada ee Al shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu sheegtay mas’uuliyadda qaraxan.
WardheerNews