Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Guddoomiyihii Gobolka Nugaal oo u Geeriyooday dhaawicii

Garowe, Eebbe naxariistii janno ha ka waraabiyee waxaa la soo sheegayaa in uu guddoomiyihii gobolka Nugaal ee dawlad goboleedka Puntlaan mar dhawayd ku geeriyooday isbitaalka magaalada garowe oo lagula tacaalayay dhawaawac culus oo ka soo gaadhay qarax ka dhashay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday caawa fiidkii.

Wararka ay helayso WardheerNews, ayaa sheegaya in weerarka uu geystay qof ismiidaamiyay lana beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Md. Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore ee qeybta Booliska gobolka Nugaal sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Weerarkan ayaa la sheegayaa in uu argagax weyn ku dhaliyay shacabka ku dhaqan magaalada Growe iyadoo deegaannada Puntland siiba magaalada caasimadda ee Garowe ay ahayd goob nabdoon oo aan looga baran qaraxyada noocan ah.

Ururka aragagixisada ee Al shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu sheegtay mas’uuliyadda qaraxan.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.