Wednesday, May 08, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kormeer ku tagay Teendhada Afasiyooni iyo beesha caalamka oo ka digtay dib udhac ku yimaada doorashada

Muqdisho (WDN)- Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),  ayaa maanta soo kormeerey goobta loo qorsheeyey in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee Teendhada Afasiyooni.

Goobta doorashada, ee xerada Afisiyoone,

Gudoomiyaha ayaa halkaasi kula kulmay saraakiisha hawlgalks ATMIS  ee dhawaan loo xilsaarey sugidda amniga goobta doorashada madaxweynaha ka dhacayso, waxa uuna kula dardaarmey in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan. Sidoo kalena ay iska ilaaliyaan wax xadgudub ah in ay ku kacaan.

Sheekh Aadan ayaa soo indho indheeyey guud ahaan Teendhada Afasiyooni, isagoo soo kormeerey halka ay mareyso qabanqaabada waxa uuna sidoo kale soo kormeerey goobaha la dajiyey ciidamada sugaya amniga.

Maalinta berri ah ayaa waxaa bilaaban doonta hadaljeedinta musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya. Waxaana ay socon doontaa muddo 2 maalmood ah, halka  maanta ay tahay maalinkii ugu danbeysay isdiiwaangelinta musharaxiinta.

Dhanka kale qoraal kasoo baxay Beesha caalamka ayaa lagu dhiirogaliyey habsami u socoshada hawlaha doorashooyinka ee ay wadaan guddiga isku dhafka ah ee labada aqal ee loo saarey doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Aadan Madoobe oo kormeer ku tagey goobta doorashada madaxweynaha JFS, ee Afisiyoone

Beesha caalamka ayaa ka digtey wax kasta dib udhac kale ku keeni kara qabsoomidda doorashada waqtigii loogu talogaley ee 15-ka May.

Waqtiga lagu beegay qabsoomidda doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah maalin aad qaali igu ah bulshada Soomaaliyeed, waana xuska 15-ka May maalinkii la aasaasay ururkii gobanimo doonka ee SYL.

Maxmed Cumar Aaden
Wardheernews, Muqdisho.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.