Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Isdiiwaangelinta musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lasoo gabagabaynayo

Muqdisho (WDN)- Maanta oo ah maalintii 3-aad uguna danbeysay isdiiwaangelinta musharaxiinta madaxweynaha  ayaa la filayaa in guddiga soo afjaro hawshaas kuna dhawaaqo tiradda guud ee musharaxiinta shuruudaha buuxisay ee 15-ka bishaan ku loolami doona doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo jadwalka hadaljeedinta.

Musharaxiinta maanta isdiiwaangelisey isla markaana la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimo waxaa kamid ah:

1. Saciid Cabdullaahi Deni -madaxweynaha maamulka Puntland iyo
2. Sakariye Maxamud Xaaji Cabdi.

Isdiiwaaangelinta musharaxiinta ayaa bilaabatay 8-da bishaan May waxaana isdiiwaangeliyey 10 musharax,halka maalintii shalay ahayd May 9 ay is diiwaangeliyeen 20 musharax. Waxaana kamid ah Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah haweenayda kaliya ee ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ku jirta.

Hadaljeedinta musharaxiinta xilka madaxweynaha  ayaa bilaabanaysa maalinta berri ah 11-ka May waxayna soconaysaa muddo 2 cisho ah. Waxaana musharaxwalba uu soo bandhigayaa qorshihiisa ku aadan doorashada.

Doorashada sanadkaan ayaa ah mid aad uga duwan doorashooyinkii hore marka laga eego dhanwalba, khilaafaadkii doorashada ka horeeyey ayaa abuurey in siyaasiyiintu laba garab noqdaan. Garab xulufo la ah kooxda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo siyaasiyiinta  mucaaradka ku ah oo garab kale ah.

Waxa iyana ku sugan magaalada Muqdisho oo dhinac kaga jira ol’olaha doorashada xilka madaxweynaha JFD, madaxda dowlad gobolleeyada, oo la kala safan qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweyanaha sida Axmed MAdoobe oo riixaya musharax Siciid Deni iyo Lafta Gareen oo xulafo la ah Farmaajo.

Maxamed Cumar Aden
Wardheernews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.