Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gorfeyn Buug: Adkaysi iyo Abaal!

Qoraha buugga: Dr Axmed Dalmar

Gorfeyntii: Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)

Macalinku waa Maskaxdii dunidoo Malaasan mowjadaheedu Kala miirtay ee Macneysay maankii qarsonaa

Erayadaas waa heestii uu codka halaasiga ah ku qaaday fannaankii Soomaliyeed ee Xasan Aadan Samenter; midhaha heestan waxaa allifay Xasan Sheekh Muumin (AHUN). Waxa aan heestan dhambaalkayga ugu ibba furay iyada oo ruuxa aan xasuus-qorkiisa ka warramayo uu yahay bare muddo 31 sano ah ku jiray xirfadda macallinnimo (1955-1986), kana soo billaabay kaaliye macallin ilaa uu noqday wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta.

Badiba, way yaryihiin in aan gorfeeyo oo qalinka aan u qaato sharrixidda, aragti ka dhiibashada; amase, muujinta dareenkayga ku aaddan dhigane aan akhriyay. Buugga Taariikh-nololeedka Cabdiraxmaan Cabdille Cismaan (Shuuke) ee cinwaankiisu yahay: “Adkaysi iyo Abaal” waa mid raad gooniya igu reebay.

Micnaha ugu weyn ee wax akhrintuna waa in uu guux kugu dhaliyo, xaaladdaadana uu wax ka baddalo, dhinacyada fakarka iyo sahanka nolosha. Odhaah ayaa ahayd: haddii aad rabtid ummad in aad horumariso xoogga saar waxbarashadeeda; qof waliba wuxuu noqdaa wixii la baray! Anigoo ka duulaya aragtidaas ayaan labo dhigane oo waxbarashada Soomaaliya ka hadlaya u galay baadidoon dheer. Mid ka mid ah waxaan akhriyay 2018kii waxaana qoray Aadan Maxamed Cali oo ugu magac daray xasuus-qorkiisa: “Maalmihii Noloshayda”. Aadan wuxuu soo qabtay xilka wasiirka waxbarashada Soomaliya. Dhiganaha kalena, waa kan iminka faalladiisa aan ku jirno ee “Adkaysi iyo Abaal”. Labada dhiganaba, waxaa la iiga soo dhiibay cariga Ingiriiska, London ama caasimadda ciryaamadu hadheysay waa siday Carabtu u taqaan e!

Buugga “Adkaysi iyo Abaal” waa buug yare ka kooban 143 bog, waana taariikh-nololeeekii (Biography) Cabdirixmaan Cabdille Shuuke, mahadcelin iyo hordhac kooban marka laga yimaado wuxuu diiradda saarayaa sooyaalkii Shuuke, waxqabadkiisii iyo guulihii uu ka gaaray shaqadiisii waxbarashada. Wuxuu kaloo buuggu si qoto-dheer uga warramayaa kaalintii Shuuke qaran jabkii ka dib, hay’adihii uu Shuuke soo dhisay oo ay ugu mudantahay xarunta Cilmi-baadhista ee “PDRC”.

Buugga waxaa qoray Dr. Axmed Dalmar, waxaana daabacday shirkadda “Scansom Publishers”. Dowladjire: Cinwaanku buugga waa ka badh, marka laga yimaado inuu yahay mid akhristaha soo jiidan kara, si uu ugu gudbo nuxurka buuggu xambaarsanyahay, misana, waa in uu ka tarjumi karaa sheekada dhiganuhu ka faaloonayo. Buugga “Adkaysi iyo Abaal” waa xaqiiq inuu qoraagu siduu ku xusayba dhammaadka buugga, bogga 135, ulajeeddada cinwaankiisu wuxuu ahaa in Shuuke soo maray nolol adag yaraantiisii, dabadeedna markuu hanaqaaday abaal marintiisu noqotay in uu gaaro wasiir; oo uu noqday wasiirkii waxbarashada iyo sidoo kale wasiirkii qorshaynta dowladdii uu madaxda ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre (AHUN). Markaad buugga akhriso dacal ilaa dacal, waxaa kuu muuqanaya sooyaalka Shuuke inuu ku suntanyahay dowladnimo. Wuxuu shaqo ka billaabay kaaliye macallin, agaasime, xoghaye gole shacab, wasiir ku xigeen iyo wasiir, qarankuu markuu burburayna wuxuu noqday madaxa hay’adda cilmi badhista iyo horumarinta ee dowladda Puntland (PDRC).

Aniga haddii la iga talo galin lahaa cinwaanka xasuus-qorkiisa waxaan magac uga dhigi lahaa (Dowladjire) anigoo maanka ku haya buuggii laga qoray Diblumaasigii Soomaaliyeed Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) (1930-2013) cinwaankiisuna ahaa: “Danjire”. Sidoo kale xasuus-qorkii Aabbihii taclinta Soomaaliyeed (Maxamuud Axmed Cali 1903- 1983) . Cinwaanna looga dhigay: (Geeljire iyo Aqoonjire). Waxaa kaloo maktabadayda yaal buug uu qoray Saxafi Axmed Siciid Cige, Cinwaankiisana ugu wanqalay “Warjire”. Mid kastaa oo dhiganayaashaas aan soo sheegay ka mid ahi wuxuu ka warramayaa waxay ku heellanaayeen oo gadaal laga raaciyay erayga “Jire”! Run-sheeg: Xasuus-qorrada caynkaan oo kale ah waxaa loo qoraa in ay noqdaan dhaxal reeb, u hogatusaaleeya dhallinta, si ay uga qaataan fikir tubta tolmoon ee hoggaaminta iyo maamulka. Dhaxal-reeb waa cinwaan kaloo aan soo jeedin lahaa in loo bixiyo buuggan!

Shuuke dadka yaqaan waxay ku tilmaamaan in uu yahay nin runta sheega haddii xitaa ay dacarta ka qaraadhahay, Soomaaliduna waxay oran jirtay “run sheeg waa ceeb sheeg”. Saxaabigii weynaa ee Cumar Ibnu Khaddaab wuxuu yiri “Alle ha u naxariisto ruuxii ceeb aan leeyahay ii hibeeya” . Ubucda fikir ee dhiganahaan aan faalladiisa wadno udub-dhexaadka u noqon karta waa in Shuuke oo maanta ku jira gu’giisii 90aad aan baranno siduu ugu dhiirran jiray inuu runta sheego haddii xitaa ay naftiisa halis galin karto, markaad akhriso boogga 70-aad ee buugga ayaadna xaqiiqsanaysaa qofnimadiisa iyo dadnimada Alle u dhaliyay. Caafimaad buuxa eebbahay haku galladee Shuuke sida buugguba (boggiisa 136) ku xusan iminka waa bukaan yaal.

Talo jeedin: Gunnaanadka dhambaalkaygan waxaan soo jeedin lahaa talooyin guud oo aan is leeyahay waxay iila muqatay in qoraaga buugga iyo bulshadaba ay habboontahay in aan la wadaago:

B- Qoraaga buuggan, oo ah dhakhtar caafilaad, wuxuu dadaal la mahadiyay ku bixiyay inuu xil iska saaro soo gudbinta sooyaalka haldoor Soomaaliyeed oo bulshada u adeegay. Midhihii dadaalka qoraaga ka dhashayna wuxuu noqday dhiganahaan 143 bog ka kooban, cinwaannadiisuna qubanayaal yihiin; inkastoo aan jeclaa in cutubyo kala duwan loo qaybiyo buugga.

T- Waxaa ila habboon buuggu inuu daabacaad labaad yeesho oo lagu daro cinwaanno kaloo muhiim ah, tusaale ahaan: buuggu wuxuu ka warramayaa waxbarashadii dalka ka jirtay xilligii kacaanka oo kaliya, dhaxal-reebaha xasuus-qorkanina wuxuu u joogay qaran-jabkii ka dib waxbarashada dalku siday ahayd, maxaa is baddalay? Halkee u soconnaa?!!

J: Dowladda iyo dadweynahaba waxaan u soo jeedin lahaa in la maamuuso Shuuke intuu noolyahay, magaciisana goobo waxbarasho loogu magac daro. Horaa loo yiri: “wixii qoran baa qaruumo hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay?”. Haldoorro kale oo nool baa jira, waxaa iga qaylo dhaan ah in dhaxal laga reebaa intay noolyihiin. Allow Soomaali mala taliyay!

Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)

Email: ashkirnuur84@gamil.com


Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland, waana qoraa ka faallooda arrimaha Siyaasadda iyo Taariikhda.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.